Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha

.
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan

Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.

In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.

Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.

Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".

" Way adag tahay in la sharraxo waayo-aragnimada" ayay tiri. "In aad ku lumiso addimadaada iyo gacmahaaga muddo gaaban waa arrin aad u weyn. "Waa arrin aad u halis ah, mana aha in la fududeysto".

.

Sepsis waa xaalad caafimaad oo naadir ah laakiin halis ah oo dhacda marka habka difaaca jirka ee loogu talagalay la dagaalanka cudurada iyo caabuqa uu bilaabo inuu weeraro unugyada iyo xubnaha jirka.

NHS-ta ayaa sheegtay in uu nafta halis gelin karo oo ay adkaan karto in la ogaado, halka hay'adda UK Sepsis Trust ay sheegtay in gudaha UK ay ka jiraan ilaa 50,000 oo kiis oo ah dhimasho la xiriirta sepsis sanad walba.

Dadka qaangaarka ah, calaamadaha lagu arki karo waxaa ka mid noqon hadalka qallafsan, gariir aad u daran ama murqo xanuun, neefta oo ku dhegta iyo midabka maqaarka oo is beddela.

Manjit Sangha oo shaqayn jirtay todobaadka oo dhan ka hor xanuunkeeda, waxa ay gurigeeda ku soo laabatay galab Axad ah bishii July ee sannadkii hore, iyada oo dareemaysa caafimaad darro.

Subaxdii xigtay way miyir daboolantay. Gacmaheeda iyo cagaheeda baraf ayy noqdeen, bushimaheeduna guduud bay noqdeen oo waxay la tacaalaysay neefsashada.

.

Xigashada Sawirka, Kam Sangha

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Maskaxdaadu meesha oo dhan ayey ku mashquulsan tahay," ayuu yiri ninkeeda Kam Sangha. "Waxaad ka fekereysaa 'sidee tani ku dhici kartaa wax ka yar 24 saacadood?'

"Hal daqiiqo sabtida waxay la ciyaaraysay eyga, Axada waxay aadday shaqada, habeenkii Isniinta waxay ku jirtaa koomo".

Wadnaha Manjit Sangha ayaa istaagay lix jeer iyagoo ku jirta qaybta daryeelka degdega ah (ICU) ee isbitaalka New Cross ee Wolverhampton.

Dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaalka Russells Hall ee deriska la ah Dudley ayaa markii dambe ku qasbanaaday inay labada lugood ka gooyaan jilibka hoostiisa, iyo sidoo kale labadeeda gacmood, faafitaanka xaaladda awgeed.

Gabadhan oo ah farmashiiste hore ayaa sidoo kale hore looga saaray beeryarada, waxaana hore ugu dhacay oof wareen iyo dhagax ka galay xameetida taasoo loo sheegay in ay u baahan karto qalliin dheeraad ah.

"Ma garanayn waxa dhacaya," ayay tiri. "Bisha ugu horeysa waxba ma xasuusan."

Kam Sangha oo ah 60 jir ayaa shaqada ka maqnaa muddo toddobo bilood ah si uu u taageero xaaskiisa. "Weli itaalkeedu waa fiican yahay" ayuu raaciyay.

Lamaanahan ayaa isbitaalka ku qaatay sannad-guuradii 37-aad ee guurkooda, sidoo kale Manjit Sangha ayey dhalashadiisa ku beegnayd xilliga kirismaska.

Lamaanuhu waxay hadda lacag u ururinayaan qalabka casriga ah, oo ay ku jiraan gacmaha laga yaabo inay robot-ka sameeyaan, kuwaas oo ay sheegeen inay ku kici karto tobanaan kun oo gini.

Ilaa hadda waxay soo ururiyeen in ka badan £22,000 iyada oo loo marayo bogga GoFundMe iyo lacag ururinta Screwfix, halkaas oo Manjit Sangha ay sidoo kale ka shaqayso maalmaha nasashada ee todobaadka.

In kasta oo ay og tahay in hawl adagi ku soo fool leedahay, haddana waxa ay sheegtay in ay go'aansatay in ay dib u dhisto nolosheeda.

"Waxaan rabaa inaan socdo," ayay tiri. "Waxaan rabaa in aan helo qalabkayga macmalka oo aan ku laabto shaqada, waa waqtigii aan socon lahaa hadda."