Villa Somalia oo BBC da uga warantay kulankii dhexmaray Masar iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Abdirahman Xadaana oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in arrinka ugu muhiimsan ee Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen uu yahay "xadgudub Soomaaliya uga yimid dibadda", sidaas daraadeedna ay tahay in la adkeeyo midnimada Soomaaliya.
Afahyeenla ayaa xadgudub ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland, dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo ay ku xoojineyso xiriirka dowladaha kale si ay uga hortagto "wax kasta oo dhaawacaya midnimada Soomaaliya.
"Runtii labada madaxweyne waxay markastaba awoodda saarayeen in loo midoobo in la iska kaashado in la adkeeyo midnimada Soomaaliya".
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo safar ku marayay wadamo kala duwan oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qatar, ayaa kulan waxa uu qasriga madxtooyada ee Masar kula qaatay dhigiisa Abdifitah al Sisi, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal.
Afahayeenka ayaa sheegay in dhanka kale ay labada madaxweyne ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ammaanka ee mudaba ay ku wada jireen labada dal.
"Qaar way fuleen, kuwa kale ee harsan, waa in la fuliyo", ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeen Xadaana.
Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah ugu kala saxiixday Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, heshiis dhigayay xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo waxbarshada.
Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen ayuu madaxwaynaha Masar waxaa uu bogaadiyay xirirka sii xoogeysanaya ee labada dal.
Sida laga soo xigtay Madaxweyne El-Sisi, Masar iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan dhaqan gelinta hab-maamuuska iskaashiga militariga ee lagu saxiixay Qaahira Agoosto 2024.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in la isku raacay in la xoojiyo xiriirka iyada oo loo marayo Guddiga Wadajirka ah ee Wasiirada iyo in la dhaqan geliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024, ee kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Turkey iyo Qatar
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu booqasho ku tagay wadamada Turkiga iyo Qatar ka hor inta uusan booqan Masar. Afhayeen Xadaana ayaa sheegay in dhamaan wadamadaas iyo madasha Jazeera ee uu Qatar uga qayb galayba ay ahayd in uu la socodsiiyo daneeyayaasha arimaha Soomaaliya halka ay wax marayaan.
"Intii ay bilaabatay arrrinta xadgudubka Israa'iil ay ku xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed, madaxweynuhu dardar ayuu galiyay cilaaqaadkii duwaliga ahaa sida aanu ka war qabbo. Dowlado faro badan oo dowladaha Islaamka iyo carabta ah iyo dowladaha kale ee Yurub iyo dhammaan, waa la wada cambaareeyay arrintii ay ku kacday Israa'iil", ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Abdirahman Xadaana.
Dhanka kel, Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirkeeda arrimaha dibadda ayaa horay sidaas u sheegay, sida ay baahisay warbaahinta iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogeysanayay tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda kala dhexeyso Itoobiya oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
"Masar waxay go'aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka, iyadoo ka duulaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira oo uu ku xusayay booqashadii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa badalay howlgalka ATMIS ee waqtigiisu dhammaaday, balse waxaa wali la sugayaa imaatanka ciidamada Masar ee sida goonida ah howlgalkaan uga qayb noqonaya.













