Sidee isaga ilaalin kartaa gaajada iyo haraadka inta lagu jiro soonka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo

Marka la gaadho bilowga bisha Ramadaan, Muslimiinta ku nool daafaha dunida Islaamka waxay bilaabaan cibaadada soonka, taas oo ah mid ka mid ah tiirarka diinta Islaamka, isla markaana u baahan in laga soomo cuntada iyo cabbitaanka laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca bisha oo dhan.

Inkasta oo soonku leeyahay faa'iidooyin caafimaad, haddana qaar ka mid ah dadka ayaa la kulma dhibaato ku saabsan la qabsiga isbeddelka degdegga ah ee caadooyinkooda cunto inta lagu jiro bisha, halka qaar kalena ay dareemaan daal iyo tabar-darro ka dhalata ka fogaanshaha cuntada iyo cabbitaanka muddooyin dheer. Mararka qaarkood arrintan waxaa la socon kara dhibaatooyin caafimaad sida kuwa qaba sonkorowga ama dhiig-karka.

Qoraalkan, waxaan ku iftiiminaynaa talooyin muhiim ah oo ay soo jeediyaan khubarada nafaqada si loo helo soon caafimaad leh. BBC Af-Carabi ayaa la hadashay dad dhowr ah si loo soo bandhigo waayo-aragnimadooda gaarka ah oo laga yaabo inay dad badan ka caawiso qorsheynta sida ay u qaadanayaan waqtigooda bisha Ramadaan, iyadoo ay barbar socdaan khubarada nafaqada oo soo jeedinaya hababka iyo xeeladaha ugu waxtarka badan ee la raaco si loo helo caafimaad wanaagsan.

Maxaa la gudboon in la cuno ama laga fogaado marka la joogo suxuurta?

Quraan akhris

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qofka sooman wuxuu bilaabaa maalintiisa koowaad cuntada suxuurta, waxa uu halkaas ku doorto inuu cuno ayaana go'aaminaya inta uu dareemi doono ama uusan u dareemi doonin daal, harraad ama gaajo inta uu sooman yahay.

Khabiirka nafaqada Faadi Cabbaas wuxuu ku talinayaa in la raaco talooyinkan si loo helo soon fudud, jidhka oo aan si fudud u qalalin, iyo faa'iido caafimaad oo weyn:

Cabbaas wuxuu yiri: "Suxuurta waa in diiradda la saaraa cuntooyinka qiyaastii boqolkiiba 70 ka kooban biyo, cuntadana waa in loo cunaa saddex marxaladood oo u dhexeeya mid kasta shan daqiiqo. Waxaa lagu bilaabaa saxan salad ah (gaar ahaan qajaar, saladh cagaaran iyo kabsar), iyo hal nooc oo cunto ah oo aan cusbo badan lahayn, maadaama cuntooyinka cusbada leh sida farmaajada iyo lawska, inkastoo ay nafaqo badan leeyihiin, haddana ay jidhka ka dhigaan inuu u baahdo biyo badan saacado yar ka dib.

Wuxuu intaas ku daray: "Marxaladda labaad waxaa la qaataa sonkor dabiici ah, sida laba xabbo oo miro biyo badan leh (tusaale ahaan istaroobari, qaraha ama liin macaan) ama koob casiir dabiici ah, ka dibna cuntada waxaa lagu soo gabagabeeyaa cabitaanka biyo."

Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Ingiriiska wuxuu ku talinayaa in laga fogaado shaaha iyo qaxwaha maadaama ay kordhiyaan kaadida oo ay ku jiraan kafeyn (gaar ahaan dadka qaba dhibaatada kaadi baxa aan la xakamayn). Luminta dareeraha jidhka waxay keentaa in loo baahdo in la magdhabo, waxaana dhici kara qalayl sababa madax-xanuun, cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, dhibaatooyin kelyaha ah iyo kuwo kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haddaba sidee looga fogaadaa dhibaatooyinkan? Maxaase laga sameeyaa dareenka daalka ama caajiska ka dib afurka?

Miisaska Ramadaanka iyadoon loo eegin heerka dhaqaale ee qoys kasta — waxay caan ku yihiin kala duwanaanta cuntooyinka maalin kasta, taas oo ka dhalata caadada ah in qaraabada iyo derisku isu dhiibaan cuntooyin kala duwan inta lagu jiro bisha. Sidaas darteed qofku wuxuu cuni karaa wax ka badan inta uu u baahan yahay, wuxuuna dareemaa waxyeellada arrintaas wax yar ka dib marka uu dhammeeyo afurka.

Waxaa bilaabma dhibaatooyin sida calool-xanuun, dareen buux-dhaaf ah, caajis iyo rabitaan hurdo, iyo waxyaabo kale. Qaar ka mid ah dadka ayay arrintu uga sii dari kartaa, gaar ahaan haddii ay keento korodhka cadaadiska dhiigga ama sonkorta dhiigga.

Sida uu sheegay Faadi Cabbaas, maalmaha ugu horreeya ee soonka ayaa ah kuwa ugu adag, sababtoo ah jidhku wuxuu bilaabaa inuu u adeegsado dufanka il tamar ahaan kaddib afar maalmood oo soon ah.

Cabbaas wuxuu ku talinayaa in afurka sidoo kale loo qaato saddex marxaladood, iyadoo u dhexeysa mid kasta lix daqiiqo, sida suxuurta oo kale. Sababtu waa in maskaxdu u baahan tahay 18 daqiiqo si ay u hesho calaamadda dheregga.

Wuxuu yiri: "Marxaladda koowaad waxaa lagu talinayaa in la cabo hal koob oo biyo ah, saddex jeer oo yar-yar, iyadoo la fadhiyo. Lix daqiiqo ka dib, waxaa la qaataa sonkor dabiici ah si jidhka loogu celiyo tamartii uu waayay inta lagu jiray soonka, sida timir ama casiir midho cusub."

Wuxuu sii raaciyay: "Marka la sugo lix daqiiqo kale, waxaa lagu talinayaa in la bilaabo saxan salad ah oo si fiican loo jarjaray si aan caloosha loo culaysin. Fiber-ka ku jira khudaarta aad ayuu muhiim ugu yahay helitaanka fitamiinnada iyo ka hortagga calool-fadhiga."

Intaas ka dib, waxaa la cunaa hal ama laba nooc oo cunto ah ugu badnaan, kuwaas oo ka kooban borotiin iyo karbohaydrayt.

Tusaale ahaan, baradho, bariis, baasto, rooti iyo cuntooyinka cajiinka ah dhammaantood waa karbohaydrayt, sidaas darteed waa in la doortaa hal nooc oo keliya oo ka mid ah, laguna daro hal nooc oo borotiin ah (sida digirta, ukunta, hilibka aan baruurta lahayn ama caanaha), iyadoo la tixgelinayo waqtiga calalinta oo u dhexeeya 30 ilbiriqsi cunto jilicsan iyo 60 ilbiriqsi cunto adag sida hilibka iyo lawska.

Inkasta oo jidhku aad ugu baahan yahay biyo, haddana cabitaanka biyo badan hal mar iyo si khaldan loo cabo waxay saameyn ku yeelan kartaa shaqada mindhicirrada iyo kelyaha. Sidaas darteed waa in la raaco hab caafimaad leh: lama cabbo wax ka badan laba koob oo biyo ah hal mar ka hor inta aan saacad laga gaarin afurka, mana habboona in la sugo ilaa la dareemo harraad. Waa in la cabaa biyo saacad kasta ama saacad iyo bar kasta, xitaa haddii loo baahdo in la sameeyo digniin ku xasuusisa waqtiga cabitaanka biyaha, sida uu ku talinayo Cabbaas.

Afur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma haweenku ma uga samir badan yihiin ragga dhanka soonka?

Ma aha qof walba mid ku fiican ka fakarka iyo qorshaynta hore ee bishan. Qaar badan ayaa aad u dhibtooda sababtoo ah isbeddel degdeg ah oo ku yimaadda caadooyinka cuntada iyo kuwa bulsho, taas oo keenta dhibaatooyin saameeya xiriirkooda bulshada iyo tayada shaqadooda, sida ku dhacday labada walaal ee Saciid iyo Cusmaan Yuusuf oo ka shaqeeya dhismaha magaalada Xalab.

Saciid wuxuu yidhi: "Inkasta oo aan ogahay in aan bisha barakaysan ku sabro oo aan dulqaad yeesho, haddana marka la gaadho duhurnimada waxaan noqdaa qof xanaaq badan. Ma xakameyn karo dabeecaddayda, mararka qaarna waan ku qayliyaa shaqaalaha, dabadeed waan ka qoomameeyaa oo waan ka raalli gelinayaa, balse arrintu marar badan ayay igu soo noqnoqotaa."

Walaalkiis Cusmaan wuxuu yidhi: "Maalmaha ugu horreeya waan u adkeysan karaa gaajada, laakiin toddobaad ka dib waxaan dareemaa harraad daran oo madax-xanuun igu keena, markaasna waxaan noqdaa qof aan la qaadi karin, mana awoodo inaan xakameeyo xanaaqayga."

Dhibaatadan kuma koobna Saciid iyo Cusmaan oo keliya, balse rag badan ayay ku dhacdaa. Sidaas darteed waxaa habboon in la raaco talooyinka khubarada nafaqada, maadaama cuntada aad cunaysaa ay door weyn ku leedahay dabeecaddaada.

Arrintan ayuu ka hadlay Maxamed Faayid, oo ah khabiir cilmiga cuntada iyo nafaqada ah oo ku sugan Marooko. Wuxuu yiri: "Guud ahaan haweenku way ka adkaysi badan yihiin soonka marka loo eego ragga, sababtoo ah boqolkiiba baruurta jidhkooda ayaa ka badan tan ragga, halka raggu ay leeyihiin murqo ka badan kuwa haweenka."

Sida uu sheegay Faayid, arrintani waxay leedahay sababo cilmiyeed oo la xidhiidha hoormoonnada; qaar ayaa firfircoon haweenka, qaarna ragga.

"Hoormoonka istaroojinku wuxuu ka caawiyaa haweenka inay u adkaystaan gaajada oo ay muddo dheer ku sii nagaadaan xaalad deggan, taas oo ka caawisa inay ka adkaadaan kacsanaanta iyo welwelka. Halka hoormoonka tistostiroonku ee ragga uu kordhiyo dareenka xanaaqa, walbahaarka iyo diiqadda."

Faayid wuxuu intaas ku daray: "Jidhka haweeneydu guud ahaan wuxuu u baahan yahay cunto ka yar tan ninka. Cunista badan ee hilibka, digaagga iyo farmaajada waxay kicisaa soo saarista hoormoonno saameeya xaaladda neerfaha, maadaama istaroojinku la falgalo kolestaroolka. Sidaas darteed hilibka badan wuxuu kordhiyaa kolestaroolka, taas oo keenta kacsanaan iyo xanaaq."

Haweeneyda shaqaysa

Hooyo iyo gabadheeda oo xijaaban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guud ahaan, dalalka bariga, raggu waxay u janjeeraan dhaqdhaqaaq badan marka loo eego haweenka, sababtoo ah nooca shaqadooda ama mas'uuliyadaha ka baxsan guriga. Tani waxay ka dhigan tahay inay lumiyaan tamar iyo kalooriyo ka badan haweenka. Hase yeeshee xaaladdu way ka duwan tahay haweeneyda shaqaysa, oo dusha ka saaran yihiin masuuliyado waaweyn sida daryeelka carruurta, hawlaha guriga iyo shaqada dibadda. Xaaladdan, waxay la mid noqotaa ninka, mararka qaarna xitaa dadaal labanlaab ah ayay bixisaa.

Faayid wuxuu aaminsan yahay in nooca cuntadu uu si toos ah u saameeyo niyadda qofka. Dadka cuna hilib badan waxay u janjeeraan inay noqdaan kuwo kacsan oo walbahaar badan marka loo eego dadka cuna khudradda oo keliya.

Wuxuu sheegay in haweeneyda cunta qaddarka hilibka iyo farmaajada ee uu cuno ninku ay la kulmi karto isla xaaladaha xanaaqa iyo kacsanaanta ee ragga ku dhaca.

Jimicsiga… goorma ayaa ugu habboon?

Salaadda taraawiixda looma tixgeliyo jimicsi ku filan oo jidhka ka saara kalooriyada dheeraadka ah sida ay qaar u malaynayaan. Sidaas darteed waa in la sameeyaa jimicsi kordhiya garaaca wadnaha, sida ay ku talisay khabiir nafaqada oo ku sugan London, Aysun Kafang.

Waxay tidhi: "Calooshu waa inay si buuxda ugu nasataa dheefshiidka ka hor inta aan la bilaabin jimicsi, taas oo macnaheedu yahay in la bilaabo ugu yaraan saddex saacadood ka dib afurka."

Waxay intaas ku dartay: "Maalmaha ugu horreeya waa in aan jidhka la culaysin, lana sameeyo jimicsi fudud sida socodka, qaadista miisaan yar oo guriga yaal ama kor u kaca jaranjarada dhowr jeer, ka dibna maalin kasta si tartiib ah loo kordhiyo muddada ilaa laga gaadho heer ku habboon awoodda iyo caafimaadka qofka."

Kafang waxay sharraxday muhiimadda biyaha iyo doorkooda weyn ee ilaalinta caafimaadka guud, gaar ahaan bisha Ramadaan. Waxay si xooggan ugu talisay in la cabo qaddarka biyaha ee lagu taliyay iyadoo loo eegayo da'da qofka, lagana fogaado cabitaannada kaarboonaysan iyo kuwa sonkorta lagu daro, laguna beddelo cabitaanno dhir ah sida shaah cagaaran iyo kuwo kale oo si ballaaran looga helo dunida oo dhan.

Qorshaynta sida waqtiga loo qaato inta lagu jiro soonka

Anqaam, oo ah haweeney guri-joog ah oo leh laba carruur ah kuna nool magaalada Riyaad ee Sucuudiga, waxay aaminsan tahay in qorshaynteeda hore ee bisha Ramadaan ay uga dhigto bishan mid ay ku horumariso caafimaadkeeda, ku kobciso xirfadaheeda, isla markaana ku dareento qanacsanaan nafteeda ah.

Waxay u sheegtay BBC: "Waxaan bilaabay soon kala go'an toddobaad ka hor inta aan la gaadhin Ramadaan, sababtoo ah sidaas ayaan jidhkayga ugu diyaariyaa inuu u adkaysto gaajada, isla markaana uga hortagaa isbeddel degdeg ah oo ku yimaadda nidaamkayga maalinlaha ah inta lagu jiro Ramadaan."

Waxay intaas ku dartay: "Sannad kasta waxaan is hor dhigaa yool aan doonayo inaan gaadho. Sannadkan waxaan qorsheeyay inaan Qur'aanka dhammeeyo laba jeer inta lagu jiro bishan, isla markaana aan carruurtayda xifdiyo qaar ka mid ah aayadaha Qur'aanka, anigoo isla mar ahaantaana daryeelaya carruurtayda oo ku mashquulsan waajibaadka guriga. Sidaas ayuu waqtigu ku dhaafaa anigoon dareemin."

Naadiya, oo ah gabar 25 jir ah kuna nool magaalada Caqaba ee Urdun, waxay tidhi: "Waxaan gaajada iyo haraadka kula dagaallamaa akhriska. Sidaas darteed waxaan waqtigayga ku qaataa akhrinta dhammaan buugaagta iyo sheekooyinka aan dib u dhigtay, sidoo kalena waxaan daawadaa qaar ka mid ah barnaamijyada telefishinka, waxaanan horumariyaa xirfaddayda luqadda Ingiriisiga. Sidaas darteed ma jiro waqti firaaqo ah oo igu kallifa inaan ka fikiro harraad ama gaajo."