Habeenkii yaabka lahaa ee Osama Bin Laden cashada soo doontay isaga oo aan la filayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa dhici kara marka martida lama filaanka ah ee cashadaada uu noqdo ninka adduunka oo dhan loogu doonis badan yahay? Muddo kadib dhimashadii Osma Bin Laden laba nin ayaa ka sheekeynaya sidii ay casho ugu casuumeen, hugaamiyihii al Qaacida ee xilligaas.
Xilli dambe, habeen xagaa ah sanadkii 2010 kii, afaafka hore ee gobolka Waziristan ee wuqooyi-galbeed dalka Pakistan, lix nin oo odayaasha dhaqanka qoys halkaas dagan ahaa ayaa cabaar iyagu oo dareen qaba sugay imaanshaha martidoodii oo aysan markaas garanayn cidda uu yahay.
Todobaad ka hor ayaa loo sheegay inuu u imaan doono qof loogu sheegay oo kaliya ‘inuu muhiim yahay’. Looma sheegin wax magac ah, iyo waqtiga saxda ah ee u umaanayo, balse waxaa loo sheegay oo kaliya saacada uu ku soo beegmi karo.
Qiyaastii 11 kii habeenimo, markii dadkii aagaas joogay oo dhan ay gam’een, ayay maqleen shanqarta gaari dhankooda u soo socda.
“Xayn gaawirida nuuca Jeepta ah ee taayirada waawayn ayaa ku soo baakintay guriga agtiisa”, ayuu yiri mid kamid ah odayadii qoyska oo arrintaan ka sheekeeyay. “Waxay u muuqdeen inay jihooyin kala duwan ka yimaadeen.”
Mid kamid ah gawaaridii ayaa aad ugu soo dhawaaday barsadda guriga, waxaana kuraasta dambe ka soo dagay nin dheer oo muuqaal tabar daran leh. Wuxuu xirnaa qamiis dheer iyo cimaamad cad.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ragii meesha taagnaa ee wax sugayay waxay arkeen wax ay aamini waayeen. Waxaaba hortooda taagan cid kale maahan, waa Osama Bin laden, ninkii loogu doonis badnaa dunida oo dhan.
“Afka ayaa laba taako na noqday,” ayuu yiri mid kamid ah odayadii. “Wuxuu ahaa qofka kaliya ee aynaan ka fikirayn inuu albaabka yaga soo istaago.”
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabaar ayuu taagnaa albaabka gaariga agtiisa, isaga oo dad salaamayay.Odaygu wuxuu sheegay inuu dhunkaday gacantii Bin Laden kadibna uu indhahiisa dulsaaray ixtiraam uu u muujinayay dartiis.
Kadib, wuxuu gacantiisa si fudud garabka uga saaray mid kamid ah ragii isaga la socdayay, iyaga oo Bin Laden u waday qol ay u diyaariyeen. Odayadii gudaha ugama daba galin. Kaliya qaar kamid ah ragii la socday ayaa gudaha u sii raacayay.
Arrintaani waxay dhaceysaa sanad ka hor inta aan ciidanka Maraykanku hawlgal qarsoodi ahaa ku dilin Bin Laden, oo ku sugnaa xaafad ku taalla magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, taas 300 oo kilo mitir wuqooyi-bari ka xigta halka uu ugu yimid raga martiqaaday.
Naxdinta uu ka qaaday geeridiisa ayaa mid kamid ah odayadii u sheegay dhacdadaan saaxiibo ay isku dhawyihiin, taas oo sababtay in ugu dambeyn aan anagu ogaano.
Xoogaa qalqaalo ah kadib, laba kamid ah ragii casuumay Bin Laden ayaa aqbalay inay nala hadlaan. Labaduba waxay codsadeen magacyadooda iyo wax lagu garan karo inaanan sheegin.
Muddo saddex saacadood ah oo uu Bin Laden la joogay qoyskaan, wuxuu tukaday salad, cabaar ayuu nastay. Wuxuu cunay hilib nayl jiir ah oo laga qalay neyl yar kadibna la jarjar, hilib digaag oo yaryareeyay kadibna la kariyay iyo bariis marti soor ahaa loogu sii diyaariyay isaga iyo ragii la socdayba.
Waqtigaas oo dhan looma ogolayn xubnaha qoyskaan casuumaada fidiyay inay ka baxaan daaradda guriga, ama qof banaanka ka yimid uu gudaha soo galo. Rag hubaysan ayaa isku gadaamay ganjeelkii guriga, darbiyadii iyo saqafkiiba.
Mar waxaa jirtay uu buuqyar ka dhex dhacay waardiyaasha, kadib markii mid kamid ah ragii martida loo ahaa uu codsaday in aabihiis oo 85 jir ah loo ogolaaday inuu arko Bin Laden.
“Hami uu waligiis lahaa weeye arrintaan,” ayuu ku daray codsigiisii. Farriintaas waxaa loo sii gudbiyay Bin Laden oo aqbalay inuu la kulmo odaga.
Afar nin oo hubaysan ayaa soo raacday ninkii si ay u soo wadaan aabaha. Odaga inuu meesha Bin Laden joogo waxaa loo sheegay markii la keenay gurigii martiqaadka.

Xigashada Sawirka, AP
Waxay yiraahdeen odagu toban daqiiqo ayuu la joogay Bin Laden, isaga oo duco iyo hambalyo dusha uga tuuray. Waxa kale oo uu siiyay talooyin ku aadan taaktikooyinka dagaalada beelaha ee waaya araga u ahaa, warkaas oo dhan ayuu ugu sheegay luuqadda Pashto ga, taas oo sida muuqatay uusan Bin Laden waxaba ka fahmin.
Arrintaas ayaa ka dhoola-cadeeysiisay ragii martiqaadka fidayay iyo ilaaladii Bin Laden.
Maadaama su’aalaha aan weydiinayanay ragaan ay diiradda saarayaan sida wax walba u dhaceen, waxay ka gaabsadeen inay tilmaamaan sida uu ekaa ninkii u sheegay inay Bin Laden casuumaan.
Sidoo kale waxay ka feejignaayeen inay macluumaad ka bixiyaan ragii kale ee la socday Bin Laden.
Sanad kadib dhimashadii Bin Laden, waxay labada dawladood ee Maraykaka iyo Pakistan isku raaceen, in Blin Laden uu muddo shan sano ah ku noolaa nolol xirxiran, isaga oo aan ka bixin gurigii uu ka daganaa Abbottabad.
Taasi waxay u muuqataa inaysan hadda oolin oo su’aalo badan u baahan yihiin in laga jawaabo.
Meesha uu booqday Bin Laden sanadkii 2010 kii oo ah bartanka meel ay ku hareereysan yihiin qabaa’iilaad badan, taas oo ah meel ay ku fooganaayeen, ilaa xadna ay hadda wali ku foogan yihiin hawlagallada milatariga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka. Ciidamo badan ayaa halkaas deggan kuwaas oo ku leh baro kontorool oo farabadan si ay ugu hubiyaan gaadiidka halkaas maraya.
Siduu waxaas oo dhan uga gudbay isaga oo aan la ogaan?
Pakistaniyiintu waxay mar walba diidi jireen inay ogyihiin halka uu ku sugan yahay iyo inay garab siiyaan Bin laden.
Waxaa kale oo jira su’aalo ah kumuu ahaa qofkii qorsheynayay safarkiisa, maxay ahayd u jeedada safarka, iyo imisa jeer ayuu sidaas oo kale si kadis ah ugu martiyay dad aan filaneyn?













