Dukumentiyada Epstein maxay ka sheegeen madax iyo shaqsiyaad Afrikaan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaaradda Afrika waxaa jira aamusnaan ku xeeran kiisaska lagu soo bandhigay faylasha Epstein.
Arrinta Epstein, oo tan iyo bilowgii sanadkan si weyn looga hadal hayey gudaha dalka Mareykanka iyo guud ahaan caalamka, ayaa si aad ah uga jirta dalal badan oo Afrikaan ah. Emayl, sawiro, iyo muuqaalo wata magacyada dadka caanka ah ayaa soo baxay.
Sidaas darteed saddexda milyan ee dukumeentiyada ah ee ay faafisay waaxda caddaaladda ee Mareykanka ee kiiska Jeffrey Epstein waxay faahfaahin ka bixinayaan xiriirka uu ganacsadihii hore ee Mareykanka la lahaa shaqsiyaadka qaaradda.
Dhinaca Afrika ee kiiska waxa laga yaabaa in aan in badan laga hadlin, laakiin waxyaabaha laga ogaaday ayaa muujinaya in Jeffrey Epstein uu safarro ku tagay dalal badan oo Afrika ah.
Waqtigan xaadirka ah, dukumeentiyada khuseeya Afrika ma sheegaan dembiyada galmada.
Sidaa darteed, min Ivory coast ilaa Senegal, Zimbabwe ama koofur Afrika, Epstein wixii uu kaga tegey ayaa iminka la ogaanayaa.
Senegal: Karim Wade

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalkan Galbeedka Afrika ku yaalla waxa uu ka dhex muuqdaa "faylasha Epstein" sababtoo ah Jeffrey Epstein wuxuu xiriir la lahaa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Senegal Aboudoulaye Wade, kaasoo masiirka dalka madax ka ahaa 2000 ilaa 2012.
Sannadihii 2010-aadkii, booska Karim Wade, oo lagu naaneeso "Wasiirka Dhulka iyo Cirka," ayaa soo jiitay dareenka Jeffrey Epstein. Marka laga soo tago faylalka iskaashiga caalamiga ah iyo qorsheynta gobolka, Mr. Wade wuxuu sidoo kale soo noqday Wasiirka Gaadiidka, Kaabayaasha dhaqaalaha, iyo Tamarta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Magaca Karim Wade wuxuu kasoo muuqday 504 jeer dukumentiyada. Jeffrey Epstein wuxuu ku tilmaamay Karim Wade inuu yahay "mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan Afrika" isagoo email u diray madaxii hore ee bangiga Barclays Jes Staley.
Laakiin dukumentiyada uu daabacay Maraykanku ma muujinayaan in Karim Wade uu ku lug leeyahay xadgudubyada galmada ee uu soo agaasimay Epstein.
Epstein iyo Mr. Wade ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada in la maalgashado Senegal. "Waxaan u maleynayaa inaad u baahan tahay inaad tixgeliso tignoolajiyada cusub shanta ilaa tobanka sano ee soo socota. Khamaarka internetka, server-yada u oggolaanaya dadka inay 'ganacsi ka sameeyaan Senegal iyaga oo aan halkaas tagin,' "Jeffrey Epstein ayaa u qoray Karim Wade, sida laga soo xigtay dukumentiyada laga heli karo internetka.
In kasta oo Karim Wade dhibaatooyin xagga sharciga ah looga shakiyayiyo sidoo kale macaashid sharci darro ah, laguna tuuray xabsiga saddex sano ka dibna la cafiyay, haddana Epstein wuxuu sii waday inuu u tixgeliyo shakhsi Afrikaan ah oo aad muhiim u ah.
"Waa nin aqoon sare leh, waana mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan Galbeedka Afrika. Si kastaba ha ahaatee, runtii waxaa loo xiray si looga hortago inuu la tartamo madaxweynaha hadda, hadda wuxuu ku sugan yahay Qatar, halkaas oo uu ku sugayo inuu ku soo laabto xukunka, taas oo ku dhow in la xaqiijiyey," Jeffrey Epstein ayaa u qoray Larry Summers, Xoghayihii hore ee Maaliyadda Mareykanka ee Bill Clinton, warqad bishii November 2016.
Laakin Karim Wade ma awoodo in uu u tartamo xilka ugu sareeya Senegal ilaa maanta. Isku daygiisii 2019 iyo 2024 wuxuu ku dhamaaday fashil.
Dukumiintiyada, Epstein wuxuu ku andacoodey inuu door muhiim ah ka ciyaaray wada xaajoodka nidaamka Macky Sall si loo sii daayo Karim Wade.
Ivory Coast: Gabadha uu madaxweynaha adeerka u yahay ee Nina

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay dukumentiyada ay soo saartay waaxda cadaaladda ee Mareykanka, Nina Keita, oo adeer uu u yahay madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa ku wargelisay ganacsadihii hore ee Mareykanka warqad ku saabsan xabsiga Karim Wade ee Senegal. Waxay ka soo muuqatay 300 jeer faylalka.
Nina Keita ayaa aad ugu dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxayna xilal muhiim ah ka haysaa dalka.
Waqtigan xaadirka ah waa qofka labaad ee shirkadda dawladeed oo maamusha lacagaha saliidda ee Ivory Coast (Gestoci), Nina Keita waxay ahayd la taliyaha Wasiirka Miisaaniyadda Abdourhamane Cissé (2014-2016), kadibna waxay guursatay Wasiirka Shaqada, Adama Kamara.
Gabadhan oo hore u ahayd kuwa dharka xayeysiiya waxaa muddo dheer wakiil ka ahaa hay'adda Faransiiska ee Karin Models, oo uu madax u yahay Jean-Luc Brunel, oo ay isku dhow yihiin Jeffrey Epstein, kaas oo meydkiisa la helay, ka dib markii lagu dhex daldalay qolkiisa xabsiga Faransiiska 2022. Waxaa lagu eedeeyay xadgudub galmo.
Virginia Giuffre, oo ah eedeeyaha ugu weyn ee Epstein, ayaa ku lug leh hay'addan oo fududaysay xadgudubka dhowr gabdhood oo yaryar.
Sida laga soo xigtay dukumentiyada, Nina Keita waxay u soo bandhigtay shaqsiyaad muhiim ka dhex ah siyaasadda iyo ganacsiga Ivory Coast Jeffrey Epstein.
Ganacsadaha hore ee Maraykanka ayey boqolaal fariimo is dhaafsadeen Ms. Keita intii u dhaxaysay 2011 iyo 2018. Dukumentiyada ayaa tilmaamaya in 2011, ay u soo bandhigtay Epstein adeerkeed oo ahaa Madaxweynaha cusub ee Ivory Coast, Alassane Ouattara, magaalada New York.
Sannadkii 2012, waxay abaabushay kulan labaad oo ka dhacay Abidjan, halkaas oo Epstein uu sidoo kale la kulmay dhowr wasiir si ay ugala hadlaan mashaariicda maalgashiga.
Nina Keita waxay sidoo kale qaadatay door dhexdhexaadiye u dhexeeya Alassane Ouattara iyo Jeffrey Epstein 2014 wada xaajood natiijadiisu noqotay iibsiga nidaamka uruurinta sirta ee Israel iyo Boeing 727 uu isticmaalo madaxweynaha Ivory Coast.
Intii ay joogtay Abidjan bishii Jannaayo 2012, Nina Keita waxay Epstein u qabatay qol hotel oo ah kan madxweyneyaasha (Presidential suite) sida ku cad dukumentiyada. Dembiilaha galmada ee la xukumay ayaa sheegay "in uu rajaynayo in uu halkaas ku arko gabdho aad u qurux badan." "waaba sidaas" ayey ku jawaabtay gabadhaas uu madaxweynuhu adeerka u yahay.
Dukumeentiyadu ma muujin wax caddayn ah oo muujinaya joogitaanka carruurta aan qaan-gaarin inta lagu jiray joogitaanka Abidjan.
Koofur Afrika: Cashadii lagu maamuusay Jacob Zuma

Xigashada Sawirka, AP
3 milyan oo dukumeenti ah, waxaa ka mid ah magaca madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo soo muuqday 89 jeer. Mid ka mid ah ayaa ku soo baxay iimayl uu soo diray Mark Lloyd, oo isu soo bandhigay saaxiibkii Jeffrey Epstein, kaasoo uu u diray haweeney la yiraahdo Vera.
"Waxaa la iga codsaday inaan gacan ka geysto qabanqaabada casho yar oo habeen dambe loo sameeyo madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma taasoo ka dhici doona Huteelka Ritz 7-da fiidnimo. Jeffrey wuxuu soo jeediyay inaan ku casuumo, maadaama aad sha'ni soo kordhin karto" ayuu u qoray haweeneyda.
Casho sharaftan oo ka dhacaysay London, ayaa Lloyd waxa uu Vera ka codsaday magaceeda oo buuxa si uu Jacob Zuma ugu soo bandhigo "liiska martida".
"Waxaan ka imid Ruushka, waxaanan ku noolahay London muddo laba sano ah. (...) Waxaan ahaa qof model ah lix sano, waxaanan ku noolaa Paris, New York, Barcelona iyo Japan," ayey haweeneydu ku jawaabtay.
Si kastaba ha ahaatee, Zuma Foundation ayaa si cad u diiday ku lug lahaanshaha madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ee kiiska Epstein. Sida laga soo xigtay afhayeenka Mu'asasada, Mzwanele Manyi, waa "sheeko mala-awaal ah".
Suxufi ka tirsan SABC News ayaa tilmaantay inay tahay "wax aan macquul ahayn" iyo "aanay jirin caddayn" in Jeffrey Epstein uu ku sugnaa London intii lagu jiray booqashadii rasmiga ahayd ee Jacob Zuma ee UK bishii Maarso 2010.
Zimbabwe: Taageeradii Mugabe

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaca Robert Mugabe, madaxweynihii hore ee Zimbabwe, oo geeriyooday 2019, ayaa soo muuqday ilaa soddon jeer.
E-mail 2015-kii ay Epstein isweydaarsadeen ganacsadaha Japan Joi Ito, ayaa soo jeediyay in uu la macaamilo madaxweyne Mugabe si uu Zimbabwe u siiyo lacag cusub ka dib markii uu burburay dollarka maxalliga ah sababtoo ah sicir bararka.
Dukumiintiyada FBI-da ee 2017 ee sidoo kale la soo bandhigay waxaa ku jiray marag aan la hubin oo ah "il- xogeed qarsoodi ah," kaas oo sheegay in Epstein uu ahaa maareeyaha hantida madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin isla markaana uu adeegyo la mid ah siiyay Mugabe.
Isagoo ka jawaabaya email-ka ku saabsan bixinta lacag cusub oo Zimbabwe ah ayaa Ito, oo ciwaanka emailka laga saaray, wuxuu waydiiyay in Epstein uu saaxiib la yahay Mugabe, kaas oo uu ku jawaabay: "Maya, laakiin si fudud ayaan u heli karaa dareenkiisa. Zimbabwe waxay noqon doontaa goob tijaabo ah oo aad u fiican, sidoo kale waa waddan aad u qurux badan".
Mugabe ayaa cunaqabatayn waxaa ku soo rogay Mareykanka tan iyo 2003-dii, waxaana shirkadaha iyo muwaadiniinta Mareykanka laga mamnuucay inay ka ganacsadaan ama la sameeyaan dhaq-dhaqaaq dhaqaale.
Laakiin Zimbabwe iyo Mugabe ayaa ka soo muuqday waraaqo kale oo ku jira faylalka Epstein.
Email la qoray April 2012 ayaa si qalad ah loogu sheegay in Mugabe uu ku dhintay Talyaaniga.
Magaca qofka soo diray oo buuxa iyo ciwaanka iimaylka waa laga saaray, laakiin fariintu waxa ay ku saxiixan tahay "Jonathan." Waxay waydiinaysaa Epstein haddii uu garanayo wax xiriir ah oo dalka ah, isaga oo ku daray, "Waxay leeyihiin shirkado waaweyn haddii ninkani run ahaantii ay u dhamaatay".
Mid ka mid ah xulafadiisa hore oo doonayay in magaciisa la qariyo ayaa BBC-da u sheegay in khaladaadkan ay soo muujinayaan in xogta Mugabe ku saabsan la been abuuray.
Faylashu ma aysan cambaarayn dalal ama shaqsiyaad
Marka laga reebo Senegal, oo lagu sheegay 797 jeer kiiska Epstein, Ivory Coast, 733 jeer ama Nigeria, 490 jeer, dalal badan oo Afrikaan ah ayaa sidoo kale ku lug leh kiiskan.
Waxaa ka mid ah Mali (339), Gabon (265), Guinea (253), Ghana (237), Morocco (199), Djibouti iyo Sierra Leone (88 midkiiba), Mauritania (52) iyo Burkina Faso (42).












