Baaritaan qarsoon oo ay BBC sameysay: Wadaaddo fasaxaya guurka wakhtiyeysan

A girl being proffered several wedding rings

Baaritaan oo ay sameysay laanta BBC-da ee luuqadda Carabiga ayaa lagu ogaaday in wadaaddo ka tirsan Muslimiinta Shiinacada ee dalka Ciraaq ay fasaxayaan in gabdhaha da'da yar la tuso nolosha galmada, waxaana barnaamijkaas Shiicada ay sameeyaan loo yaqaannaa 'Guurka ku meel gaarka ah ee ujeeddadiisu tahay raaxeysiga'.

Baaritaankan oo ahaa mid qarsoon oo lagu sameeyay xafiisyada la isku mehersado ee u dhow macbadkada ugu waaweyn dalka Ciraaq ayaa lagu ogaaday in wadaaddadii loo tagay badankood ay aqbalayeen "Guurka daneysiga" ee muddada gaaban loogu talagalay, kaasoo mararka qaar xitaa ku ekaada muddo hal saac ah, danta laga leeyahayna ay tahay in galmo la sameeyo oo kaliya.

Qaar ka mid ah wadaaddadaas waxay guurka wakhtigiisu xaddidanyahay ee noocan ah u fasaxayeen in lagu sameeyo gabdho aad u da' yar oo ilaa 9 jir ah.

Waxay sidoo kale ku yaboohayeen haween iyo gabdho aan qaan gaarin oo loo guurinayo rag wakhti kooban u baahan.

Dokumentarigan la sameeyay ayaa lagu soo bandhigay in wadaaddadu ay raalli ka noqonayeen una duceynayeen ragga tacaddiyada galmada ah u geysanayay carruurta.

Wariyaha BBC-da Nawal al_Maghafi
Qoraalka sawirka, Baaritaanka qarsoon ee BBC-da oo ay hoggaamineysay Nawal al-Maghafi ayaa lagu dhammeystiray muddo ku dhawaad hal sano ah

Guurka daneysiga

Guurka daneysiga oo ah arrin uu ka taagan yahay khilaaf dhinaca diinta ah waxaa adeegsada Muslimiinta Shiicada ah, wuxuuna oggolaanayaa in la sameeyo guur wakhti cayiman ku eg oo haweenka lagu siiyo lacag. Waddamada ay ku badan yihiin muslimiinta Sunniga ah ayaa laga isticmaalaa nidaam noocan u dhow oo loo yaqaanno Nikaaxu Misyaar, waana mid ku dhisan heshiisyo ay arooska awgiis u galayaan ninka iyo haweeneyda isguursanaya.

Markii hore waxay arrintan ku timid ku timid in ninku uu xaas kaxeysto marka uu safar ku jiro, laakiin maanta waxaa loo adeegsadaa in ninka iyo haweeneyda loo xalaaleeyo inay sameystaan xiriir galmo oo wakhtiyeysan.

Qodobkan ayaa ah mid ay isku khilaafsan yihiin culumada muslimiinta, kuwaasoo qaarkood ay ku tilmaameen mid sineysi ah, waxayna sidoo kale dood ka taagan tahay inta uu gaabnaan karo wakhtiga uu guurka jirayo.

Koox wariyeyaal ah oo u shaqeeya BBC-da laamaheeda Ciraaq iyo UK ayaa baaritaanka waday muddo 11 bilood ah, waxayna si qarsoodi ah muuqaallo uga soo duubeen wadaaddo heshiisyo la galaya haween danta laga leeyahay ay tahay in loo galmoodo kaliya, iyo sidoo kale kuwo la hadlaya rag ka dalbanaya inay usoo raadiyaan "dumarka raaxada"

Ka dib 15 sano oo dagaal ah, qiyaastii hal malyan oo haweenka Ciraaq ah ayaa garoobbo ah tiro kale oo aad u badanna waa la barakiciyay.

BBC-da ayaa ogaatay in haween badan iyo gabdho yar yar ay ku khasbanaadeen inay aqbalaan guurka daneysiga, saboolnimada awgeed.

BBC-da ayaa dhageysatay dad ka maqkhaati kacaya guurka mutcada
Qoraalka sawirka, BBC-da ayaa dhageysatay dad ka maqkhaati kacaya guurka mutcada

Mid la iska heli karo

Barnaamijka ay BBC-du arrintan ka sameysay ayaa lagu ogaaday in guurka daneysiga uu yahay mid uu qof walba ka heli karo labo ka mid ah macbadyada ugu waaweyn dalka Ciraaq.

Tusaale ahaan, waxay kooxda wariyeyaasha isqarinayay ah u tageen 10 wadaad oo ku sugan macbadka Khadimiya ee magaalada Baqdaad, oo ka mid ah macbadyada ugu waaweyn ee muslimiinta Shiinacada. Siddeed ka mid ah waxay sheegeen inay fulin karaan guurka daneysiga; kalabar kuwaas ka mid ahna waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay guurka noocaas ah ku sameeyaan gabdho ay da'dooda tahay 12 ama 13 sano.

Kooxdu waxay sidoo kale u tageen 4 wadaad oo ku sugan magaalada Karbala, oo ah meesha ugu weyn ee ay shiicada adduunka u xajiyaan. Labo ka mid ah wadaaddadaas waxay aqbaleen inay guurka daneysiga ku sameeyaan gabdho aad u da' yar.

Afar wadaad ayaa si qarsoodi ah muuqaal looga duubay. Saddex ka mid ah waxay sheegeen inay bixinayaan haween, halka labo kalena ay sheegeen inay ragga u hayaan labo gabdhood oo yar yar.

Sayyid Raad, oo ah wadaad ku sugan magaalada Baqdaad ayaa wariyaha BBC-da ee isqarinayay u sheegay in shareecada Islaamku aysan waqti xaddidan u sameynin guurka daneysiga: "Ninku wuxuu guursan karaa inta dumar ah ee uu doono, gabar waad qabi kartaa saacad barkeed, isla markii aad furtid mid kale ayaad horay ka guursan kartaa".

Sagaal jir iyo wixii ka korreeya

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kadhimiya waa goob muhiim ah oo ay usoo xajiyaan muslimiinta Shiicada ah

Markii uu wariyaha baaritaanka sameynayay weydiiyay Sayyid Radd su'aal ku saabsaneyd in ay diintu oggoshahay guurka daneysiga, wuxuu ku jawaabay: "Kaliya ka taxadar inaysan bikro jabin".

Wuxuu intaas ku daray: "arrinta oo dhan waxay ku xiran tahay heshiiska dhex mara ninka iyo haweeneyda"

Sheekh Salawi, oo ah wadaad ku sugan Karbala, ayaa isagoo kaamiro qarsoon lagu duubayo la weydiiyay su'aal ku saabsaneyd in guurka galmada looga dan leeyahay lagu sameyn karo gabar 12 jir ah, wuxuuna yiri: "Haa, sagaal jir iyo wixii ka korreeya waa lagu sameyn karaa - wax dhibaato ah malaha gabi ahaanba. sida ay shareecada qabto wax dhib ak kuma jiro".

Guurka telefoonka

Detail from Kadhimiya Shrine

Si uu u tijaabiyo hannaanka loo sameeyo guurka daneysiga ee carruurta, wariyaha BBC-da ayaa u sheegay Sayyid Raad inuu doonayo in loo guuriyo gabar 13 jir ah oo uu saxafigu jilliin ku sameynayay, magaceedana uu ka dhigay "Shaimaa". Run ahaantana waxaa jilliinka booska gabdhaas diyaar u ahayd wariye kale oo BBC-da ka tirsan.

Laakiin Sayyid Raad ma uusan dalbanin inuu gabdha la kulmo ama uu la hadlo qoyskeeda. Isagoo wariyaha isqarinaya la fadhiya gaari taxi ah gudihiis, wuxuu oggolaaday inuu meherka guurka ku hirgaliyo khadka telefoonka.

Wuxuu gabdha weydiiyay: Shaimaa ma oggoshahay inaad walaayadaada ii dhiibatid si aan kuugu guuriyo, isaguna uu bixiyo lacag dhan 150,000 oo diinaar, oo hal maalin uu ku qabo?" Ugu danbeyntiina wuxuu arrintii kusoo gabagabeeyay isagoo dhahaya: "Hadda waad is qabtaan, waadna isku tagi kartaan".

Wuxuu wariyaha baaritaanka sameynayay ka qaatay $200 oo ah kharashkii ku baxay daqiiqadihii uu meherkooda sameynayay, wax walwal ahna uma uusan qabin sida ay noqon karto xaaladda gabadha loo jilayay ee 13 jirka ah.

Ku gabbashada diinta

Nin xaas leh oo si joogto ah u sameeya guurka daneysiga, si uu ugu galmoodo haween cusub oo ay siiyaan wadaaddada ayaa BBC-da ku yiri: "Gabar 12 jir ah waa hadiyad sababtoo ah 'way cusub tahay'. Waa qaali, waxay gaari kartaa $500, $700, $800 oo doolar, lacagtaasna waa mid uu helayo wadaadka.

Wuxuu aaminsan yahay inay diinta u oggoshahay arrintaas: "Haddii nin sheekh ah uu kuu sheego in guurka daneysiga uu xalaal yahay, markaas dambi ma noqoneyso".

Haweeney wajigeeda qeyb laga qariyay
Qoraalka sawirka, Haween iyo gabdho badan ayaa ku khasbanaada guurka daneysiga, saboolnimo darteed

Yanar Mohammed, oo ah haweeney u doodda xuquuqda dumarka, isla markaana maamusha hay'ad hoy u sameysa haweenka Ciraaq ayaa sheegtay in gabdho badan sidii alaab ahaan loo kala iibsado, halkii looga tixgalin lahaa inay bani'aadan yihiin.

"In dumarka lacag loo adeegsado meelo gaar ah ayaa lagu oggol yahay. Laakiin kuwa bikrada ah waxay xaq u leeyihiin inay helaan ganacsiga weyn ee mustaqbalkooda ah", ayey tiri. "ganacsiga weyn" waxay ula jeedday arooska.

Marka ay gabadhu bikradeeda weyso, waxaa loo arkayaa inaan la guursan karin, waxayna khatar ugu jirtaa inay dilaan qoyskeeda, iyagoo u arka inay ceeb u keeneyso. "Mar walba dhibaatadu waxay si gaar ah u saameysa dumarka iyo gabdhaha yar yar", ayey tiri.

Fasixidda guurka lagu isticmaalayo gabdhaha

Suxufiyiinta baaritaanka qarsoon sameynayay waxay hab sir ah u duubeen wadasheekeysi ay la yeesheen wadaaddo ay u sheegayeen inay doonayaan gabdho ay iibsadaan.

Waxay sidoo kale la kulmeen gabar markhaati ah oo sheegtay inay wadaaddo fasaxeen in lagu isticmaalo lacag, waxaana sheekadeeda xoojiyay markhaatiyaal kale.

Kooxdu waxay si qarsoodi ah muuqaal uga duubeen wadaad wariyaha baaritaanka sameynayay u keenay gabar yar, wuxuuna doonayay inuu qabo ilaa 24 saac.

Sida muuqatay wadaadku wuxuu ahaa mid fasaxayay guurka lagu isticmaalo gabdhaha.

Markii uu wariyaha isqarinayay diiday inuu aqbalo guurka daneysiga, wadaadka ayaa sheegay inuu rabi lahaa gabar dhowr iyo toban jir ah, wuxuuna ka dalbaday inuu mid u keeno.

Cambaareyn

Masaajidka Karbala xilli habeen ah
Qoraalka sawirka, Masaajidka Karbala wuxuu ka mid yahay goobaha ugu muhiimsan ee Shiicada

Ghaith Tamimi waa wadaad heer sare ah oo horay uga tirsanaa culumada Shiicada ee dalka Ciraaq, haddana wuxuu dibad joog ku yahay magaalada London.

Wuxuu Ciraaq kasoo cararay ka dib markii lagu qoonsaday inuu ka hadlay akhlaaq darro diinta lagu sameynayo.

Wuxuu cambaareeyay wadaaddada hirgalinaya guurka daneysiga ah ee dumarka loogu xadgudbo, gaar ahaanna kuwa xalaaleynaya tacaddiyada galmo ee loo geysanayo gabdhaha yar yar: "Waxa uu ninkaas sheegayo waa dambi, waana in sharciga uu ciqaabo".

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee Shiicada Ciraaq ayaa qoray buugaag ay ku sheegayaan in Islaamku uu oggolyahay in carruurta loo galmoodo.

Tamimi wuxuu ugu baaqay culumada Shiicada inay naqdiyaan ficilladan.

Labo ka mid ah wadaaddada ay BBC-da laanteeda carabiga muuqaallada qarsoodiga ah ka duubtay waxay isku tilmaameen inay taageersan yihiin Ayatollah Sistani, oo ka mid ah wadaaddada ugu sarreeya muslimiinta Shiicada.

Hase ahaatee, Bayaan uu BBC-da u soo diray Ayatollah wuxuu ku yiri: "Haddii arrimahan ay u jiraan sida aad u sheegeysaan, waan cambaareyneynaa. Guurka ku meel gaarka ah looma oggolaanin in ujeeddadiisu ay noqoto galmo lagu waxyeelleynayo sharafta iyo bani'aadannimada dumarka".

Afhayeen u hadlay dowladda Ciraaq ayaa BBC-da qeybteeda Carabiga ku yiri: "Haddii haweenku ay cabashadooda u gudbin waayaan booliska, markaas way adagtahay tallaabo la qaado".