Maxaad kala socotaa Filimka gilgilay siyaasadda Hindiya?

Filimkan ayaa abuuray dood siyaasadeed oo xoog leh

Xigashada Sawirka, THE INDIA TODAY GROUP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Filimkan ayaa abuuray dood siyaasadeed oo xoog leh

"Hindiya kama cabsan doonto argagixiso, waxaan maqleynaa shanqarta calanka babanaya, argagixisada ayaa Hindiya ka cabsan doonta", waxaa sidaas dhahayay nin codkiisu awood leeyahay oo hoggaaminayay ciidamo marayay dhulka barafka ah ee Kashmiir, waxyar ka dibna waxaa ku billaabatay rasaas ay koox fallaago ah ku weeraraeen.

Ninka sawirkiisa la muujiyay waa ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi, waxaana lagu soo dhex daray muuqaal 2 daqiiqo iyo badh ah oo lagu xayeysiinayo filim duufaan siyaasadeed ku noqday dalka Hindiya, xilli ay soo dhawaatay doorashada.

Xayeysiinta Filim-kaas ayaa la sii daayay 5-tii bishan Abriil, maalmo ka hor inta aysan Hindiya ka billaabanin codeynta oo soconeysa waqti dheer.

Waxa uu dhaliyay dareen cadho ah oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah, waxayna u arkeen inuu yahay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qaawan oo xiriir la leh xisbiga uu ka socdo ra'iisul wasaare Modi ee lagu magacaabo Bharatiya Janata Party (BJP).

Xisbigu filimka kuma lug lahan, laakiin jilaaga hogaamiyaha ka ahaa filimka Vivek Oberoi ayaa la xusay inuu taageero xoogan u ahaa Narendra Modi.

Markii uu billaabayay xayaysiinta filimka horraantii bishan, wuxuu ku celicelinayay odhaahdan - "Modi Hai to Mumkin Hai (Modi wuu suurta galinayaa)".

Siyaasiyiinta sare ee xisbiga BJP ayaa sidoo kale ku lug lahaa horumarinta filimka, laakiin Mr Modi ayaa la hadlay guddiga doorashooyinka ee Hindiya, oo baaraya haddii xeerarka doorashooyinka la jebiyey, waxuuna yidhi "anagu filimka waan maal galinay oo kaliya, lacagteena gaarka ah ayaan ku bixinay soo saarista filim-kan".

"Waxba uma qabno siyaasadda, siyaasiyiin ama xisbiyada kale," ayuu ku yidhi BBC da, isagoo intaa ku daray: "Haddii siyaasiyiinta mucaaradka ay ka baqayaan filim, miyaysan kalsooni ku qabin shaqada ay u qabteen dalkooda iyo dowladaha dariska ah?".

Inkastoo xayaysiinta filimka oo kaliya lasoo daayay, ayaa hadana durbadiiba waxaa aad wax naqdiyay dadka wax dhaleeceeya oo ku tilmaamay dacaayad aan habboonayn.

Xildhibaannada iyo xisbiyada kale ayaa ku dooday in filimka aan la sii deyn muddada doorashada ay socoto.

Haddii uu Guddiga Doorashadu go'aan ka gaaro, go'aankaas wuxuu saameyn wayn ku yeelan karaa filimka taxanaha ah ee shabakadaha kala duwan ka baxi doona oo ku salaysan nolosha Mr Modi.

Jilaaga rug caddaaga ah ee lagu magacaabo Anupam Kher ayaa matalay doorka ugu muhiimsan

Xigashada Sawirka, THE ACCIDENTAL PRIME MINISTER

Qoraalka sawirka, Jilaaga rug caddaaga ah ee lagu magacaabo Anupam Kher ayaa matalay doorka ugu muhiimsan

Waa Film 10-xalqadood ka kooban waxaana la filayaa in isla bishan Abriil la sii daayo.

Filimkan ku saabsan ra'iisul wasaaraha Hindiya ayaa leh dhowr waji oo siyaasadeed, oo si qarsoodi ah loo sii daayay iyadoo looga gol leeyahay in cod lagu helo.

Filim kale oo la yiraahdo Uri, ayaa si weyn loogu cambaareeyay howlgalladii milatari ee ay Hindiya sannadkii 2016-kii ka sameysay gobolka Kashmir, qeybta ay maamusho Pakistan ka dib markii ay kooxaha fallaagada ah weerareen xarun ciidan.

Lix todobaad ka dib markii la sii daayay filimkaas bishii Jannaayo, Hindiya ayaa weerarro dhanka cirka ah ka fulisay Pakistan ka dib markii weeraro kale oo khasaare gaystay ay ka dhaceen Kashmir.

Laakiin filim sameeyayaashu kaliya madoonayaan in dawladda ay saamayn ku yeeshaan.

Waxaa jiray filimo kale oo sanadkan ah oo ku saabsan siyaasiyiinta gobolka ugu xoogga badan.

Sanado badan ayay guddiga faafreebka ee hindiya si adag u xakameynayeen shirkadaha filimada ee Hindia, sidoo kalena filimada siyaasadeed sii dayntooda aad ayay u yareyd.

Dhibaatada ayaa ah in filimada qaar, sida filimka ra'iisal wasaare Narendra Modi, ay yihiin kuwo khilaaf dhalin kara oo ay kasoo horjeedsan karaan siyaasiyiin waawayn, lagana mamnuuci karo warbaahinta inay sii dayso, halka dadka sida xuriyada leh uga hadla barta twitter-ka ay noqon karaan kuwa u codeeya.

Laakiin arrinta laga walaacsan yahay ayaa ah in dadka ka baxsan magaalooyinka iyo qaybo ka mid ah kuwa aan aqoonta lahayn ay rumeestaan waxkasta oo lagu matalo filimadas.