Baaq ka soo baxay shirka El Alamein ku dhex maray madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea

Xigashada Sawirka, Social
Shir madaxeed ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Masar, Soomaaliya, Ereteriya iyo Suudaan ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada xeebta ah ee Al Alamein ee dalka Masar.
Shirkan oo uu marti geliyay Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi, ayaa kulmiyey madaxda dalalka Afrika ee saaran badda cas, oo kala ah Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Hoggaamiyaha Golaha Xukunka Suudaan, General Cabdifataax Al-Burhaan, iyo madaxweynaha martida loo ahaa Al Sisi.
War murtiyeedka wadajirka ah ee shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in madaxdu ay si qoto dheer isaga xog-waraysateen xaaladda gobolka iyo tan caalamka, iyagoo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya afarta dal.
Maxay isku afgarteen?
Afarta hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqay in xasilloonida gobolku ay ku xiran tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, ixtiraamka madax bannaanida dalalka, wadajirka dhulkooda, iyo in gabi ahaanba laga fogaado faragelinta arrimaha gudaha.
Shirka waxaa kasoo baxay qodobo xasaasi ah oo ay madaxdu si buuxda isku afgarteen, kuwaas oo ay kamid yihiin:
Arrinta Sudan ayey madaxdu waxay si buuxda u taageereen midnimada, madax-bannaanida iyo hay'adaha sharciga ah ee Suudaan, iyagoo si cad u diiday in dalkaas laga sameeyo maamullo is barbar socda, waxayna ku baaqeen in xalka siyaasadeed ee Suudaan uu noqdo mid ay Suudaaniyiinta qudhoodu leeyihiin oo ay hoggaaminayaan.
Qodobka ugu hadal-heynta badnaa wuxuu ahaa mid ku saabsan Soomaaliya, halkaas oo afarta madaxweyne ay si mid ah ugu adkeeyeen inaan la aqbali karin wax faragelin ah oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Waxay ku gacan sayreen aqoonsi kasta ama taageero loo fidiyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas inay tahay "xad gudub toos ah oo ka dhan ah gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidoo kale, madaxdu waxay soo dhaweeyeen dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada, waxayna beesha caalamka ugu baaqeen in ay taageero dhaqaale oo joogto ah oo la qiyaasi karo siiyaan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM, si uu u guto waajibaadkiisa ku aaddan wareejinta amniga ee ciidamada Soomaalida.
Dhinaca kale, waxay isku raaceen in arrimaha Badda Cas ay tahay arrin u gaar ah oo ay maamulkeeda leeyihiin oo kaliya dalalka xeebta ku leh, iyagoo mar kale adkeeyay muhiimadda xorriyadda marista badda.
Shirka waxa kale oo looga hadlay xiisadda ka taagan Webiga Niilka, iyadoo madaxdu ay isku raaceen in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee khuseeya webiyada xudduudaha ka gudba.
Waxay si gaar ah u adkeeyeen in la ilaaliyo mabda'a ah in aan dhibaato loo geysan dalalka hoose ee Niilka, iyo in laga fogaado wax kasta oo tallaabo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa xuquuqda biyaha ee dalalkaas.
Ugu dambeyntii, afarta hoggaamiye ayaa isku afgartay in la sameeyo hab farsamo oo lagu dabagalo fulinta qodobbadii shirka ka soo baxay, iyadoo la isku raacay in shir-madaxeedkan si joogto ah loo qaban doono.
Itoobiya ayaa hore ugu eedeysay dalalka Eritrea iyo Masar inay arrimaheeda gudaha faragelin ku hayaan, xilli ay jabhado dalkaas ka dhisan ku baaqeen isbahaysi, ayadoo dagaallana ay dib uga billowdeen waqooyiga dalka.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana oo shirka Al Alamein ka qayb galay ayey BBC wax ka weydiisay eedeynta Itoobiya, iyo ka qayb galka Soomaaliya ee shirkaas u muuqday is xulafaysiga.
"Maba garan Karno waxa kala galay, sababtoo ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii Soomaaliya. Haddii uu dal gaar ah oo Afrika ah booqdo wuxuu kala hadlayaa danaha Soomaaliya, tanna waa mid ka duwan dal ka duwan dal gooni ah, waana Afrika oo dhan, iminkana wuxuu u socdaa danihii iyo ganacsigii Soomaaliya, iyo Afrikada ku midoobaysa ganacsigeeda".
Wuxuu intaa ku daray in qorshaha ciidamo Masar ka socda oo Soomaaliya loo keeno inay ka qayb qaataan uu yahay sidiisii oo aanay waxba iska beddelin.
Kulankan ayaa yimid ayadoo Itoobiya ay safaaradaha kala qaateen, Masar iyo Itoobiyana ay diblomaasiyiin soo kala cayriyeen.
Sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo mushaakilka ka taagan marinka Baabul Mandab uu sii xoogeystay, ka dib markii Xuutiyiinta ay kaabiga u soo fuuleen.


























