Xanuun dad badan ay la dhibban yihiin oo la ogaaday in soonku uu wax weyn ka taro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labadii sano ee u dambeeyay, hadal hayn badan ayaa ka jirtay warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan 'insulin resistance' (caabbinta insulinta). Buugaag dhowr ah ayaa laga qoray mawduucan, halka barnaamijyada sida YouTube laga sameeyay kumannaan muuqaal oo ka hadlaya jimicsiga iyo cuntooyin gaar ah; kuwaas oo dadka sameeyay ay sheeganayaan in haddii la raaco cuntooyinkaas ama jimicsiyadaas, caabbinta insulinta la daweyn karo ama saamaynteeda la yareyn karo.
Mid ka mid ah sababaha uu ereygani caanka u yahay ayaa ah in caabbinta insulintu ay jirka bini'aadamka ku keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo qallafsan, oo uu ka mid yahay xanuunka macaanka ee nooca 2-aad.
Warbixintan, waxaan isku dayi doonnaa inaan ogaanno waxa ay tahay 'insulin resistance', maxay yihiin astaamaheeda caanka ah, iyo ma lagu xakameyn karaa ilaa xad iyadoo la isticmaalayo soonka?
Waa maxay insulin?
Insulintu waa mid ka mid ah hormoonnada ugu muhiimsan jirka bini'aadamka. Xubin muhiim ah oo jirkeenna ku jirta waa ganaca, kaas oo shaqadiisa ugu weyni tahay inuu soo saaro insulinta uu jirkeennu u baahan yahay.
Shaqada ugu weyn ee insulintu waa inay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga ee jirkeenna. Jirkeennu wuxuu u kaydiyaa insulinta sidii il tamar laga helo.
Haddii uusan ganacu soo saarin xaddiga saxda ah ee insulinta ee jirku u baahan yahay, ama uu soo saaro wax aad u yar, ama haddii jirku awoodi waayo inuu si habboon u isticmaalo insulinta uu ganacu soo saaray, waxaa dhalan kara dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu insuliinku ugu shaqeeyo jirkeenna:
- Cunto kasta oo aan cunno, jirkeennu wuxuu u beddelaa gulukoos (glucose), gulukoostaas ayaana ah isha ugu muhiimsan ee tamarta jirkeenna.
- Heerka xiga, gulukoostan waxay gashaa qulqulka dhiigga, waana marka uu ganacu soo daayo insuliinta uu jirku u baahan yahay.
- Insuliintan waxay ka caawisaa gulukoosta ku jirta dhiigga inay gasho unugyada muruqa iyo beerka, si loogu isticmaalo tamar degdeg ah ama loo kaydiyo isticmaalka dambe.
- Marka ay gulukoostu gasho unugyada jirka, heerkeeda dhiiggana uu hoos u dhaco, taasi waxay calaamad u tahay ganaca si uu u joojiyo soo deynta insuliin dheeraad ah.
- Sawirka molecule-ka insuliinta: Insuliintu waa hormoon borotiin ah oo laga soo saaro ganaca, kaas oo nidaamiya shiidka ee kaarbohaydraytyada, borotiinnada, iyo dufanka. Waxayna tan ku samaysaa iyadoo dhiirigelinaysa in unugyada beerka, unugyada muruqa qalfoofka, iyo unugyada baruurtu ay gulukoosta ka nuugaan dhiigga.
Soonka Ramadan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bisha Ramadaan ayaa dhowaan si rasmi ah u bilaabatay, waxaana Muslimiin badan ay si joogto ah u soomaan inta lagu jiro bishan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si kastaba ha ahaatee, khubarradu waxay ku talinayaan in dadka qaba cudur ama xaalad caafimaad ay la tashadaan dhakhtarkooda ka hor inta aysan bilaabin soonka.
Professor Wasim Hanif, oo ah khabiir ku takhasusay cudurka macaanka kana tirsan Isbitaalka Jaamacadda Birmingham ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in dadka gaar ahaan qaba macaanka ay la tashadaan dhaqtarkooda ka hor soonka.
"Haddii aad qabto macaanka, soonku wuxuu kuu noqon karaa mid khatar ah, wuxuuna sababi karaa dhibaatooyin kale oo caafimaad," ayuu yiri.
Sida uu sheegay, daraasado caafimaad qaarkood ayaa muujinaya in soonku uu hagaajin karo dareenka insulin-ka, gaar ahaan dadka qaba macaanka nooca labaad ama kuwa leh caabbinta insulin-ka.
Intaa waxaa dheer, dadka qaarkood waxay la kulmi karaan miisaan dhimis ama yareynta dufanka jirka inta lagu jiro bisha soonka, isbeddelladanna waxay saameyn karaan sida jirku uga falceliyo insulin-ka iyo hab-socodka dheef-shiidka, gaar ahaan dadka cayilan.
Wuxuu intaas ku daray in saameynta soonka Ramadaanku ku leeyahay caabbinta insulin-ka ay ku kala duwanaan karto qof ilaa qof, iyadoo lagu saleynayo da'da, jinsiga, xaaladaha caafimaad, caadooyinka cuntada, iyo heerka dhaqdhaqaaqa jirka ee qofka.
"Waa muhiim in dadka sooman inta lagu jiro Ramadaanka, gaar ahaan kuwa qaba macaanka, ay si joogto ah ula socdaan xaaladdooda caafimaad oo ay la xiriiraan dhakhtarkooda si ay ugu soomaan si caafimaad iyo badbaado leh."
Haddii aad soonto si goos-goos ah ama si joogto ah inta lagu jiro Ramadaanka, qaadashada caadooyin cunto oo caafimaad leh waa arrin muhiim ah si loo ilaaliyo caafimaadka guud, ayay tiri Reem Al-Abdallah, oo ah nafaqeeye ku sugan Cumaan.
Dr. Nitin Kapoor waa borofisar ku takhasusay endocrinology (xanuunada hormoonnada sida sonkorowga, buurnaanta, iyo tayroodh) ee Isbitaalka Jaamacadda Christian Medical College ee gobolka Tamil Nadu ee Hindiya.
Waxa uu sheegay in cilmi-baarisyo caafimaad qaarkood ay muujinayaan in soonka maalmo qaar la soomo uu leeyahay faa'iidooyin caafimaad, balse waxa uu sidoo kale ka digay in aanu qof kasta ku habboonayn.
Waxay ku weydiiyaan su'aasha ah, "Ma soomi kartaa si joogto ah inta noloshaada ka hartay?" "Waxaa laga yaabaa inaad lumiso xoogaa miisaan ah markaad tan sameyso muddo, laakiin isla markaad joojiso soonka joogtada ah, kororka miisaanku wuxuu noqon doonaa mid aad uga weyn sidii hore."
Dhinaca kale, Professor Joseph waxa uu sheegay in cilmi-baarista caafimaadku ay weli socoto arrinta soonka joogtada ah ama gaajada, balse cilmi-baarisyada la hayo ayaa muujinaya in haddii la sameeyo ay gacan ka geysan karto hagaajinta dareenka insulin-ta ee jirka.













