Qaar kamid ah jilaayaasha Bollywood ee shiidka daran ku dhacay iyaga oo caan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaayaasha caanka ah ee Bollywood, waxaa soo maray taariikho aysan dad badan horey u ogayn, kuwaas oo ku saabsan nolosheeda iyo waqtiyo adag oo soo maray.
Sida inta badan laga ogyahay, waa kuwa taajiriin ah oo kasbaday maal iyo magac, balse waxaa jira waqtiyo aan laga war hayn oo noloshoodu bubur qarka u fuushay ama ayba gabi ahaan buburtay.
Dhaqaalo xumo ayaa ugu wayn waxa ku dhacay, iyaga oo gaaray heer ay wax walba oo ay haysteen ku bixiyeen daymo lagu lahaa.
Qaarkood ayaa gaarayheer ay iibiyaan guryihii ay ku noolaayeen.
Hadaba waxaan halkaan idin kula wadaageynaa, saddex jilaa oo caan ah, oo muddo dheer ku soo jiray filin jilista, iyo waayo darnaa oo noloshooda u baryay iyaga oo caan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Amitabh Batchan
Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Amitabh Bachchan, soomali qaar u yaqaanaan ‘Cali Dheere’ ayaa kamid ah jiliyaal ay soo wajahday xaalad dhaqale darro oo aad u darnayd.
Kadib markii uu helay dhaqaale iyo caanimo ayaa waxaa dhacday in kamid ah xilliyaii soo maray noloshiisa uu noqday mi deymaysan oo hantidiisii oo dhan uu ku bixiyay iibsashada hanti maguurto ah, oo lafteeda deyn loogu yeeshay.
Sanadkii 1999 kii, ayuu mid kamid ah wareysiyadii lala yeeshay wuxuu kusheegay ‘in dunida u dabaal degayso dhalashada sanadka cusub, isaguna uu la daalaa dhacayo dayn lagu yeeshay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ramchand Srinivasan ayaa mar sheegay, ‘in Amitabh ay mar soo wajahday dhaqaalo xumo iyo filin la’aan labada, shirkad uu lahaa oo lagu magacaabi jiray ABCL na ay musalaftay.’ Wuxu sheegay inuu lacag badan aruuriyay si shirkadda u maalgaliyo, shirkadiina ay qasaartay, taas oo xaalka u xumeyay.
Wuxuu ku sheegay waraysiyadisii xilligaas sida uu dhibaatadaas oo dhan u dhexgalay oo dhaqaalo burbur u horeseeday, iyo sidoo kale inuu albaabo badan gargaraacay isaga oo dad kala duwan shaqo waydiisanayay.
Amitabh wuxuu shirkado badan ka raadiyay filin uu u jilo, balse wuxuu ugu dambeyntii sameeyay filinkii ‘Mohabbatein’ sanadkii 2000, markaas oo uu bilaabay soo kabasho.
Filinkaas oo laga sii daayay talafishano yaryar ayaa dad badan kula taliyeen inuu iska dhaafo oo sumcadiisa ilaashado, balse isagu wuu ku adkeystay go’aanadiisa, wuxuuna bilaabay duubista filinka.
Filinkaas oo uu aakhirii ku guuleystay ayaa u saamaxay inuu wadada mar kale cagta saaro.

Xigashada Sawirka, .
Govinda iyo Jackie Shroff
Waxaa soo martay labaadan jilaa waqti aad u xun sanadihii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii, xilligaas oo wax walba ay madaxa isla galeen.
Mar uu wareysi bixinayay Govinda ayuu sheegay inuu lacago fara badan ku maal gashaday filimaan iyo ganacsi kalaba, balse uu wajahay qasaare aan caadi ahayn oo uu kulumiyay hanti fara badan.
Waxaa la sheegay in Govinda ay soo wajahday lacag la’aan iyo shaqo la’aan haysatay muddo aad u dheer. Kadib ayuu helay fursad uu filin kula jilo jilaaga kale ee Salman Kahn.
Filinka ayaa noqday mid aad loola dhacay, taas oo u sahashay Govinda inuu mar kale ku soo noqdo saaxadda filimada.
Si taas la mid ah ayaa jilaaga Jackie Shroff waxaa soo wajahay dhaqaalo daran uu ka sheekeeyay taas oo mar qabsatay noloshiisa, Xaaskiisa ayaa maalgashatay filin lagu magacaabi jiray ‘Boom’ balse waxaba kama aysan faa’iidin, balse qasaare xoog leh ayay kala kulantay.
Hadana waxa isku dayday inay maalgashato filin ay jilaayaal ka ahaayeen Govinda, Jackie iyo Salman Khan, balse isaga waxba kama aysan faa’iidin.
Wareysi ay siisay warbaahinta India Express ayay ku sheegtay Ayesha Shroff in guuldaradii uu keenay filinkii ‘Boom’ ay u horseeday inay musalafto, waliba ay gurigeedii iibisay si ay dhaqaale isaga gudo.
Iyada oo la hadlaysay barnaamijka ‘Koffee with Karan’ ayay tiri Ayesha, “Waqtigaas waa uu noo xumaa inanga. Waxaa luminay wax walba, balse Jackie Shroff ayaa si wayn ii garab istaagay.
Markii wiilkooda Tiger uu go’aansaday inuu ka hawlgalo filin jilista, ayay sheegtay inuu u balan qaaday in uu gurigeedii dib ugu iibin doono sanado gudahood, Tiger ayya sheegtay inuu gurigii u iibiyay hadiyad ahaanna u siiyay, waxay u xustay in qalbigeeda uu si wayn u saameyay arrinka uu smaeeyay Tiger.













