Maalintii uu Shah Rukh Khan 'dabaqa iska tuuri rabay' ee ay gabadhiisa qabatay

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Xiddiga shirkadda filimada dalka Hindia ee Bollywood-ka, Shah Rukh Khan ayaa ka sheegeeyay maalintii uu farxad awgeed dabaqa gurigiisa iska tuuri rabay, laakiin ay kasoo gaartay mid ka mid ah gabdhihiisa.
Wuxuu sheegay in xilligaas ay ahayd sanadkii 2012-kii, markii ay kooxdiisa kubadda cagta ee Kolkata Knight Riders (KKR) ku guuleysteen horyaalka heerka koowaad ee Hindiya.
Shah Rukh Khan ayaa ka mid ah milkiilayaasha saamiga ugu weyn ku leh kooxdaas, oo sannadihii dambe sare u sii kaceysay.
"Waxaan saarnaa darbiga arandada gurigeyga, gacmaha ayaana kor u tuurtuurayay farxad darteed. Markii aan ku guuleysannay koobka waxay ii ahay riyo rumowday iyo fikraddii aan aaminsanaa oo sii adkaatay, sababtoo ah dad badan ayaa igula talin jiray inaan kooxda iska iibiyo, taasoo runtii aanan waligey sameyn doonin. Sidaasna uma dhihin madax adeyg dartiis ee waxaan u iri rajo fiican oo aan qabo darteed iyo kalsooni," ayuu yiri Shah Rukh Khan oo dib u xasuusanayay dareenkiisa maalintii ay guusha usoo hoyatay, kooxdiisuna ay hanteen koobka IPL.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
"Run ahaantii, markii aan ciyaartii ugu horreysay ku guuleysannay, waxaan damacsanaa inaan dabaqa iska tuuro, laakiin waxaan u maleynayaa carruurteyda, gaar ahaan gabadheyda Suhana, ayaa iga soo gaartay oo i qabatay. Inaan duulo ayaan rabay habeenkaas laakiin guriga ayaan ku xasilay".
Jilaagan ayaa sheegay in horay uu aad ugu xiiseyn jiray ciyaaraha, uuna xitaa jeclaa inuu xirfad ka dhigto.
"Nolosheyda oo dhan waxaan ahaa nin reera ciyaaro ah, laga soo billaabo anigoo aad u da' yar, marka waligeyba kooxdeyda kama rajo dhigin, mana cadaadinin, marnaba sidaas ma sameynin," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Shah Rukh Khan ayaa sheegadiisa ku saabsan dareenkiisii maalintaas, oo horay aan wax badan looga sii ogeyn, wuxuu kusoo bandhigay wareysi uu siiyay warbaahinta Star Sports.

Xigashada Sawirka, Shah Rukh Khan/Facebook
Kabtankii hore ee kooxda KKR Gautam Gambhir, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa barnaamijka lagu wareysanayay Shah Rukh.
Isagoo dib u milicsanaya xasuustiisa la xiriirta waayihiisii kooxda, ayuu Gambhir yiri: "Markii aan kooxda kusoo biirayay Shah Rukh wuxuu ii sheegay inay howsha hormarinta tahay mid aniga ii taalla, isaguna uusan waligiis soo fara gishan doonin".
Waxa uu sheegay inuu ballan qaad u sameeyay.
"Anigana waxaan ka qaaday ballan, waxaana ku iri maalinta aan kooxdan ka tagayo, ha ahaato 3 sano ka diib ama 6 sano, waxaad arki doontaa inay taagan tahay heer aad uga sarreeya midka ay hadda joogto. Ballantaas ayaan ka qaaday",










