Aktarrada caanka ah ee noloshoodii hore rafaad soo maray

Bollywood

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Haddii badanaa aad aragto nolosha sarraysa ee ay ku nool yihiin jilayaashu iyo sida ay u yihiin hantiilayayaal sare, haddana waxaa jira marar badan oo ay dhanka kale aadaan oo waxa ay haystaanba lumiyaan, inkasta oo tiro ka mid ah ay dib u soo kabtaan.

Qoraalkan waxaynu ku eegaynaa shan jilaa oo caan ah oo BBC qaybta Hindiya ay ka diyaarisay xilliyadii xaalku ku xumaa.

Amitabh Bachchan

.

Xigashada Sawirka, AP

Amitabh Bachchan, oo Soomaalidu ay u taqaanno Cali Dheere, ayaa ay jirtay xilli marxaladaas nololeed oo uu la daaldhacay isaga oo wejahay dhibaatooyin dhaqaale oo kala duwan.

Waxaana la xasuustaa, marka laga tago sida uu caan u ahaa iyo qaddarintii weyneyd ee uu ku dhex lahaa dunida aflaamta, haddana waxaa jirtey xilli wax kastaa ay ka burbureen oo uu xaalad saboolnimo ku dhaw galay.

Waxaana la xasuustaa dhammaadkii sannadkii 1999 in jilaagan Hindiya looga ‘Big B’ waraysi uu bixiyey uu kaga hadlay xaaladdaas: “Adduunku waxa uu dabbaal degayaa bilashada sannadka cusub halka aniguna aan u dabbaal degayo jabkaygii’ ayuu yidhi.

Xilligaas oo hal mar uun lagu baraarugay xaaladdiisa, waxaa se u xigay jilitaanka aflaam lacag badan soo xaraysay, isaguna si quyar ah ugu soo laabtay halkiisii hore.

Raj Kapoor

Bollywood

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raj Kapoor, oo ay aad yaqaannaan daneeyeyaasha aflaamta Bollywood-ku, weliba kuwoodii hore kaas oo soo ahaa jilaa iyo filim soo saare badanaa la jeclaysto wax soosaarkiisa.

Raj, waxa uu soo dhadhamiyey macnaha guusha, sida oo kalena waxaa jirtey xilli uu la kulmay fashil ballaadhan.

Waxa ay ahayd xilligii uu samaynayy filimka lagu magacaabo ‘Mera Naam Joker’, kaas oo uu u amaahday lacag aad u fara badan si uu u celiyo marka filimkasi gadmo.

Laakiin, nasiib darro filinkaas ayaa fashilmay oo aan wax lacag soo xarayn, dadweynahana sidii laga filayey aanay uga helin.

Waxaana uu ku qasbanaaday in uu iibiyo oo xaraasho dhamaan hantidiisii si uu isaga gudo.

Muddo yar kaddib waxa uu sameeyey filimka ‘Bobby’ ee ay hormuudka ka yihiin Rishi Kapoor iyo Dimple Kapadia, kaas oo oo wax weyn ka caawiyey kuna soo celiyey noloshiisu halkee ay joogtay ka hor intii aanu kicin.

Govinda iyo Jackie

Bollywood

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Govinda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labadan jilaa ee ka mid kuwii loogu jeclaa siddeemaatkii iyo sagaashannadii, Govinda and Jackie Shroff ayaa iyana waxaa soo martay xilli wax walba oo ay haysteen uu halis ku jirey.

Govinda ayaa waraysi uu bixiyey xilliyadaas ku sheegay, in hantidiisa inta badan uu muddooyinkan danbe gashanayey dhanka wershadaha, balse uu dhammaantood khasaare ka joogo.

Balse filimka la wada jecel yahay ee Partner ee uu la dhigay Salman Khan ayaa isna la sheegaa in uu ka caawiyey ka soo kabashadiisa dhibaatadii dhaqaale.

Sidaa si la mid ah ayaa Jackie Shroff ay u wejahay xaalad adagi xilli xilliyada ka mid ah.

Xaaskiisa Ayesha ayaa sameysay filimka ‘Boom’, kaas oo ay geliyeen lacag aad u badan, balse ku danbeeyey filim fashilma.

Xaaskiisu ayaa haddana isku deyday in ay samayso filim kale, kaas oo magaciisu ahaa 'Raju Raja Ram' ayna la metelayeen Govinda, Jackie iyo Salman, bal se isna la joojiyey.

Ayesha Shroff oo wareysi siisay India Express ayaa sheegtay in fashilka ku yimid filimka Boom uu noqday midka burburiyey noloshooda, oo xataa heer saygeedu gaadhay uu iibiyo gurigii keliya ee ay lahaayeen si uu deynta isaga gudo.

Ayasha oo ka hadlaysay barnaamijka 'Koffee with Karan' ayaa xustay in xaaladdu ay aad ugu adkayd "wakhtigu aad ayuu noogu xumaa, wax walba waannu luminnay, laakiin Jackie Shroff ayaa si adag ii garab istaagay. Markii Tiger uu go'aansaday inuu ka shaqeeyo aflaamta, waa markii aan bilownay inaan dib u soo laabanno, isaga oo noo ballanqaaday in uu guri noo iibin doono, waana uu sameeyey, oo dhawr sano ka bacdi waxa uu si hadyad noogu wareejiyey guri cusub, wax weyn ayay noo ahayd runtii."

Shahrukh khan

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan

Shahrukh Khan, oo loo yaqaan Boqorka jaceylka ee Bollywood, ayaa isaguna ka mid ahaa jilayaasha soo arkay wejiyada kala duwan ee nolosha xilliyo isku dhaw. Guusha iyo guul-darradu ayaa ahaa laba si isku mid ah ula xidhiidha waayaha Shahrukh.

Sannadkii 2010-kii, Shah Rukh Khan filimkiisii ‘Ra-One’ ayaa gebi ahaanba guul-darraystay