Sababtii uu Cali Dheere u diiday in uu filim la jilo Kareena, iyo sheekooyin kale oo aadan ogeyn xiddigahan

Facebook

Xigashada Sawirka, Facebook

Sheekooyinka ku saabsan jilayaasha Bollywood waa kuwo ay aad u xiiseeyaan shucuub kala duwan, waxaana ugu wacan qaabka jilliinka, iyo magaca ay leeyihiin dadka jilayaasha ah.

Laakinse waxaa jira jilayaasha qudhooda inay is eeg-eegtaan, oo marka uu jilaa arko mid kale oo uusan jecalayn uu diido in ay filimka wada dhigaan.

Haddaba, qaar ka mid ah jilayaashaas – oo intan ka sii badan – iyo waxa ay ku diideen jilayaasha kale ee ay filimka ama filimada wada dhigi lahaayeen ayaan idiin soo uruurinay.

Ranbir Kapoor iyo Sonakshi Sinha

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Ranbir Kapoor iyo Sonakshi Sinha waa laba jilaa oo caan ah. Sidoo kale waxay taageerayaal badan ku dhex leeyihiin dadka daawada aflaamta afka Hindiga.

Laakinse warar dhawaanahan soo baxayey ayaa sheegaya in Ranbir uu joojiyey saxiixa filim ay wada dhigi lahaayeen Sonakshi, isagoo sababta ku sheegay inay “aad ugu da’ weyn tahay”.

Filimka oo ahaa mid maad ah (Comedy) ayuu Ranbir dalbaday in aysan kaalintaas ku haboonayn Sonakshi.

Sonakshi waa 36 jir, wuxuuna Ranbir oo 41 jir ah doonayey in gabar aad uga da’ yar Sonakshi ay la dhigto filimka, laakinse soo saareyaashu dheg uma aysan dhigin arrintaas.

Ranbir ayaa markii dambe go’aansaday inuu faraha kala baxo jilidda filimka.

2012 ayaa majalladda Forbes waxay ku soo dartay qalanjadan liiska boqolka taajir ee dadka ugu magaca dheer dalka Hindiya, waxayna ka gashay kaalinta 41aad.

2014 waxay kaalinta 5aad ka gashay liiska 10ka qalanjo ee safka hore kaga jira jilidda filimada.

Waxaa jilidda u dheer in ay samayso xaysiisyada waxayaabaha korka la marsado iyo mujowharaadka la isku qurxiyo.

Cali Dheere iyo Kareena Kapoor

Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Mar ayaa jirtay Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu u taqaano Cali Dheere uu diiday filim ay soo jeedisay Kareena Kapoor oo ay doonaysay inay isla dhigaan.

Arrinta ugu weyn ee ugu gacan sayray filimkaas waxay ahayd ayadoo ay kala hareen wiilkiisa, Abhishek iyo Karisma Kapoor oo ay Kareena walaalo yihiin. Xiriirkooda ayaa soo afjarmay Febraayo 2003.

Markii dambe waxaa kaalintii filimkaas, Baabul oo soo baxay 2005, ay ku lahayd Kareena lagu beddelay Rani Mukherjee.

Filimka waxaa kaloo ka qayb qaatay jilayaal magac weyn oo ay ka mid yihiin Salman Khan iyo Hema Malini.

Aishwarya Rai iyo Abhishek Bachchan

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Qalanjadaas waxay mar diidday inay filim la dhigto Abhishek Bachchan oo saygeeda ah.

Xilliga ay diidmada samaynaysay ayaa ah isla markii ay is guursadeen, waxaana ka muuqatay Aishwarya in aysan jeclaysan in saygeeda ay filim wada jilaan.

Filimka ay diidday ayaa ahaa Dostana, waxaana jilayey Abhishek, John Abraham, Priyanka Chopra, iyo Bobby Deol.

Inkastoo soo saaraha filimka, Karan Johar, uu kaalinta qalanjada 1aad la doonayey Aishwarya misna wuxuu ku qancay in ay halkeedii buuxisay Priyanka Chopra, dadkii daawadayna in badan oo ka mid ah way jeclaysteen.

Kareena Kapoor iyo Emraan Hashmi

Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Filimka Badtameez Dil ee soo baxay 2015, kaasoo ay soo saareen Ekta Kapoor iyo Karan Johar ayaa heshiis lagula galay in labada jilaa ee filimku ku socdo ay noqdaan Emraan Hashmi iyo Kareena Kapoor.

Kareena waxay dib uga boodday filimka, waxayna sheegtay in ay dhibsatay muuqaal ay dhunkasho ku jirto oo filimka qayb ka ahaa.

Kareena Kapoor waa jilaa 43 jir ah, waana xaaska jilaaga Saif Ali Khan.

Salman Khan iyo Aishwarya Rai

Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Filimka uu soo saaray Sanjay Leela Bhansali ee la yiraahdo Bajirao Mastani markii la diyaarinayey waxaa loo soo bandhigay inay wada jilaan Salman Khan iyo Aishwarya Rai.

Laakin waxaa hawshii filimka xagal daaciyey xiriirka labadaas jilaa oo xilliyadaas aad u xumaaday, markii dambena halkaas ku soo afjarmay.

Filimka waxaa markii dambe dhigay Ranveer Singh, Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra. Wuxuu filimka soo baxay Disembar 2015.

Katrina Kaif

AFP

Xigashada Sawirka, AFP

Ka dib markii aad looga daba dhacay filimkeeda Akshanka ahaa ee Tiger Zinda Hai ee soo baxay Disembar 2017, ayaa katrina Kaif wuxuu magaceedu noqday mid aad u caan baxay.

Aditya Roy Kapoor oo ah nin jilaa ah ayaa u soo bandhigay inay filim wada dhigaan, laakiin way ka diiday inay filim la dhigto.

Sababta ay u diidday ayaa markii dambe dad gabadhaas u dhow waxay ku tilmaameen inay la xiriirto taariikhda jilaaga oo ay saluugsanayd, iyo aflaam is xigxigay oo aan si wanaagsan u hirgelin oo uu hore u sameeyey.