Maxaad ka taqaannaa shanta dal ee aan lahayn garoon diyaaradeed?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Abdikadir Yussuf Ali
- Role, BBC Somali
Waxaa jira shan waddan oo aan lahayn garoon diyaaradeed. Dhammaan shanta waddan waxay ku yaallaan gudaha Yurub. Haddaba waa kuwee waddamadan?
Andorra
Andorra waa dhul go'an oo u dhexeeya Spain iyo Faransiiska, waana dalka ugu weyn liiska dalalkan aan lahayn garoonka diyaaradeed.
Baaxadda Andorra waxaa lagu qiyaasaa 468 kiiloomitir oo laba jibbaaran waxaana ku nool dad gaaraya 100,000 kun. Garoomada diyaaradaha ee ugu dhow waa garoonka Barcelona–El Prat ee Spain iyo Toulouse oo ku yaalla Faransiiska.
Garoomada diyaaradaha ee Toulouse iyo Barcelona labaduba waxay saddex saacadood u jiraan Andorra.
Liechtenstein

Xigashada Sawirka, Getty Images
Liechtenstein waa waddan aan bad lahayn oo ku yaalla inta u dhaxaysa Switzerland iyo Austria. Baaxaddiisa waa 160 kiiloomitir oo labo jibbaaran ama 62 mayl oo labo jibbaaran, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 35,000.
Gegida dayuuradaha ee ugu dhow Lichtenstein waa Madaarka Zürich ee Switzerland kaas oo u jira 130 kiilomitir ama 80 mayl.
Garoonka kale ee diyaaradaha ee ugu dhow waa Madaarka St. Gallen, kaas oo sidoo kale ku yaal Switzerland una jira 50 kiiloomitir ama 30 mayl.
Liechtenstein waxay leedahay hal garoon oo yar oo loogu talagalay in lagu isticmaalo helekobtarrada kaa oo ku yaal Balzers.
Monaco

Xigashada Sawirka, Getty Images
Monaco waxaa saddex dhinac ka xiga Faransiiska, dhinacna waxaa ka xiga badda Mediterranean-ka.
Monaco waa dalka labaad ee ugu yar adduunka kaas oo baaxadda dhulkiisu kaliya tahay 2.02 kilomitir ama 0.78 mayl oo laba laba jibaaran, iyo dad gaaraya 36,371.
Gegida dayuuradaha ee ugu dhow Monaco waa Madaarka Côte d'Azur ee magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Monaco waxay leedahay hal garoon oo yar oo ku yaal degmada Fontvieille.
San Marino

Xigashada Sawirka, Getty Images
San Marino waa dawlad yar oo aan bad lahayn oo ay dhinac walba kaga hareeraysan yahay Talyaaniga. San Marino baaxadda dhulka ayaa qiyaastii gaaray 61 kiiloomitir laba jibaaran ama 24 mayl oo laba jibaaran, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay in ka badan 30,000.
Gegida dayuuradaha ee ugu dhow waa Madaarka Caalamiga ah ee Federico Fellini ee ku yaalla magaalada Rimini, Talyaaniga.
San Marino waxay leedahay hal garoon diyaaradeed oo gaar ah oo ku yaal Torraccia iyo garoon yar oo ku yaal Borgo Maggiore.
Vatican

Xigashada Sawirka, Getty Images
Vatican-ka waa dalka ugu yar aduunka, waxa uuna baaxadda dhulkiisu gaaraya 44 hektar waxaana qiyaastii ku nool dad gaaraya 840 qof.
Gebi ahaanba waxaa ku hareeraysan magaalada caasimadda ah ee Rome, ee dalka Talyaaniga, Vatican ma laha garoon diyaaradeed ama jidad waaweyn.
Wuxuu leeyahay hal garoon oo yar oo ay isticmaalaan Baadariga iyo madaxda dalka soo booqda.













