Maxaa ka jira warka la xiriira caafimaad darrada madaxweynaha Imaaraatka ee faafay?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa soo afjaray xanta ku saabsanayd caafimaadkiisa, isagoo soo saaray fariin uu ku muujinayo curashada bisha Ramadaan iyo sanadka cusub.

Farriintaan ayaa ku soo aaday iyadoo maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada ay soo baxayeen warar sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneyso iyo xitaa war ku saabsan geeridiisa.

Hadal heynta ayaa sii xoogeysatay markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa Imaaraadka, sababo lagu sheegay dhibaato caafimaad oo soo wajahday hogaamiyaha Imaaraatka, inkastoo Madaxtooyada Turkiga ay saacado ka dib tirtirtay hadalkaas.

Akoonada qaar ee Sacuudiga ayaa sidoo kale faafiyay warar xan ah oo ku saabsan suurtagalnimada dhimashada Maxamed Bin Zayid, wararka xanta ah ayaa lagu sii xoojiyay xiisadda warbaahinta ee dhawaanahan u dhaxeysay labada dal, gaar ahaan ka dib is-beddellada ka socda Yemen iyo dadaallada Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta ee uu Imaaraadku taageerayo ay ku doonayaan inay ku maamulaan koonfurta dalka.

Warbaahinta gobolka ayaa ka dhawaajisay hadal heynta ku saabsan "dhibaatooyin caafimaad" oo la sheegay in ay la soo darseen madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Turkiga booqashadiisa Imaaraadka dib loo dhigay isla sababtaas.

Birgun, oo ah wargeyska garabka bidix, ee taageera mucaaradka, ayaa soo xigtay, isagoo soo xiganaya bayaan ka soo baxay agaasinka isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, in safarka dib loo dhigay sababo la xiriira "dhibaatooyinka caafimaad ee hoggaamiyaha Imaaraatka", iyo in Recep Tayyip Erdogan uu rajo ka muujiyay soo kabashada degdegga ah ee Al Nahyan khadka taleefanka ee labada hoggaamiye.

Warbaahinta dowladda iyo tan taageerta dowladda ayaa u muuqata inay tirtirtay warbixintoodii ku saabsaneyd Erdogan oo Al Nahyan u rajeeyay "soo kabasho degdeg ah", taasoo sheegtay sababta dib u dhigista safarka in ay ahayd caafimaadka Al Nahyan.

Baaritaan lagu sameeyay Newsweek iyo Google ayaa daaha ka qaaday warbixino cinwaan looga dhigay "Erdogan waxa uu Al Nahyan u rajeynayaa soo kabasho degdeg ah." Si kastaba ha ahaatee, warbixinnadan ayaa u muuqda in la tirtiray ama la tafatiray, iyada oo cinwaanadooda iyo qoraalladooda la beddelay si tafaasiishaas looga tago.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, wargeyska dowladda taageera ee Kalıkum ayaan u muuqan mid wax ka bedelay warbixintiisa, isagoo sheegay in Erdogan uu dib u dhigay booqashadiisa Imaaraadka sababo la xiriira dhibaatooyinka caafimaad ee Al Nahyan. Wargeysku waxa kale oo uu daabacay sawir (hadda la tirtiray) qoraal ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada oo lagu baahiyey barta X.

Si kastaba ha ahaatee, hadalladan hadaladaan hadda kama muuqdaan bogaga Twitter-ka Recep Tayyip Erdoğan, agaasinka isgaarsiinta ee madaxtooyada iyo Burhanuddin Duraan, oo ah agaasimaha isgaarsiinta, taa beddelkeedana waxay sheegeen in madaxdu ay khadka taleefanka kaga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Isgaarsiinta Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirka uu dib u dhacay, isla markaana madaxda ay isku afgarteen in la qabto waqtiga ugu dhow.

Websaytka Carabiga ee wargeyska Zaman ee Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Giriiga uu "ku raacey Turkiga" oo uu joojiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Abu Dhabi ka dib markii laga walaacay caafimaadka Al Nahyan.