5 cudur oo qofka ku dhici kara marka timaha la xiirayo ama la tidcayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Timaha oo loo xiiro ama loo jaro dumarka iyo raggaba waa mid ay dad badani u baahan yihiin si ay u ilaaliyaan nadaafadda, caafimaadka, iyo quruxda.
Qaar baa timaha xiira toddobaad kasta ama bil kasta, qaar kalena marar badan, laakiin qof kastaa wuxuu leeyahay waqti u gaar ah oo uu ku xiirto timaha.
Laakiin mararka qaarkood, hababka saxda ah looma raaco.
Haddii aan nadaafadda iyo caafimaadka laga fiirsan, khubaradu waxay ka digayaan in cudurro badan ay faafi doonaan.
Marar badan dadku waxay ka welwelaan qaabka iyo quruxda ay gaari doonaan xiirashada ka dib, iyada oo aan loo eegin qalabka loo isticmaalo.
Inkasta oo ay hadda jiraan qalab casri ah oo timaha lagu xiiro, haddana waxa jirta khatarta ah in ay faafiyaan cudurro la mid ah kuwii hore oo ay dadku isticmaali jireen sakiin, maqas, iyo mindiyo yaryar.
Khatarta ah in cudurro lagu qaado timo jaraha ama saloonka ayaa aad u sarreysa haddii aan la ilaalin nadaafadda qalabka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Timaha oo loo xiiro dumarka iyo raggaba waa mid ay dad badani u baahan yihiin si ay u ilaaliyaan nadaafadda, caafimaadka, iyo quruxda.
Qaar baa timaha xiira toddobaad kasta ama bil kasta, qaar kalena marar badan, laakiin qof kastaa wuxuu leeyahay waqti u gaar ah oo uu ku xiirto timaha.
Laakiin mararka qaarkood, hababka saxda ah looma raaco.
Haddii aan nadaafadda iyo caafimaadka laga fiirsan, khubaradu waxay ka digayaan in cudurro badan ay faafi doonaan.
Marar badan dadku waxay ka welwelaan qaabka iyo quruxda ay gaari doonaan xiirashada ka dib, iyada oo aan loo eegin qalabka loo isticmaalo.
Inkasta oo ay hadda jiraan qalab casri ah oo timaha lagu xiiro, haddana waxa jirta khatarta ah in ay faafiyaan cudurro la mid ah kuwii hore oo ay dadku isticmaali jireen sakiin, maqas, iyo mindiyo yaryar.
Khatarta ah in cudurro lagu qaado timo jaraha ama saloonka ayaa aad u sarreysa haddii aan la ilaalin nadaafadda qalabka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Sani ayaa sheegay in cudurka la qaado haddii sakiinta ama shanlada aad isticmaasho uu isticmaalo qof qaba cudurrada maqaarka sida cambaarta.
"Cudurkani wuxuu keenaa in timaha madaxa ay noqdaan kuwo qallafsan, ka dibna wuxuu keenaa in qofku uu bilaabo inuu timaha lumiyo".
Cudurkan waxa kale oo lagu kala qaadaa dhiiga. Dr. Sani waxa uu sharaxay in mandiilada (sakiimaha) oo aan la beddelin ama aan la nadiifin qalabka xiirashada ay faafiyaan jeermiska cudurkan.
HIV/AIDS: Inkastoo aysan sahlaneyn, haddana Dr. Sani ayaa sheegay in ay suuragal tahay in cudurka AIDS-ka uu ku dhaco haddii qof cudurka qaba lagu gooyo sakiin kadibna qalabka uu isticmaalo qof kale.
Bararka madaxa: Dr. Sani waxa uu sharaxay in cudurkani uu yimaado marka bakteeriyadu soo gasho maqaarka marka la xiiro, taasoo ku keenta barar gaar ahaan xagga dambe.
Finan: Inkasta oo xanuunkani aanu xiriir toos ah la lahayn xiirashada, haddana waxa uu dhakhtarku sheegay in laga yaabo inuu ka timaado shukumaannada wasakhaysan ama qalabka xiiridda.
Dr. Sani waxa uu sharaxay in loo baahan yahay in aad iska hubiso in aad isticmaasho mandiil cusub marka aad xiirayso, in qalabka wax lagu xiirto la nadiifiyo ka hor inta aan la isticmaalin, in aanad xiirin meel nabar ah, waalidiintu waa in ay ka taxadaraan caruurtooda inta ay bogsanayaan, iyo in ay wanaagsan tahay in aad adigu leedahay qalabka xiirashada.