Maxay ku kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo kan kirshtanka ee isku soo beegmay sanadkaan?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Soonka bisha Ramadaan waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, taasoo ku waajib ah qof kasta oo muslim ah oo qaangaar ah, miyir qaba, caafimaadkiisu taam yahay.

Sida Islaamka, dadka raacsan diimaha kale, sida Masiixiyadda, sidoo kale way soomaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira farqi u dhexeeya soonka Muslimka iyo Masiixiyiinta.

Culumo badan ayaa sheegay in waxyaabaha lagu kala duwan yahay ay ka mid yihiin in Muslimiintu ay soomaan 29 ama 30 maalmood, sida uu xaqiijiyey xadiis ka sugnaaday Rasuulka (NNKH) in bisha Islaamku ay tahay 30 ama 29 maalmood, sidaas darteed soomku wuxuu noqon karaa 30 ama 29 maalmood.

Laakin xogtu waxay sidoo kale muujineysaa in sidaas aysan ka jirin diinta Kirishtaanka oo soomkoodu uu ku egyahay 40 maalmood, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in Nebi Ciise (CS) uusan wax cunin 40 maalmood, xilligaasoo la sheegay in uu sadaqeystay oo uu ku tukaday.

Ustaz Murtala Muhammad Gusau oo ah imaamka Masjidka Jimcaha ee magaalada Okenen ee gobolka Kogi ee dalka Nigeria, isla markaana ah madaxa xarunta waxbarashada iyo faafinta diinta Islaamka ee Okene, ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ay aad ugu kala duwan yihiin soonka muslimiinta iyo soonka Masiixiyiinta iyo xitaa Yuhuuda.

"Soonku waa cibaadada Alle iyadoo laga fogaanayo cuntada, cabitaanka iyo galmada, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca."

Sannad kasta bisha Ramadaan, Muslimiinta caalamka waxay soomaan 29 ama 30 maalmood, taasoo ka duwan soonka 40-ka maalmood ee Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.

Soonka kirishtanka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrinta soonka Masiixiyiinta, Reverend Joseph John Hayab, oo ah guddoomiyaha ururka Kiristaanka ee Nigeria, laantiisa gobolka Katsina, ayaa BBC u sheegay in Kitaabkoodu uu dhigayo inay soomaan.

Waxa uu sheegay in soonku uu qayb weyn ka yahay diinta Kiristaanka, balse uu jiro farqi u dhexeeya sida Masiixiyiinta iyo Muslimiinta sida ay u soomaan.

"Farqiga u dhexeeya Soonka Masiixiyiinta iyo diimaha kale waa in aan maalin walba soono si aan u helno xoog badan oo aan ku raadinno nimcooyinka Eebbe ee nolosheena."

"Ma hayno waqti gaar ah oo aan ku soomi karno sida Islaamka, ee bisha Ramadaan," ayuu yiri Reverend John.

"Masiixiyadda haddii aad dooratid inaad soonto, waxay ku xiran tahay sida aad u qorsheyso, uma sameyneyno sida dadka muslimiinta ah ee waqti go'an oo sax ah ama afur ah, markaad casho cuntid oo aad seexato, waxaad soo toosaysaa soonkaaga oo nadiif ah, waxaadna dooran kartaa markaad rabto inaad afurto," ayuu yiri.

"Waxaan dhihi lahaa inta badan Masiixiyiinta umma soomaan noocaan oo kale, laakiin sida Catholics iyo Anglicans iyo kuwa kale, waxay soomaan waqtiyada Lent ga iyo soonka," ayuu yiri.

Sida Lent iyo Ramadan ay ku kala duwan yihiin?

Lent ayaa socda ilaa 40 maalmood, laga bilaabo 14ka February ilaa 30-ka March. Dadka Kirishtaanka ah ma soomaan maalinta Axadda. Dhanka kale, Ramadan ayaa hal bil socda, wuxuuna noqon karaa 29 ama 30 maalmood, iyadoo lagu saleynayo kalendarka Islaamka.

Qaabka soonka:

Inkastoo labadanba uu soon ku lug leeyahay, haddana qaabka ayaa kala duwan. Soomidda bisha Ramadan waxay ka mid tahay afarta tiir Islaamka, waana tiirka afaraad.

Tiirarka kale waa iimaanka, salaadda, sakada iyo xajka.

Soomidda Ramadan ayaa micnaheedu yahay cibaado. Muslimiinta ayaa cuna suxuur kahor salaadda subax.

Inta maalinta lagu guda jiro, looguma talogalin Muslimiintu inay wax cunaan amaba ay wax cabaan xitaa biyo amaba ay galmo sameeyaan, marka maqrib la gaaro waxay cunaan cunno la dhoho afur.

Si kastaba, Muslimiinta qaar ayaa laga dhaafay soonka, hase yeeshee ay dib kasoo gudi karaan. Tan waxay inta badan quseysaa haweenka uurka leh amaba naas-nuujinaya, kuwa caadadu u joogto, dadka xanuunkan ee soonku caafimaadkooda saameynayo amaba dadka safraya. Taas beddelkeed, waxaa loo oggol yahay inay soomaan isla tirada maalmihii ay soonka dhaafeen amaba ay quudiyaan qof sabool ah.

Balse soonka Lent, dadka Masiixiyiinya ayaa sooma mid u dhow kan Muslimiinta. Waxaa keliya soomi kara dadka sida adag u aaminsan diintaas. Dadka soomaya ayaa loo oggol yahay inay cunaan hal mar cunno culus.

Waxaa sidoo kale ka mamnuuc ah cunidda hilibka, balse kalluunka iyo noocyada kale ee hilibka ayaa la cuni karaa.

Waxaa sidoo kale iyagana looga baahan yahay inay sameeyaan acmaal sida ay fareyso diintooda.