Shah Rukh Khan "Boqorka Bollywood-ka" oo shil galay xilli uu filim cusub soo wado

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shah Rukh Khan, oo ah jilaa caan ah oo ka tirsan Bollywood-ka kaas oo caan ku ahaa ka soo muuqashada shaashadaha iyo xirfadda jilliinka ayaa isku diyaarinaya filimkiisa soo socda ee Jawaan. Taageerayaasha ayaana si weyn u sugaya filimka.
Dhanka kale, Jilaagan ayaa dhawaan la kulmay dhacdo aan wanaagsaneyn xilli uu filim ku duubayay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.
Dhacdadan ayaa sababtay dhaawac sanka ka soo gaaray, oo horseeday inuu galo qalliin fudud. Hase yeeshee, taageerayaashu ayaa waxaa qalbiga u qaboojiyay dhakhaatiirta ka dib markii ay xaqiijiyeen in atooraha uu ka soo kabanayo shilkii ku dhacay. Sida lagu daabacay bogga warbaahinta The Times of India.
Intii lagu guda jiray duubista mashruuc aan la shaacin oo ka dhacay magaalada Los Angeles, Shah Rukh Khan ayaa dhaawac ka soo gaaray sankiisa, taasoo keentay in loo baahdo qalliin yar. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga faahfaahinta ku saabsan dhacdadan iyo sida ay u dhacday. Sida laga soo xigtay website-ka Hindustan Times
Dhanka kale goos gooska la wada sugaayo ee filimka Jawaan ee Shah Rukh Khan ayaa dhawaan soo bixi doona, taageerayaashuna waxay si weyn u sugayaan ku dhawaaqista soo saarayaasha ee ku saabsan taariikhda la sii dayn doono.
Marka laga soo tago filimka Jawaan, Shah Rukh Khan waxa uu sidoo kale soo wada filim la yirahdo Rajkumar Hirani’s Dunki.
Jilaaga caanka ee Shah Rukh Khan, oo dalka Hindiyana looga yaqaano "Boqor khan", wuxuu ka mid yahay jilayaada ugu taageerada badan caalamka.
Taariikhda aflaantiisa iyo sidii ay ugu baxday "Boqorka Bollywood-ka"

Xigashada Sawirka, SHAH RUKH KHAN/FB
Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay sanadkii 1992-kii.
Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa Baazigar iyo Darr oo soo baxay sanadkii ku xigay ee 1993-kii.
Dhowr sano kaddib, shaki kuma jirin in uu ahaa hoggaamiyaha cusub ee filimada Hindiya.
15-kii sano ee xigtay markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waxa uu soo saaray filimo aad looga daba dhacay oo sanad kasta uu ku gilgilayay shaleemooyinka, guulo waawaynna uu uga soo hoyiyay box office-ka iibsada aflaanta.
Xilligii uu heerka ugu sarreeyay joogay Shahrukh Khan, oo lagu naanaysay "Boqorka Bollywood-ka" waxa uu ku beegnaa intii u dhaxaysay bartamihii 1990-meeyadii ilaa dabayaaqadii 2000.
Darajada xiddigga ugu sarreeya waxa uu gaaray dhowr sano kaddib markii uu soo afjarmay waayihii wacnaa ee jilaaga Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalida u taqaanno "Cali Dheere", kaasoo qudhiisa xilka xiddignimada sare kala wareegay Rajesh Khanna.
Hantida uu leeyahay jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan

Xigashada Sawirka, SHAH RUKH KHAN/FB
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jilaagan oo sameeyay inkabadan 80 filim, oo intooda badan uu ku guuleystay, dhaqaale badanna uu ka helay, ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $600 milyan oo doolar.
Shah Rukh Khan oo sidoo kale ku guuleystay abaalmarino caalami ah, wuxuu leeyahay shirkadda Madadaalada ee Red Chillis, taas oo sameysa aflaanta iyo waxyaabaha la xiriira sida duubista muuqaalada.
Wargeyska Forbes ayaa qoray in Shah Rukh Khan uu sannadkiiba mushaar ahaan uu u helo lacag gaareysa $38 milyan oo doolar, lacagahaas oo uu ka sameeyo xayaysiinta iyo aflaanta uu sameeyo.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, Shah Rukh Khan wuxuu si dhow ula shaqeeyaa waaxda dalxiiska ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta.
Sidoo kale, wuxuu Shah Rukh Khan dhaqaale ka helaa oo uu horumuud u yahay barnaamij loogu magacdaray #BeMyGuest, kaas oo ah mid Dowladda Imaaraatka ay kuso jiidato dalxiisayaahsa caalamka.
Sumcadda uu dunida ku leeyahay Shah Rukh Khan iyo sida dad badan ay u xiiseynayaan aflanatiisa ayaa keentay in shirkado badan oo caalamka ay ka dalbadaan in uu xayaysiimo u sameeyo.
Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyay waxaa ka mid ah Pepsi, Nokia, TAG Heuer, Dish TV iyo shirkado badan oo ku yaala dalalka Carabta, kuwaas oo ka ganacsadaha dahabka.
Mid ka mid ah xayeysiimihii uu dhaqaalaha badan ka helay Shah Rukh Khan, wuxuu ka helay $2.8 milyan oo dollar.
Forbes ayaa mar Shah Rukh Khan ku tilmaamay in uu yahay jilaaga labaad ee ugu taajirsan caalamka, wuxuuna ka mid yahay 50-ka qof ee ugu saameynta badan dunida.
Taagaeerayaasha Shah Rukh Khan ee daawada aflaantiisa guud ahaan dunida ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin hal bilyan oo ruux.
Dalalka uu taageerayaasha ugu badan ku leeyahay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo aad looga jecel yahay aflaantiisa jaceylka ah.
Sida uu qiimeeyay wargeyska The India Today, magaca Shah Rukh Khan waa mid aad looga tixgeliyo dalal badan oo caalamka ah.
Sida uu qoray Forbs, Shah Rukh Khan wuxuu ka taajirsan yahay jilayaal ay ka mid yihiin, Tom Cruise, George Clooney, Mel Gibson, Adam Sandler iyo Amitabh Bachchan.
Jilaagan caanka ah wuxuu hanti guryo ah ku leeyahay magaalooyiinka Mumbai, Dubai iyo London, sida uu qoray wargeys ka soo baxa UK.
Qoyskiisa waxay ku nool yihiin gurigiisa qasriga weyn ah ee ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.













