Jilaaga Bollywood: Salman Khan maxaa loogu haystaa sawirka?

Xigashada Sawirka, Salman Khan
Jilaaga Bollywood ee u dhashay Hindiya, Salman Khan, ayaa weerar kala kulmay sawir uu dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo jirkiisa mariyay dhiiqo.
Wuxuu sheegay in sawirkaas uu yahay "mid uu ku xushmeynayo dadka beeraleyda ah".
Jilaagan ayaa meel beer ah oo ku taalla Mumbai isku soo xiray si uu dadka uga fagooda, taas oo sabab u ah cudurka corona.
Farriintiisa ah "xushmeynta beeraleyda" ayaa sababtay falcelin kala duwan, iyadoo dad badan ay ka caroodeen waxay ku sheegeen "isla weynin ka muuqda farriinta".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Dadka ka shaqeeya beeraha ee Hindiya ayaa u badan kuwa sabool ah oo noloshooda oo dhan ay ku tiirsan tahay wixii ay ka helaan dadka iska leh beeraha.
Qof farriin ugu reebay Facebook-ga ayaa yiri: "Waad ku nabad qabtaa gurigaaga kugu dhexyaalla beertaada; sida xaqiiqada ahna, beeraleyda way u dhimanayaan gaajo ka dhalatay cudurka faafa ee Covid-19 iyo duullaanka ayaxa."
Balse sawirka waxaa like saartay in ka badan 1.1 milyan oo qof. Weerarka farriimaha ah waa kuwo aad u badan iyadoo dadka qaar ay si sarbeeb ah aragtidooda u muujinayaan.

Xigashada Sawirka, Salman Khan
"Waxaa i dhalay qof beeraley ah, weligeyna korkeyga dhiiqo ma marsan imana gaarin", ayuu yiri nin ka careysnaa farriinta Salman Khan.
Sida wararka ay sheegayaan, jilaagan 54 sano jirka ah, wuxuu xilliga xayiraaydda oo dhan ku sugnaa beertiisa oo ay kula sugan yihiin qoyskiisa iyo dad yar oo ay saaxiibbo ku yihiin shirkadda Hollywood ee aflaanta.
Sawirrada uu soo dhigayay barihiisa bulshada waxaa ka muuqda isagoo isku mashquuliyay qalabka jimicsiga, ka shaqeynta beerta iyo heeso iyo muuqaallo uu iska soo duubo.














