Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalka Baydhabo. Yaa dagaallamaya, muxuuse salka ku hayaa?

Baydhabo

Xigashada Sawirka, Shabelle Media Network

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Saaka waxaa mar kale uu dagaal dib uga qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay. Inkastoo ay go'an tahay isgaarsiinta magaalada, haddana ilo wareedyo xog ogaal u ah dagaalka waxay BBC u xaqiijiyeen inuu jiro khasaare.

Khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyey ayaa ah mid soo gaaray dadka rayidka ah ee dagaalka ku lug lahayn, waxayna wararku sheegayan in in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur la geeyey xarumaha caafimadka ee magaalada.

Labada dhinac ee dagaallamaya oo kala ah maleeshiyooyin hubaysan iyo ciidanka dawlad goboleedka koofur galbeed ayuusan midkoodna ka hadlin sababta dagaalka iyo khasaaraha soo kala gaaray.

Sidee ku billowday dagaalka uguna xuubsiibtay mid weyn

Shalay barqadii ayuu dagaalka ka socda magaalada Baydhabo ka billowday meel aan ka fogeyn suuqa xoolaha oo ku yaalla duledka waqooyi ee magaalada sida ay BBC u xaqiijiyeen dad xog ogaal ah.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay inuu ku billowday khilaaf ka billoday dhul dawladeed oo u dhow suuqa xoolaha, kaasoo dadkii deganaa lagu amray inay ka guuraan. Laakin ilo wareedyada ay BBC la xiriirtay ayaa sheegaya in dad deganaa dhul aan ahayn midka la amray in laga kaco ay ka ashtakoodeen in lagu soo fiday oo lagu darsaday dhulkooda midkii la amray in la jebiyo, sidaasna uu ku billowday dagaalka.

Gacan ka hadalka ayaa keenay in laga itaal roonaaday dadkaas is bahaystay, waxayna firxadkooda gaareen meel magaalada koofurteeda ah, halkaasoo ay gabaad ka heleen sarkaal milateri oo ciidan isaga ka amar qaata ku haysta.

Ilo wareedyada xog ogaalaka ah waxay BBC u sheegeen in sarkaalkaas iyo ciidanka maamulka koofur galbeed ay isku khilaafeen dhiibitaanka shaqsiyaadkii soo magan galay sarkaalkaas, ka dibna uu halkaas dagaal culus ku dhex maray.

Sarkaalka iyo ciidankiisa ayey wararku sheegayaan in la riixay oo laga saaray fariisinkoodii, waxayna gabaad ka raadsadeen miliiishiyo hubaysan oo ka amar qaadata mid ka mid ah wasiirrada dawladda federaalka oo hore uu khilaaf ugala dhaxeeyey madaxweynaha koofur galbeed Cabdi Casiis Lafta gareen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dagaalka ayaa ku fiday meel u dhow bartamaha magaalada, waxayna labada dhinac isku isticmaalayeen hub culus, ayadoo isgaarsiintana la jaray.

Xalay gabbal dhicii ka dib ayuu dagaalku yara qaboobay, hase yeeshee waxay ilo wareedyo xog ogaal ah u sheegeen BBC in saaka mar kale uu dib uga qarxay meel aan ka fogeyn iskuulka bartamaha.

Khasaaraha oo laga cabsi qabo inuu sii bato waxaa dadka rayidka ah u sii dheer ayagoo aan waxba iibsan karin isgaarsiinta oo go'an darteed, maadaama ay aad ugu tiirsan yihiin lacagaha laga diro telefoonnada gacanta.

Waxaa kale oo horeba magaalada uga jiray biyo yari, ayadoo ay hadda adag tahay in biyo la dhaansado, gaar ahaan xaafadaha uu dagaalku saameeyey.

Meelo ka mid ah xaafadaha uu dagaalku ka socdo ayaa laga soo sheegay in ay dadku ka qaxeen, ayagoo u cararay meelaha nabdoon ee ka fog aagagga dagaalka.

Dhinacyada dagaallamaya oo uu ku jiro maamulka koofur galbeed weli kama hadlin dagaalka baydhabo ka socda maalintii labaad.