Sheekada ninkan iyo khiyaanada uu sameeyay ma ahan mid qof-na uu ku fikiri karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka hore, sheekadu waxay u muuqatay sidii filim ama sheeko mala‑awaal ah: qof isku sheegaya inuu yahay "amiir Sacuudiyan ah oo saameyn leh" ayaa taleefan ku la xiriiray siyaasiyiinta Lubnaan, isagoo u gudbinaya waxa uu ugu yeeray "mowqif rasmi ah ee Sacuudiga" oo ku saabsan magacaabista ra'iisul wasaarayaasha, doorashooyinka madaxweynaha, iyo magacaabista saraakiisha amniga.
Laakiin waxa markii dambe la ogaaday, sida ay sheegeen baaritaanada garsoorka, ma aysan aheyn oo keliya eedeymo la iska gudbiyay, balse waxay ahayd kiis khiyaano adag oo soo jiitay fikirka dadweynaha Lubnaan muddo toddobaadyo ah, isla markaana saameyn ku yeeshay shakhsiyaadka siyaasadda, diinta, iyo ganacsatada.
Xaqiiqada sheekada
Dadka reerLubnaan markii hore ma aysan maqal sheekada "amiirka Sacuudiga been abuurka ah" iyagoo ka helaya bayaan dhanka amniga ah, balse waxay ka bilaabatay faafin ka timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo u dusiyay warbaahinta gudaha, ka hor inta aysan u gudbin heer sharci.
Dhamaadkii December, dhinacyada siyaasadda ayaa ka hadlay "wacitaanno qarsoodi ah" oo loo diray xubno hore oo Baarlamaan iyo wasiirro ah, kuwaasoo ka yimid lambarka aan Lubnaan ahayn, milkiilaha lambarkaas oo leh lahjad Sacuudiyaan kalsooni-na ay ka muuqato, wuxuu muujiyay inuu saameyn ku dhex leeyahay miisaska go'aan qaadashada Riyadh.
Iyadoo markhaatiyaasha la soo celcelinayo oo faahfaahintooda ay isugu dhowdahay, sheekadu waxay si cad ugu faaftay warbaahinta iyo baraha bulshada, taasoo isu beddeshay qodob ka mid ah mala‑awaalka iyo dhaleeceynta ku saabsan "amiir aan muuqan ama la kulmin cidna, laakiin wax walba la socda oo og.
Ka dib toddobaadyo la isla dhexmarayay iyo baaritaanno, Garsooraha Baarista Koowaad ee Beirut, Roula Othman, ayaa soo saartay labo waaran oo lagus oo qabanayo 20 January, 2026, kaasi oo ka dhan ah laba qof oo ku lug leh kiiska:
Mustafa Al-Hussayan, naanaysta "Abu Cumar," iyo Sheikh Khaldoun Arimat, oo lagu eedeeyay "Baadka siyaasiyiin, iyo isu ekeysiin ama sheegasho ah in uu ka tirsan yahay qoyska boqoortooyada Sacuudiga."
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dadkan dhaawaceen xiriirka sacuudiga iyo Lubnaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Lubnaan, Garsooraha Othman ayaa go'aansatay in ay u dhageysato dhowr siyaasiyiin ah oo magacyadooda ku jiray faylka kiiska sida markhaatiyaal, halka baaritaannada ay socdaan si loo ogaado baaxadda shabakadda suurtogalka ah iyo in la caddeeyo doorka iyo masuuliyadda dadka ku lugta leh.
Mustafa al-Hussayan markii hore waxaa lagu xiray kiisas kale oo la xiriira tacaddiga muhaajiriinta ee xadka Lubnaan iyo Suuriya, laakiin intii lagu guda jiray baaritaanka, waxaa soo baxay tuhmado la xiriira dambiyo kale oo ku saabsan inuu iska dhigay shaqaale Sacuudiga ah, taasoo keentay in kiiska la ballaariyo.
Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, dacwadda waxaa ku jiray afar qof oo kala ah Sheekh Khalduun Arimat iyo Mustafa Al-Hussayan oo lagu naanayso "Abu Cumar", kuwaas oo hadda xiran, marka lagu daro Sheekh Khaled Al-Sabsabi iyo Mohammed Arimat oo ah wiil uu dhalay Sheekh Khalduun Arimat, kuwaas oo weli dhuumaalaysi ku jira.
Maxay beentu ugu muuqatay mid la rumaysan karo?
Sida ay baaritaannadu muujinayaan, xididdada kiiskan waxay dib ugu laabanayaan sanadkii 2018, xilli ay jireen isbeddelo weyn oo ku yimid xiriirka Sacuudiga ee Lubnaan. Inta lagu guda jiray waqtigaas, heerka ka-qaybgalka siyaasadeed ee tooska ah ee Sacuudiga ee arrimaha Lubnaan ayaa hoos u dhacay, kanaalada dhaqameed ee isgaarsiinta ee lala lahaa siyaasiyiinta Lubnaan ayaa yaraaday, taasoo ku beegneyd markii Ra'iisul Wasaarihii hore Saad Xariri uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay nolosha siyaasadda.
Xariri waxaa si weyn loogu arkayay wakiilka ugu weyn ee bulshada Sunni-ga ee Lubnaan iyo kanaal muhiim ah oo isgaarsiin siyaasadeed la leh Boqortooyada Sacuudiga. Ka bixiddiisii masraxa ayaa abuuray meel maran oo arrintan ku saabsan, taasoo keentay jahawareer ku saabsan mowqifka Sacuudiga ee horumarka Lubnaan.
Nidaamka siyaasadeed ee Lubnaan wuxuu ku tiirsan yahay isu-dheellitirnaan xasaasi ah oo ku saleysan kooxaha diimeed, halkaasoo xiriirka gobolka, gaar ahaan Sacuudiga, uu door muhiim ah ka ciyaaro samaynta dawladda, doorashada madaxweynaha, iyo magacaabista xilalka waaweyn. Iyadoo aan la helin kanaalo cad oo isgaarsiin, wax kasta oo muujinaya "mowqif aan la shaacin oo Sacuudiga ah" ayaa hadda, siyaasiyiinta qaar, u muuqda mid macquul ah ama ugu yaraan aan laga reebanayn suurtagalnimadiisa.
Intii lagu guda jiray xaaladdan jah-wareerka ah, magaca "Abu Omar" ayaa soo ifbaxay isagoo lagu sheegay inuu ka shaqeeyo "maamulka qoyska Boqortooyada Sacuudiga," isla markaana leh saameyn u oggolaanaysa inuu saameeyo go'aamada siyaasadeed ee Lubnaan, iyada oo aan jirin muuqaal dadweyne ama xil diblomaasiyadeed oo la yaqaan.
Baaritaannadu waxay muujinayaan in ninkaasi uu si gaar ah ugu tiirsanaa isgaarsiin telefoon: isaga oo iska dhigay inuu yahay sarkaal sare, isla markaana iska dhigay sidii dhexdhexaadiye awood u leh inuu furo kanaallo xiran.
Illaa hadda, Sacuudiga iyo safaaraddiisa Beirut midna kama aysan bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan kiiska "amiirka been abuurka ah."
Laga soo bilaabo masaajidka waqooyi ilaa shabakad khiyaamo ah
Laakiin sheekadu sidee ayay ku bilaabatay? Sideese u dhashay shakhsiyadda "amiirka mala-awaalka ah"?
Sheekada difaaca ayaa sheegaysa in xididdada kiiskan ay dib ugu laabanayaan sannado, markii Mustafa al-Hussain, oo ah nin Lubnani ah oo ka soo jeeda gobolka waqooyi ee Akkar kana shaqeeya dayactirka baabuurta, uu la kulmay garsooraha Shareecada, Sheekh Khaldoun Arimat, intii lagu jiray furitaanka masjid ku yaal mid ka mid ah gobollada waqooyi ee Lubnaan.
Youssef Zaaiter, oo ah qareenka Al-Hussain, ayaa BBC Carabi u sharaxay in xiriirka labada nin uu ka bilaabmay jawi bulsho, oo ka fog siyaasadda. Sida uu Zaaiter sheegay, Al-Hussain ayaa Arimat ka codsaday inuu ka caawiyo diiwaangelinta baabuur iyo helidda raashin. Arimat wuxuu siiyay 25 kiish oo raashin ah, 22 ka mid ahna waxaa la siiyay dadka deegaanka, halka Al-Hussain uu qaatay inta soo hartay. Waqtiga laga soo bilaabo xiriirkooda wuu kobcay.
Zaaiter wuxuu sheegay in Arimat markii dambe uu Al-Hussain, oo si wanaagsan u yaqaanay lahjad Baduween ah, u soo jeediyay inuu iibsado lambar telefoon ajnabi ah oo uu u isticmaalo inuu kula xiriiro shaqsiyaadka Lubnaan isagoo isaga dhigaya "ganacsade muhiim ah oo Sacuudiyaan ah" ama "shaqsi saameyn leh".
Wuxuu intaa ku daray in Arimat uu wici jiray Al-Hussayan markuu la joogo siyaasiyiinta, isaga oo ku dhahaya erayadan: " Salaan amiir Abu Omar," si Al-Hussayan, intii uu wacayo, uu u taageero Arimat oo uu xaqiijiyo inuu haysto"kalsoonida iyo jacaylka Boqortooyada Sacuudiga."
Sida ay sheegtay difaacu, farsamadan ayaa lagu celceliyay siyaasiyiin dhowr ah, oo ay ku jiraan xildhibaano, wasiirro, iyo ra'iisul wasaarayaal hore. Zaaiter wuxuu sheegay in lacagihii la ururiyey muddadaas uu helay Arimat, ee aanay gaarin Hussain, isla markaana xiriirradan ay saameyn ku yeesheen mowqifka mid ka mid ah kutlada baarlamaanka ee ku saabsan magacaabista ra'iisul wasaaraha.
Sida uu qareenka difaaca sheegay, xididdada kiiskan ayaa bilaabmay markii ganacsade doonayay inuu u tartamo doorashooyinka baarlamaanka uu la xiriiray. markii ay arrinti halkaasi mareyso, mid ka mid ah xildhibaanada Akkar ayaa ganacsadaha u soo bandhigay nin loo yaqaan "Abu Omar," waxaana bilowday xiriir dhex mara labada dhinac iyada oo uu ka warqabo Sheekh Khaldoun Arimat. Sida lagu sheegay isla arrintan, Arimat ayaa ganacsadaha u sheegay in "Abu Omar" uu ku taliyay Mustafa al-Hussain, isaga oo u arka inuu yahay shaqsi saameyn leh oo gobolka ka leh saldhig codbixineed oo weyn.
Waqtigaas, ganacsaduhu ma aysan ogeyn in "Abu Omar" iyo Al-Hussain ay yihiin hal qof , maadaama isgaarsiintu ku socotay laba lambar telefoon oo kala duwan: lambar British ah oo uu "Abu Omar" ku hadlayay lahjad Baduween ah, iyo lambar Lubnani ah oo uu Al-Hussain ku hadlayay lahjad Lubnani. Natiijo ahaan, ganacsaduhu wuxuu bilaabay inuu taageero dhaqaale siiyo Al-Hussain si loo qaybiyo dadka deegaanka, isaga oo taas u soo bandhigaya sidii deeq uu ganacsadaha si gaar ah u bixiyay, iyadoo ujeedadu ahayd in la helo taageero codbixineed.
Markii dambe, xildhibaankii la sheegay ayaa isku dayay inuu la kulmo "Abu Omar" intuu joogaayay Sacuudiga, laakiin ma dhicin, isaga oo sheegay inuu joogo meel ka baxsan Boqortooyada, ka dibna uu joojiyay inuu ka jawaabo wicitaannada. Tani waxay ku kalliftay xildhibaanka inuu ganacsadaha ka digtoonaado inuu sii wato xiriirka . Inkastoo digniintaas la bixiyay, xiriirka wuu sii socdday, waxaana la gaaray heshiis ah in lacag dhan $300,000 lagu deeqo hay'ad samafal oo uu madax ka tahay xaaska Arimat.
Difaacu wuxuu sheegay in barta ay wax iska beddeleen ay ahayd intii lagu guda jiray kulan dhex maray ganacsadaha iyo Al-Hussayan, markii ganacsaduhu go'aansaday inuu wicitaan muuqaal ah ku sameeyo "Abu Omar" si uu u ogeysiiyo inuu Al-Hussayan joogo oo uu lacagta heli doono. Xilligaas, Al-Hussayan ayaa si qalad ah u isticmaalay telefoonka, isagoo ka saaray aaladda ku xiran lambarka British-ka, taasoo shaaca ka qaaday in uu dhab ahaantii yahay qofka ka dambeeyay shakhsiyadda "Abu Omar."
Sida uu qareenka Youssef Zaaiter sheegay, ganacsaduhu wuxuu markaas Al-Hussain geeyay meel cidlo ah, halkaasoo lagu garaacay lagana duubay qirashooyin iyada oo lo hanjabayo , ka hor inta aan loo dhiibin Sirdoonka Ciidanka Milatariga Lubnaan.













