Dalkan yar ee ku yaalla khaliijka iyo awoodiisa dhex-dhexaadinta

Wada xaajoodyada Maraykanka waxaa hogaamin doona ergeyga gaarka ah Steve Witkoff (bidix), halka kooxda Iran uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araghchi.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Iiraan iyo Maraykanka ayaa maanta ka bilaabay Cumaan wadahadallo muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran, sida ay sheegeen warbaahinta Iiraan.

Iiraan ayaa Jimcihii ku baaqday in la muujiyo "ixtiraam labada dhinac ah" ka hor wadahadallada ay la yeelanayso wakiillada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ka dhacaya Cumaan, kuwaas oo Tehran ay dooneyso in lagu koobo oo keliya arrimaha nukliyeerka.

Khilaafka sii socda ee ku saabsan ajandaha wadahadallada ayaa ka dhigaya in horumar la gaaro uu noqdo mid adag, inkastoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in dagaal goboleed uu ka qarxo Bariga Dhexe.

Intii uu socday kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr al-Busaidi, ka hor bilaabashada wadahadallada, Araqchi wuxuu sheegay in Iiraan ay diyaar u tahay inay is-difaacdo haddii Maraykanku la yimaado "dalabyo xad-dhaaf ah ama tallaabooyin halis ah."

Araqchi wuxuu intaas ku daray in "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay u adeegsanayso diblomaasiyadda sidii ay u difaacan lahayd danaha qaran ee Iiraan."

Wadahadallada Muscat waxaa dhexdhexaadin ka ah wasiirka arrimaha dibadda Cumaan Badar bin Hamad al-Busaidi (midig)

Xigashada Sawirka, Reuters

Cumaan iyo doorkeeda dhex-dhexaadinta heer caalami

Cumaan waxay isu aragtaa dal leh doorka dhexdhexaadiye muhiim ah oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha caalamiga ah, gaar ahaan Bariga Dhexe, iyadoo ka faa'iideysanaysa siyaasad loo yaqaan "dhexdhexaadnimo" si ay u xoojiso xiriirka uguna dhowaato dhinacyo is-diidan.

In kasta oo ay ku taallo mid ka mid ah gobollada ugu khatarta badan adduunka—oo ay ka jiraan xiisado joogto ah, qalalaase, iyo colaado—Sultanate-ka Cumaan ayaa si guul leh u ilaaliyay siyaasadda dhexdhexaadnimada, isla markaana si xirfad leh u qaadatay doorka adag ee dhexdhexaadiye, gudaha Jasiiradda Carabta iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Cumaan waxaa si weyn loogu yaqaannaa "diblomaasiyad aamusnaan ah ," iyadoo fududeysay wadahadalladii horseeday heshiiskii nukliyeerka Iiraan ee 2015, ka shaqeysay dejinta xiisadaha Yemen, isla markaana martigelisay wada-hadallo u dhexeeya Maraykanka iyo Xuuthiyiinta. Tani waxay si weyn u xoojisay doorka Cumaan ee ah nabad-dhexaadiye muhiim ah oo gobolka ka jira.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cumaan ayaa fududeysay wadahadallo qarsoodi ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, kuwaas oo gogol xaar u noqday heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee loo yaqaanay Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA). Kulammadan ayaa door muhiim ah ka qaatay jebinta aamusnaantii diblomaasiyadeed ee socotay tobannaan sano ee u dhexeysay labada dal.

Wadahadalka Sii Socda ee Iiraan iyo Maraykanka (2024–2026): Cumaan waxay sii wadday martigelinta wadaxaajoodyo joogto ah, badanaa si qarsoodi ah loo qabto, oo u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, kuwaas oo la xiriira arrimaha nukliyeerka iyo xiisadaha gobolka. Kulammo dhacay 2024 iyo 2026 ayaa diiradda lagu saaray xakamaynta kacsanaanta Bariga Dhexe.

Dhexdhexaadinta Dagaalka Sokeeye ee Yemen: Cumaan ayaa si joogto ah uga shaqeysay fududeynta wadahadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda Yemen, iyadoo ka faa'iideysanaysa doorkeeda derisnnimoiyo dhexdhexaadnimadeeda.

Waxay martigelisay wakiillo ka kala socday dhinacyo kala duwan, oo ay ku jirto dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta.

Xallinta Khilaafaadka Gobolka:Siyaasadda arrimaha dibadda ee Cumaan waxay ku saleysan tahay wadahadal iyo dhexdhexaadnimo, taasoo u saamaxday inay xiriir dhexdhexaad ah la yeelato dhammaan dhinacyada.

Tusaale ahaan, sanadkii 2014, Cumaan waxay dhexdhexaad ka ahayd khilaafaadkii ka dhex jiray Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), gaar ahaan murankii la xiriiray Qatar.

Doorka Istiraatiijiyadeed ee Cumaan:Warbixinno ay baahisay BBC ayaa muujinaya in Iiraan ay inta badan doorbido Cumaan inay noqoto goobta wadahadallada marka loo eego Turkiga, sababtoo ah aragtida ah in Cumaan tahay dal dhexdhexaad ah oo saaxiibtinimo leh. Habka ay Cumaan u wajahdo arrimaha diblomaasiyadda ayaa lagu tilmaamaa "diblomaasiyad aamusnaan ah (quiet diplomacy)," taasoo u saamaxday inay noqoto dhexdhexaadiye ama fududeeye muhiim ah oo ku lug leh khilaafaadyo adag oo ka jira gobolka.