Tallaabooyinka iyo haddallada dowladda Federaaka ah iyo Jubaland ee sii murjinaya xiisadda cakiran

Khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa cirka iskusii shareerey

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa cirka iskusii shareerey

Iyadoo Xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland ay cirka iskusii shareereyo ayaa Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay maamulka Jubaland in ay ciidamo u daabuleen deegaannada ay dowladdu gaysay ciidamada ee gobolka Jubadda Hoose si ay u dagaallamaan labada ciidan.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee naafada oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanadaas ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka.

Ra’iisulwsaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda, “Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa.

Ra’iisulwasaaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in “ciidamadaas Kismaayo looga arkay sidii ciidamo dal shisheeye ku soo duulay” isagaoo ku ammaanay ciidamada Jubaland in ay iska diideen in ay la dagaallamaan kuwa dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Qoraalka sawirka, Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.

Riisulwsaaraha ayaa sheegay in dalku uu yahay dal qura , Ciidamada Xooggana aanay jirin meel ka mamnuuc ah, iyagana uu waajib ka saaran yahay difaaca dalka

“Waxaa waajib ka saaranyahay in ay xuduudaha sugaan dastuuriyanna dastuurka ayaa faraya,“ ayuu yiri Xamse, isagoo intaas ku daray in Qarannimada Soomaaliya ay saldhig u tahay ciidankooda.

Ra’iisulwsaaraha ayaa nasiib darRo ku tilmaamay in ciidmadii la tababary oo ku faanayey in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu difaacayo in dad masuuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaallamo kuna tilmaamaan in uu caddow yahay, in uu soo galooti yahay iyo in uusan dalka lahayn.

Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.

Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidamada dowladdu u daad guraysay Jubadda Hoose ay salka ku hayso arrin siyaasadeed isla markaana deegaannada ciidamada ATMIS ka baxeen ay hadda gacanta ku hayaan kuwa Jubaland.

Wasiirka warfaafinta mamaulka Jubaland Abdifitaax Maxamed Mukhtaar

Xigashada Sawirka, Wasiirka Warfaafinta Jubalan

Qoraalka sawirka, Wasiirka warfaafinta mamaulka Jubaland Abdifitaax Maxamed Mukhtaar

Wasiirka warfaafinta mamaulka Jubaland Abdifitaax Maxamed Mukhtaar oo BBC-du ay warreysi la yeelatay ayaa wax laga weeydiiyay ciidamada Jubaland ee usoo goostay dhanka Dowladda Federaalka waxanA uu kaga jawaabay “in ay jiraan tiro kooban oo ciidamo ah oo la marin habiyay”.

Dowladda dhexe ayuu ku eedeeyay inay dhaqaalle ku bixisay ciidamada u goostay dhanka dowladda Federaalka ah eedeyntaas oo aanay BBC-du si madax-bannaan u xaqiijin Karin sugnaashadeeda.

Balse Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay ciidammadaas in ay muujiyeen dareen waddaniyadeed iyo mid Soomaalinimo. Isago intasi ku dary in Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkuba ay u abaalgudi doonaan.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku doodday in meel kasta oo ay ka baxeen ciidamada ATMIS ay la wareegeen Ciidaamada Daraawiishta Jubaland ayna yihiin ammaan.

Xigashada Sawirka, Jubaland TV

Qoraalka sawirka, Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku doodday in meel kasta oo ay ka baxeen ciidamada ATMIS ay la wareegeen Ciidaamada Daraawiishta Jubaland ayna yihiin ammaan.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mar la weeydiiyay wasiirka wax ay ku diidanyihiin in ay Dowladda Federaalka ciidama usoo dirto Jubaland ayuu Cabtifitaax kaga jawaabay in ciidamada ay soo dirtay Dowladda Federaalka aanay u imaan in ay sugaan amniga, balse ay yihiin ciidamo u yimid dano siyaasadeed.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku dooday in meel kasta oo ay ka baxeen ciidamada ATMIS ay la wareegeen Ciidaamada Daraawiishta Jubaland ayna yihiin ammaan.

Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa soo saaray amar lagu joojinayo duulimaadyadii diyaardaha ee garoonka diyaaradaha magaalada Raas Kambooni ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana digniin loogu diray shirkdaha diyaaradaha.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland Abdifitaax Maxamed Mukhtaar oo ka hadlayey sababaha ay u joojiyeen dullimadyada ayaa sheegay in deeganka ay ka jiraan arrimo collaadeed isagoo ku doodday in diyaarado shacab oo halkaasi horrey uga degi jiray aanay jirin.

“Diyaardaha hadda halkaasi yimidna waxa ay ku yimaadeen si aan ka tashi lahayn oo aan laga warqabin,” ayuu yiri Cabdifitaax oo intaasi ku daray in diyaaraddii iska dhega tirta digniintaas lala xisaabtamayo.

Xiisaddan iyo khilaafkan u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo maamulka Jubaland ayaa salka ku haya hanaanka doorasho ee dalku yeelanayo taas oo Dowladda Federaalka ah dooneeyso in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, taas oo lagu dooranayo madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Hasa yeeshee Jubaland ayaa taas ku gacan seyrtay waxayna doorasho ku saleysan nidaamkii hore ee ay Jubaland wax kusoo doorteen xildhibaanda ay dhawaan dib ugu doorteen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan.

Dowladda Federaalka ah ayaa diidday natiijada doorashadaas, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa cirka isku sharreeray khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.