Tehran oo diidday "awaamiirta" wadahadallada Washington, iyo Israa'iil oo ka hadashay kulanka soo socda ee Netanyahu iyo Trump

Xigashada Sawirka, Image front,EPA/Shutterstock
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Axadii sheegay in wadahadalkii Iran iyo Mareykanka ay ku yeesheen ee ku yimid taageerada waxa uu ugu yeeray "Dowladaha saaxiibada ah" ee gobolka ay ka dhigan tahay tallaabo horay loo qaaday, isagoo ku nuux-nuux saday in Tehraan ay wadahadalka usii wadeyso istaraatiiji ahaam sidii loogu gaari lahaa xal nabadeed oo ku aadan arrimaha la isku hayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu intaa ku daray in "In arimaha maangalka ah ee Nukliyeerka ay ku salesyanyihiin dammaanadqaadka xiuquuda heshiiska ka hortagga Hubka Nukliyeerka," isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ay uga go'an tahay qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah ee arrintan.
Isla xaaladdan, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi waxa uu sheegay in "Milateriga Maraykanka ee lagusoo dabulayo gacanka, kaas oo ujeedkiisu yahay in cadaadis lagu saaro Iran, aanay baqdin gelineynin iyaga," iyada oo ay jirto xiisadda Washington ee barnaamijka Nukliyeerka.
Aragchi ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Tehraan ku sheegay "in cunaqabatayn cusub ee lagu soo rogay (Iran) iyo qaar ka mid ah dhaq-dhaqaaqyada militariga ay keenayso shakiga ku saabsan sid aay dhab kaga tahay arintan dhinaca kale iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wada xaajood dhab ah sameeyaan," isaga oo xusay in dalkiisa "uu qiimeyn doono dhammaan tilmaamayaasha, oo uu go'aan ka gaari doono sii wadida wada xaajoodka."
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in waddankiisu "aysan aqbalayn amarrada ama xukunka dhinac kasta," isagoo xusay in Tehran ay diyaar u tahay inay ka jawaabto su'aal kasta oo ku jirta qaab-dhismeed xoojinaya diblomaasiyadda iyo gorgortanka.
Waxa uu intaa ku daray in "Iran ay ku bixisay qiimo aad u badan" si ay u gaarto waxa uu ku tilmaamay "marxaladda xasiloonida" isagoo ka digay in ka jawaabista awaamiirta dhinaca kale ay ka dhigan tahay " bar cambaar leh oo kusii jiri doonta taariikhda dalkan."
Araghchi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in dalkiisu uu yahay mid awood u leh dublamaasiyadda iyo dagaalka labadaba, isagoo sharraxayey in Iran ay taageerto dublamaasiyadda, balse isla markaana ay diyaar u tahay dagaal "si aanay cidina ugu dhiiran inay ka hortagto," isaga oo intaa ku daray: "Haddii kuwa kale ay doortaan dublamaasiyadda, annaguna diyaar ayaan u nahay".

Xigashada Sawirka, Handout via Reuters
Mar sii horeysay, xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuu Arbacada uu Washington, DC kula kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, "si ay uga wadahadlaan wadahadallada Iran."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xafiiskiisa ayaa bayaan uu soo saaray intaasi ku daray in Netanyahu "uu rumeysan yahay in wada xaajood kasta ay ku jiraan xayiraadaha gantaalada ballistic-ga ah iyo joojinta taageeridda Iran ee shar wadayaasha," isaga oo tixraacaya xulafada Iran ee gobolka.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa ka dib markii Iran iyo Mareykanka ay wadahadal ku yeesheen Cumaan Jimcihii. Trump ayaa markii dambe ku dhawaaqay in wada-hadallada ay dib u billaaban doonaan horraanta toddobaadka soo socda, halka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi uu ka hadlay wadahadallada mustaqbalka ee ku aadan wada xaajoodka isagoo aan cayimin taariikhda.
Haddii kulanka Trump iyo Netanyahu uu dhaco 11ka Febraayo 2026, wuxuu noqonayaa kulankii toddobaad ee tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu xafiiska ku soo laabtay Janaayo 2025.
Waxa xusid mudan in Trump iyo Netanyahu la filayey inay kulmaan 18-ka Febraayo, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Israa'iil oo ku aadan sababta loosoo hor mariyay taariikhda booqashada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Cabsida laga qabo in wada xaajoodku burburo
Saraakiisha Iran ayaa meesha ka saaray in wax wahadal ah laga yeesho gantaalada Iran, waxayana carrabka ku adkeeyeen in Tehran ay raadineyso aqoonsiga xaqa ay u leedahay tayeynta uranium-ka.
Iran waxay haysataa mid ka mid ah gantaallada ugu casrisan Bariga Dhexe.
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, diblumaasi ka tirsan gobolka oo Tehraan ay warbixin ka siisay tafaasiisha wada-hadallada ayaa sheegay in Iran ay sidoo kale ku adkaysatay intii lagu jiray wada-xaajoodka ay la gashay Maraykanka "xaqqa ay u leedahay tayeynta Uranium-ka," iyo in awoodda gantaallada Tehran aan lagu soo qaadin wada-hadallada.
Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu ayaa doonaya in wada xaajoodka lagu daro barnaamijka gantaalaha Iran iyo arrinta "taageerida xulafada Iran".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa muujiyay sida uu u rajaynayo "in dib loo bilaabo wada-hadallada Mareykanka dhawaan," isagoo carrabka ku adkeeyay khadadka cas ee Tehran ay dejisay, wuxuuna sidoo kale ka digay weerar kasta oo Mareykan ah.
Tehran ayaa marar badan diiday in la balaariyo baaxadda wada xaajoodka si loogu daro arrimo aan ahayn arrinta Nukliyeerka.
Dhanka kale, Araqchi ayaa ka digay in Tehran ay beegsan doonto saldhigyada Mareykanka ee gobolka, haddii Mareykanka uu weeraro dhulka Iran.
Quwadaha caalamka iyo dowladaha gobolka ayaa ka cabsi qaba in burburka wada xaajoodka uu hurin karo colaad cusub oo u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran taas oo ku fidi karta dalalka kale ee saliidda soo saara ee gobolka.
Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badar bin Hamad al-Busaydi, ayaa sheegay in wada-hadalladan ay ahaayeen kuwo aad u culus, isla markaana si taxadar leh loo dersi doono natiijada kasoo baxda Tehran iyo Washington. Waxa uu intaa ku daray in ujeedadu tahay in wada hadallada dib loo bilaabo wakhtiga ku haboon.
.
Wadahadalkii Jimcaha ayaa ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii ay burbureen wadahadalladii Nukliyeerka ee Iran iyo Mareykanka sannadkii hore, ka dib markii Israa'iil ay duqeymo aan horay loo arag ka geysatay Iran, taas oo dhalisay dagaal socday 12 maalmood.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ergayga Wada-xaajoodayaasha ugu sarreeya Maraykanka ee Iran, Steve Wittkopf iyo Jared Kushner, ayaa booqday markab laga leeyahay Maraykanka oo lagu magacaabo USS Abraham Lincoln oo ku sugnaa badda Carabta, taas oo u muuqata calaamad muujinaysa khatarta sii socota ee tallaabada militariga Maraykanka ee gobolka.
Taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in labada sarkaal ay booqdeen markabka.
Xoojinta militariga Mareykanka ee gobolka ayaa timid ka dib howlgalkii Iran ee ka dhanka ahaa mudaaharaadyadii billowday dabayaaqadii bishii Disembar, kuwaas oo ay ka danbeeyeen baahiyo dhaqaale.













