Sida ay tahay inaad uga digtoonaato hotelada la dego marka ay xaaskaga kula socoto

kamarada Qarsoon
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Xilli Habeennimo ah sanadkii 2023, Eric wuxuu ku guda jiray bog uu si joogto ah ugu booqdo baraha bulshada si uu u daawado filimada galmada. Ilbiriqsi gudahood markii uu fiidiyowga bilaabay, wuu istaagay.

Wuxuu ogaaday in lamaanaha uu daawanayay — oo gudaha qolka galay, boorsooyinkooda dhigay, ka dibna galmo sameeyay — ay yihiin isaga iyo saaxiibtiisa.

Saddex toddobaad ka hor, waxay ku qaateen habeenka huteel ku yaal Shenzhen, koonfurta Shiinaha, iyaga oo aan ka warqabin inaysan kali ahayn oo la weheliyo.

Waxaa kamarada ay qabatay iyaga oo sameynaya galmada waxaa-na qabtay kaamirad qarsoon oo ku jirtay qolkii huteelka, muuqaalkaasna waxaa loo soo bandhigay kumanaan qof oo kale oo galay bogga uu Ericadeegsaday si uu u daawado filimada galmada.

Eric (magaciisu ma aha kan dhabta ah) ma ahayn oo kaliya ah isticmaale ka tirsan goobaha laga daawado filimada qaawan ee kaamiradaha qarsoon ee Shiinaha, balse wuxuu noqday dhibane.

Digniin: Sheekadan waxa ay ka kooban tahay erayo qalafsan

Filimada qaawan ee kaamiradaha qarsoon, ama waxa loogu yeero spy-cam porn, waxay ka jirtay Shiinaha ugu yaraan toban sano, inkastoo wax soo saarista iyo faafinta filimada qaawan ay dalka ka mamnuuc tahay.

Laakiin sanadihii u dambeeyay, arrintan waxay noqotay mowduuc caadi ka ah baraha bulshada, iyadoo dadku — gaar ahaan haween — ay is dhaafsadaan talooyin ku saabsan sida loo ogaado kaamirooyin yar yar ee sida qarsoodiga ah wax u duuba. Qaar xitaa waxay ku qasbanaadeen inay teendho ka dhigtaan qolalka huteelka si aan loo duubin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii April ee la soo dhaafay, xeerar cusub oo dowladdu soo saartay ayaa isku dayay in lagu xakameeyo dhibaatadan, iyagoo huteelada ku amray in si joogto ah loo baaro kaamiradaha qarsoon.

Laakiin khatarta ah in si qarsoodi ah lagugu duubo gudaha qol huteelka wali way sii jirtaa. BBC World Service ayaa ogaatay kumanaan fiidiyowyo spy-cam ah oo dhawaan lagu duubay qolal huteel, lagana iibiyey bogagga faafiya filimaan anshax xumada ee internet-ka

Inta badan muuqaalladan waxaa lagu xayaysiiyaa barnaamijka farriimaha iyo baraha bulshada ee Telegram. Muddo 18 bilood ah, waxaan helay lix bog iyo barnaamijyo kala duwan oo lagu xayeysiinayay Telegram. Dhammaantood waxay ku andacoonayeen inay maamulaan in ka badan 180 kaamiro oo qarsoon oo ku rakiban qolal hudheello, kuwaas oo aan kaliya duubaynin, balse si toos ah (livestream) u baahinayay dhaqdhaqaaqa martida huteellada.

Mid ka mid ah bogaggan ayaan si joogto ah ula socday muddo toddobo bilood ah, waxaana ka helay muuqaallo ay qabteen 54 kaamiro oo kala duwan, iyadoo qiyaastii kala bar ay mar walba shaqaynayeen.

Taasi waxay ka dhigan tahay in kumanaan marti ah laga yaabo in la duubay muddadaas, sida ay BBC qiyaastay, iyadoo lagu salaynayo heerarka caadiga ah ee deggenaanshaha huteellada. Inta badan dadkaasna waxay u badan tahay inaysan ogeyn in kaamiro lagu duubay.

Eric, oo ka soo jeeda Hong Kong, ayaa bilaabay inuu daawado muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay isagoo dhalinyaro ah, isagoo soo jiitay sida uu u arkay muuqaalku inuu yahay mid "dabiici ah".

"Waxa i soo jiitay ayaa ah in dadka la duubayo aysan ogeyn," ayuu yiri Eric, oo hadda ku jira da'da 30‑meeyada. "Waxaan u arkaa in filimada qaawan ee caadiga ah ay yihiin kuwo la jilay oo been ah."

Laakiin Eric wuxuu si dhab ah u dareemay sida ay tahay in lagu jiro dhinaca kale ee silsiladda marka uu helay muuqaalkii isaga iyo saaxiibtiis "Emily" — wixii markaas ka dambeeyayna ma uu sii helin wax raalli-gelin ah daawashada noocan ah.

Markii uu Emily u sheegay in habeenkii ay ku qaateen hudheel lagu duubay, laga sameeyay muuqaal saacad dhan ah, laguna soo geliyay Telegram, waxay u malaysay inuu kaftamayo. Laakiin markii ay iyadu aragtay muuqaalka, aad bay uga naxday.

Emily waxay ka baqday in muuqaalku uu gaaray saaxiibbadeed shaqada ama qoyskeeda. Lamaanuhu xitaa isma aysan hadlin toddobaadyo badan.

Haddaba sidee buu u shaqeeyaa bogaggan ka faa'iidaysata falalka galmo ee gaarka ah ee lammaanayaal aan waxba ka warqabin, si loogu iibiyo macaamiil lacag bixiya oo ku raaxaysta daawashada qarsoodiga ah? Yaa ka dambeeya?

Mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan ee spy‑cam porn ee aan la kulmay wuxuu ahaa wakiil loo yaqaan "AKA".

Anigoo iska dhigaya macaamiil, waxaan bixiyay lacag si aan u galo mid ka mid ah bogagga si toos ah wax u baahiya ee uu xayeysiinayay — lacag bille ah oo ah 450 Yuan ($65, £47).

Markii aan gudaha galay, waxaa la ii oggolaaday inaan ka doorto shan nooc oo muuqaal ah oo kala duwan, mid kasta oo muujinaya dhowr qol hudheel ah — kuwaas oo isla markiiba muuqda marka martidu geliso kaarka furaha oo ay korontadu shidanto. Waxa kale oo suuragal ahayd in dib loo celiyo baahinta tooska ah laga bilaabo bilowga, lana soo dejisto muuqaallo hore loo kaydiyay.

Muuqaallada tooska ah ee kamarada qarsoon waxay muujinayaan muuqaalo cad oo sariiraha hoteelka ah

Xigashada Sawirka, .

Barnaamijka Telegram — oo Shiinaha mamnuuc ka ah balse si weyn loogu isticmaalo hawlo sharci-darro ah — AKA ayaa ku xayeysiin jiray baahinta tooska ah ee muuqaalada. Hal kanaal oo Telegram ah ayaa lahaa ilaa 10,000 xubnood intii uu socday baaritaankeenna.

Maktabadaha muuqaalada tooska ah ee la tafatiray ee uu leeyahay AKA sidoo kale waa laga heli karaa Telegram iyadoo lacag go'an lagu bixiyo. Waxaan arkay in ka badan 6,000 muuqaal oo kayd ah, kuwaas oo la duubay ilaa 2017.

Qof kasta oo ka mid ah macaamiisha AKA wuxuu ku faalloodaa qaybta kanaalka ee Telegram, isagoo daawanaya martida hudheelka ee aan waxba ka warqabin — qiimeynaya muuqaalka, ka sheekaynaya hadallada, iyo ka faalloodaya awoodooda galmo.

Waxay u dabaal-degaan marka lammaane bilaabo galmo — waxayna ka cawdaan haddii ay damiyaan nalalka, taasoo ka dhigaysa qolka mid mugdi ah. Haweenka si joogto ah ayaa loogu tilmaamaa erayo sida "shisheeye xun", iyo "dumar foolxun".

Waxaan ku guuleysanay inaan raadraacno mid ka mid ah kaamiradaha qarsoon ee ku yaalay qol hudheel oo ku yaal Zhengzhou, bartamaha Shiinaha, annagoo isku keenay tilmaamo kala duwan oo ka yimid macaamiisha, isticmaaleyaasha baraha bulshada, iyo cilmi-baaristeena.

Cilmi-baarayaal ku sugan goobta ayaa awooday inay galaan qolka, waxayna heleen kaamirada — muraayaddeedu u jeedday sariirta — oo ku qarsoon unugga hawo-mareenka ee derbiga, isla markaana ku xiran korontada dhismaha.

Eric iyo Emily waligood ma baxaan iyaga oo aan xidhin koofiyadaha hadda, cabsi laga qabo in la aqoonsado

Qalab lagu ogaado kaamiradaha qarsoon, oo si weyn online looga iibiyo iyadoo lagu tilmaamo "inuu yahay shay lagama maarmaan u ah martida hudheelka," ma aysan siin wax digniin ah in lagu duubayo.

Kooxdu waxay damisay kaamiradii qarsoodiga ahayd, eraygana si dhakhso ah ayaa looga faafiyay Telegram.

"Zhonghua [magaca kaamirada] waa la joojiyay!" ayuu qoraal ku qoray mid ka mid ah xubnaha kanaalka weyn ee AKA maamulayo.

"Waa wax laga xumaado; qolkaa wuxuu lahaa tayada codka ugu fiican!" ayaa AKA kaga jawaabay chat-ka.

Laakiin cabashooyinkii waxay isu beddeleen dabaaldeg markii, saacado gudahood, AKA uu soo geliyay in kaamirada beddelka ah ee hudheel kale la hawlgaliyay.

"Tani waa xawaaraha… [barnaamijkeena baahinta tooska ah]," ayaa AKA ugu sheegay macaamiishiisa. "Waa wax lala yaabo, sax?"

Intii lagu guda jiray baaritaankeenna 18‑bilood ah, waxaan aqoonsannay ku dhawaad toban wakiil oo la mid ah AKA.

Isdhaafsiga ay la lahaayeen macaamiisha ayaa si cad u muujinayay in ay u shaqeynayeen kuwo kale oo ka sarreeya silsiladda , kuwaas oo ay ugu yeeri jireen "mulkiilayaasha kaamirada." Sida faallooyinka wakiilada ay muujinayeen, dadkaas ayaa diyaariya rakibidda kaamiradaha qarsoon iyo maareynta barnaamijyada baahinta tooska ah.

Intii aan si toos ah ula sheekaysannay AKA, si khalad ah ayuu noo soo wadaagay sawirka shaashadda fariin uu ka helay qof uu sheegay inuu yahay "mulkiile kaamirada," oo leh magaca profile-ka "Brother Chun."

AKA si dhakhso ah ayuu fariinta u tirtiray, wuxuuna diiday inuu ka hadlo, laakiin waxaan awooday inaan si toos ah ula xiriirno "Brother Chun." In kasta oo caddeynteenna ay muujinayso inuu uu siiyay AKA website-ka baahinta tooska ah, Brother Chun wuxuu ku dooday inuu ahaa wakiil kale oo iibka, inkastoo uu u muuqday inuu qirayo in silsiladda ay ka ballaaran tahay dadka la midka ah isaga.

Waxaa cad in lacag fara badan lagu kasban karo. Iyada oo lagu saleynayo xubinnimada kanaalka iyo lacagaha macaamiisha, BBC waxay qiyaastay in AKA kaligiis uu helay ugu yaraan 163,200 Yuan oo u dhiganta $22,000, tan iyo bishii april ee la soo dhaafay. Dakhliga sannadlaha celceliska ah ee Shiinaha sanadkii hore wuxuu ahaa 43,377 Yuan ($6,200, £4,600), sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka ee Shiinaha.

Eric iyo Emily weli way la niyad jabsan yihiin wixii dhacay. Mar walba waxay xirtaan koofiyado markay dadweynaha dhex oogaan si aan loo aqoonsan, waxayna isku dayaan inay ka fogaadaan hudheelada. Eric wuxuu sheegay inuusan hadda u adeegsan kanaalada Telegram si uu u daawado filimada qaawan, laakiin weli mararka qaar wuu hubiyaa — isagoo ka baqaya in muuqaalka dib u soo muuqdo.