Maxey labada quwadood ee dunida ugu weyn ku heshiiyeen?

Xigashada Sawirka, Russian Defense Ministry
Taliska Maraykanka ee Yurub ,US European Command, ayaa ku dhawaaqay in Washington iyo Moscow ay ku heshiiyeen inay dib u bilaabaan wadahadallo heer sare ah oo u dhexeeya ciidamadooda militariga, saacado kaddib markii uu dhacay heshiiskii keliya ee ka haray ee xakamaynta hubka nukliyeerka.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Yurub, kanaalka isgaarsiinta ee la hakiyay afar sano ka hor, xilli ku beegnaa bilowgii dagaalka Ukraine, ayaa dib loo hawlgelin doonaa, waxaana dhinacyadu sii wadi doonaan dadaallada lagu gaarayo nabad waarta.
Ruushka ayaa isna ku dhawaaqay inuu sii wadi doono wadahadallada uu la leeyahay Maraykanka haddii Maraykanku si "dhisnaan leh" uga jawaabo soo jeedintiisa la xiriirta u hoggaansanaanta xaddidaadaha madaxyada hubka nukliyeerka ee ku qeexnaa heshiiskii New START, kaas oo hadda dhacay.
Khubarro ayaa u arka heshiiskan u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka ee ku saabsan dib u bilaabista wadahadallada militariga ee heerka sare ah inuu yahay calaamad kale oo muujinaysa soo hagaagidda xiriirka labada dal tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo dadaalladiisa ku aaddan joojinta dagaalka Ukraine.
Taliska Maraykanka ee Yurub ayaa bayaanka ku sheegay in heshiiskan la gaaray kaddib kulammo iyo wadahadallo dhex maray Janaraal Alexis Grinovich, taliyaha ciidamada Maraykanka iyo NATO ee Yurub, iyo saraakiil sare oo militariga Ruushka ka tirsan, kuwaas oo ka dhacay Abu Dhabi, caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kanaalka isgaarsiinta ee dib loo soo celiyay uu "bixin doono xiriir joogto ah oo dhex mara saraakiisha sare ee militariga labada dal, iyadoo dhinacyadu sii wadaan dadaalladooda ku aaddan in la gaaro nabad waarta."
Bishii Febraayo 2021, maamulka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa heshiiska u kordhiyay shan sano oo kale ka hor inta uusan dhicin. Hase yeeshee, markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka, xilli lagu sii socday dagaalka Ukraine, xiriirradii militari ee heerka sare ahaa ee labada dhinac ayaa la hakiyay isla sannadkaas.
Heshiiska New START, oo la saxiixay sanadkii 2010-ka isla markaana dhaqan galay 5-tii Febraayo 2011-kii, wuxuu ka mid ahaa heshiisyadii yarraa ee loogu talagalay in laga hortago dagaal nukliyeer ah oo masiibo weyn sababi kara.
Heshiiska ayaa xaddiday labada dal inay kaliya ku rakibi karaan 1,550 madaxyada hubka nukliyeerka ee istiraatiijiga ah, kuwaas oo ka yaraa tiradii la oggolaa xilligii heshiiskii hore ee loo yaqaanay START Treaty. Sidoo kale, heshiisku wuxuu hirgeliyay hufnaan u dhexeysa labada dhinac, oo ay ka mid ahaayeen is-weydaarsiga xogta, bayaanno rasmi ah, iyo kormeerro goobaha lagu fuliyo.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiiskii asalka ahaa ee START, oo la saxiixay sanadkii 1991-kii dhexdiisa Maraykanka iyo Midowgii Sofiyetka, wuxuu mamnuucayay in midkoodna dhinac uu ka sarreeyo 6,000 madaxyada hubka nukliyeerka.
Kadib, heshiiska New START ayaa la saxiixay sanadkii 2010-kii heshiiskaas oo ka dhacay magaalada una dhaxeeyay Maraykanka iyo Ruushka.
In kasta oo saddex sano ka hor la joojiyay arrimo farsamo dartood, haddana waxaa la rumeysan yahay in labada dal ay weli u hoggaansamayaan heshiiskaas.
Heshiiskani wuxuu ka hortagay faafidda aan la xakameynin ee hubka nukliyeerka wuxuuna sidoo kale bixiyay habab hufnaan ah oo labada dal u leh faa'iido, kuwaas oo leh hubka nukliyeerka ugu weyn, ayna ku gaari karaan ujeeddooyinka ay rabaan.
Maraykanku horey ayuu u sheegay in heshiis kasta oo xakameyn hub mustaqbalka ah uu ku jiri doono Shiinaha, oo dhisaya hubkiisa nukliyeerka, balse Shiinaha ayaa sheegay inuusan ku biiri doonin wadahadallada u dhexeeya Moscow iyo Washington xilligan.
Ruushkuna muddo dheer ayuu ku doodayay in heshiis kasta oo xakameyn hub mustaqbalka ah uu sidoo kale ku jiri doono Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska, labada awood nukliyeerka ee Yurub.













