Xagee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafka cirka isku sii shareeraya ee Jubbaland iyo dowladda Federaalka

Xigashada Sawirka, Social
Golaha wasiirrada xukuumada Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa sheegay in doorashadii shalay ka dhacday Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid sharci darro ah, isaga iyo xubnihii doortayba, waxaana dowladdu ugu yeeratay Axmed Madoobe "hoggaamiye hore".
Dhammaan tallaabooyinkii la xiriiray doorashadaas ayaa xukuumaddu federaalku ku tilmaantay kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.
Afhyeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa go’aanka golaha wasiiradda aqriyay.
Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu cadeeyey in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in wax labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka "Axmed Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad".
“Golaha Wasiirrada waxa uu farayaa Garqayaanka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya inuu si deg deg ah uga howlgalo horgeynta maxkamadda sare ee dalka dacwad lid ku ah dhamaan talaabooyinka aan waafaqsanyn xeerarka doorashooyinka dalka ee Axmed Madoobe uu qaaday,” ayaa lagu yiri qaraarka xalay ka soo baxay xukuumadda.
Ka dib markii shalay dib loo doortay Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ciidamo kusoo daadgureysay degaanka Raaskambooni, iyagoo qorsheynaya inay weerar kusoo qaadaan magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilkan uu yahay mid lagu doonayo in ciidamada qalabka sida looga weeciyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Wuxuuna ku adkeystay in ciidamo aan Jubbaland ahayn aysan ka howlgali karin magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inuusan marna ogolaan doonin in dowlado shisheeye ay dhexdhexaadiyaan arrimaha Soomaaliya, isagoo iska fogeeyay dhankiisa inuu xiriir dhow laleeyahay dowladaha Ethiopia iyo Kenya.
“Kenyaan ma ihi, Itoobiyaan ma ihi. Soomaali baan nahay. Soomaali wada hadalkeeda ayaan diyaar u tahay. Ma doonayo in ajnebi farta noogu yeero. Xasan Sheikh waxaan u sheegayaa dowlado haku wareegin oo dalka dib ha u celin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Maxay yihiin arrimaha dhabta ah ee la isku hayo?
"Arrimaha dhabta ah ee la isku hayo Soomaaliya ma ah shakhsiyaadka ee waa marka ay timaaddo awoodda Federaalka iyo awoodda dowlad goboleedyada sida loo kala yeelanayo iyo cidda maamuleysa kumana koobna oo keliya arrimaha doorashada ee markaad eegto arrimaha amniga, markaad eegto wax barashada iyo dhammaan hay’adaha dowliga oo is hayo, murmayo oo aan awoodii heshiis ku ahayn marka taas un ayay tanina dhabarka ku haysaa", ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya.
Arrintan saameyn ma ku yeelan kartaa nidaamka dowliga ee Soomaaliya ee federaalka ku dhisan?
“Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah, sidoo kale waxaa hakad galaya wada shaqeyntii dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxy sidoo kale arrntan sababeysaa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha.“
Xal ma yeelan karaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland marka la eego halka ay xaaladdu hadda taagan tahay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxamed Mukhtar ayaa sheegay inay u muuqato in lagu soo laaban doono waddadii tii hore.
“In Axmed Madoobe uu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo balse waxaan filayaa in muddo lakala taagnaan doono marka dambana la isku khasban doono oo la wada shaqeeyo laakiin dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa laga inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“
Dhanka kale Abuukate Sakaiya Xaaji Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in khilaafka dowladda Federaalka iyo kan Jubaland uusan ahayn mid dhanka sharciga ah balse uu yahay mid la xiriira siyaasadda.
“Xalkan xal sharci ma aha ee waa Khilaaf siyaasadeed, khilaaf siyaasadeedna waxa uu u baahan yahay wadahal iyo isu tanaasul sidaa darteed looma baahno in awood ciidan la adeegsado iyo dhiig la daadiyiyana looma baahno ee waxaa loo baahan yahay xal wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka aloosmay Jubaland, ma aha Khilaaf sharci ee waa khilaaf siyaasadeed.“













