Maxaad ka taqaanaa qalabka ay wataan ciidamada Masar ee 'Soomaaliya imaanaya'?

.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay bogga baraha bulshada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa la soo bangdhiay nooca gaadiidka dagaal ee ay adeegsanayaan ciidmamada Masar ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socotay safar madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasibad lagu soo bandhigayay ciidammadaaas iyo noocyada gaadiidka ee ay isticmaalayaan.

Munaasibaddaas waxa madaxweynaha ku wehelinayay taliyaha ciidammada Masar, Sarreeye Guud, Cabdimasjiid Saqar.

Warbixinta ayaa lagu sheeegay in ka qaybgalka Masaarid ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya uu marayo heer gabagabo ah.

Nooca gaadiidka dagaal ee la soo bandhigay

.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Gaadiidka noocan ah oo ka muuqday muuqaallada la soo bandhigay oo ay ku xardhan tahay calaamadda Midowga Afrika, waa gaadiidka gaashaamman ee loo yaqaan MRAP, taa oo manaheedu yahay in aysan karin qaraxyada, miinooyinka iyo weerarrada gaadmada ah.

Wuxuu awood u leeyahay in uu yareeyo waxyeellada ka dhalan kara qaraxyada, maaddaama uu qaraxa ka fogeeyo qaybta ay askartu saaran tahay.

Waxa uu ka samaysan yahay biro adag oo ka ilaaliya rasaasta fudud iyo qaraxyada iyo muraayado adag oo rasaasta celiya.

MRAP waxa uu ahaa gaadiid caan ka noqday intii lagu jiray dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Waxaa sameeya shirkado kala duwan sida Oshkosh, Navistar (MaxxPro), iyo kuwa kale, waxaana loo isticmaala ciidammada Maraykanka, Ciraaq, iyo dalal kale.

Diyaaradda Embraer A-29 Super Tucano

.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Nooc ka mid ah diyaaraha muuqaalka ka muuqda ee la soo bandhigay waxa ku jirta diyaaradda Embraer A-29 Super Tucano, oo ah diyaarad dagaal, sidoo kalana loo adeegsado layliga duuliyeyaasha milatariga.

Waxaa soo saarta shirkadda Embraer ee dalka Brazil, waxaana isticmaala dalal badan oo Afrikaan ah iyo qaar ku yaalla qaaradaha Aasiya iyo Ameerika.

Xawaaraheeda waxa lagu qiyaasaa in saacaddii ay jar karto 500–600 km. Waxayna qaadi kartaa gantaallo, bambooyin iyo qoryo ku rakiban baalasha hoostooda.

Diyaaradda noocan ah badanaa waxa loo isticmaalaa qaadista weerrada, ilaalinta xuduudaha iyo taageerada ciidamada dhulka.

Waa diyaraad laga jecel yahay meelo badna oo adduunyada ka mid ah. Taas waxa u sabab ah kharashkeeda oo yar marka loo eego diyaaradaha jet-ka. Waxay ku shaqeyn kartaa garoomo fudud, waxaanay ku habboon hawlgallada ka dhaca deegaanada saxaraha iyo meelaha fogfog

Diyaaradda Mil Mi-24

.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nooc kale oo ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee millatari oo nooca weerarka ah ayaa ka mid ah kuwo lagu soo bandhigay muuqaallada la baahiyay.

Waa nooca loo yaqaan Mil Mi-24 ama Mi-35, oo lagu naanayso "Hind". diyaaradaan oo asal ahaan lagu sameeyo Ruushka ama ay samayn jireen Midowgii Soofiyeet, ayaa caan ku ah isku darka awoodda weerarka iyo qaadista askarta. Waa mid ka mid ah helikobtarrada dagaal ee ugu isticmaalka badan dalal badan oo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya ku yaallla.

Mi-24/35 waa helikobtar leh laba matoor, waxaana ku rakiban qori kaga yaalla qaybta hore, halka baalasha gaagaaban ee dhinacyada kaga xidhan ay qaadi karaan gantaallo iyo qalab kale oo millatari. Marka laga soo tago awoodda weerarka, gudaha helikobtartu waxa uu qaadi karaa tiro askar ah, taas oo ka dhigaysa mid ka duwan helikobtarrada weerarka qaarkood oo aan qaadi karin ciidammo. Taasi waxay u oggolaanaysaa diyaaraddan in ay asakar ku dejiso goob dagaal, islamarkaana u fidiso taageero dhanka hawada ah.

Si guud, Mi-24/35 waa helikobtar isku darka awood, adkaysi iyo adeegsi, waxaana lagu yaqaannaa in ay si wax ku ool ah uga shaqayso hawlgallada taageerada ciidammada dhulka, ilaalinta xuduudaha iyo howlaha amni ee kala duwan, sida ay qabaan khubarada milatariga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid waxtar u leh Soomaaliya oo lagu la dagaallamayo al-Shabaab.

Walaaca amni ee gobolka

Ciidammada Masaarida ee qaybta ka noqonaya Hawlgalka Midowga Afriaka ee Soomaaliya ayaa abuuray dood ku wajahan xiisadda gobolka Geeska Afrika.

Masar waxa uu khilaaf dhica biyaha ah kala dhexeeyaa dalka Itoobiya oo daris la ah dalka Soomaaliya. Sida ay Soomaaliya isugu hayn karto xidhiidhka ay la leedahay labada waddan ayaana dadka qaar ay su'aal gelinayaan.

Maxamed Mukhtaar oo ah falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa hadda ka hor BBC-da u sheegay in Somaaliya iyo Itoobiiya ay wax badan oo deresnimo ah ka dhaxeeyaan islamarkaanu aanu filayn buu yiri in dowladda Soomaaliya ay arintaasi cid kale ku doorsato.

Wuxuu tusaalle ahaan usoo qaatay in marka laga tago arrimaha amniga iyo xuduudda dheer ee labada dal ay wadaagaan, in biyaha ugu badan ee Soomaaliya laga isticmaalo ee wabiyada ay ka yimaadaan dhanka Itoobiya.

Maxamed Mukhtaar ayaa intaas ku daray in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin laba waddan oo isku qasban in ay mar walba xiriir wanaagsan wadaagaan.

Waxa kale oo uu sheegay in dhanka Masar iyo Soomaaliya ay ka dhaxeyso walaaltinimo guud, ayna ay kuwada jiraan Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.