Deepika Padukone: Atirisho Hindi ah oo booqatay meel aan laga fileyn

Xigashada Sawirka, AFP
Atirishada caanka ah ee Deepika Padukone ayaa fiidkii Talaadada si lama filaan ah uga soo dhex muuqatay jaamacad ku taal Delhi oo ay maalmo ka hor hareeyeen rabshado xooggan.
Padukone ayaa taageero u muujisay ardayda jaamacadda Jawaharlal Nehru (JNU) oo weerar argagax leh kala kulmay koox arday ah oo lala xiriiray xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP). Wax hadal ah kama aanay jeedin goobta.
Durbadiiba waxaa baraha bulshada qabsaday hadal haynta atirishadaasi, iyadoo taageerayaasheeda iyo ardayda jaamacadaas ay bogaadiyeen "taageeradeeda geesinimada leh". Xitaa qaar ka mid ah dadka dhaliisan aflaanta Bollywood ayaa sheegay inay daawan doonaan filimkeeda cusub ee ay uga hadleyso dhibbanayaasha weerarrada aashitada.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Dhanka kale waxaa si weyn u dhaliilay taageerayaasha dowladda Modi, kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo ay taageero ugu raadinayso filimkeeda cusub. Waxaa xoogeystay laba olole oo is diiddan kuwaasoo ku aaddan Padukone iyo filimkeeda cusub.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Muranka ka dhashay booqashada Padukone ayaa ah wax la fahmi karo.
Atirishadan oo 34 sano jir ah, isla markaana jishay in ka badan 30 filim ayaa magac weyn ku leh Bollywood. 26 milyan oo qof ayaa ku xiran barteeda Twitter, halka 42 milyan oo qof ay ku leedahay Instagram.
Sannadkii 2016-kii, jariiradda Forbes ayaa shaacisay in Padukone ay tahay atirishada 10-aad ee ugu mushaarka badan caalamka. Sannadkii xigeyna, iyada iyo seygeeda jilaaga ah ee Ranveer Singh ayaa helay mushaar dhan 21 milyan oo dollar.
In muddo ah, Padukone ayaa looga bartay inay ka hadasho arrimaha xasaasiga ah. Waxay si daah-furan uga hadashay dhibaatada uu ku hayo xanuunka maskaxda. Bilo kadibna waxa ay magaalada Davos uga qeybgashay shir ay uga hadashay hawlaheeda ku aaddan wacyigelinta xanuunka dhimirka.

Xigashada Sawirka, AFP
Booqashada Padukone ay ku tagtay jaamacadda JNU, waxay ahayd lama filaan. Jilayaasha Bollywood ayaa looga bartay in aanay ka hadlin arrimaha siyaasadda. Dowladihii hore, gaar ahaan kuwii uu hogaaminayay xisbiga garabka midig ee Shiv Sena ayaa si shaac baxsan ugu hanjabay jilayaasha sameeya aflaanta aanay jeclaysan.
Haddaba, ma la oron karaa ficilka Padukone waa mid muujinaya isbedel? Ma laga yaabaa inay dhiirageliso jilayaasha kale oo ay difaacaan? Mudaharaadyada ay wadaan ardayda ee ka dhanka ah dowladda Modi ayaa micno gaar ah leh maadaama ay hogaaminayaan dad u dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidka ah.
"Dhab ahaantii Padukone waxa ay ku guulaysatay kalsoonida dhaq-dhaqaaqaasu. Marka tegitaankeeda JNU waa mid muhiim ah," ayuu yiri Shiv Visvanathan oo ah cilmi-baare arimaha bulshada ah.
Padukone oo keliya ma aha ee waxaa jira dad magac ku leh Bollywood oo dhaliilay siyaasadaha Modi. Tiro kamid ah hablaha jilaayaasha da'da yar ah ayaa ka qeyb qaatay dibedbaxyada ka dhanka ah sharciga cusub ee muwaadinnimada iyo weerarka loo geystay jaamacadda JNU.
Padukone ayaa inta aanay gaarin jaamacadda waxa ay weriyayaasha u sheegtay inay "dhibsatay" waxa halkaa ka socda.












