TOOS, Trump oo soo rogay cashuuro cusub kadib markii Maxkamadda Sare diiday cashuurihiisa caalamiga ah ee soo dejinta

Halkan kala soco tabinta tooska ah

Tebin toos ah

War deg deg ah, Trump oo ka hor yimid go'aanka maxkamadda sare cansuuro cusubna soo rogay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo rogay cashuur cusub oo 10% ah oo caalami ah si uu u beddelo kuwa Maxkamadda Sare horey u joojisay, isagoo go’aankaas ku tilmaamay “mid xun” isla markaana garsoorayaasha diiday siyaasaddiisa ganacsi ugu yeeray kuwo “doqonn” ah.

Madaxweynaha ayaa qorshahan shaaca ka qaaday isla markiiba ka dib markii garsoorayaashu joojiyeen inta badan cashuurihii caalamiga ahaa ee Aqalka Cad ku dhawaaqay sanadkii hore.

Go’aanka Maxkamadda, oo ahaa 6-3, wuxuu muujiyay in madaxweynaha uu ka tallaabay awooddiisa.

Go’aankan wuxuu guul weyn u ahaa ganacsiyada iyo gobolada Maraykanka ee ka soo horjeeday cashuuraha, isagoo albaabka u furey suurtogalnimada in balaayiin doollar oo cashuur dib loo celiyo, isla markaana abuuray hubanti la’aan cusub oo ku saabsan ganacsiga caalamiga ah.