Ramadan 2026: Talooyin muhiim ah oo qofka soomman ka caawinaya inuu helo nafaqo iyo cunno isku dheellitiran

Ramadan

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC Somali
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Bisha barakaysan ee Ramadaan, Muslimiin badan oo adduunka dacalladiisa jooga ayaa sooma saacadaha maalintii. Si aad u hubiso inaad dareento caafimaad inta aad ka soomman tahay cuntada iyo cabitaanka, waxaa muhiim ah inaad ka taxadarto waxyaabaha aad quudanayso ka hor iyo ka dib soomista.

Suxuurta, oo ah cuntada la cuno waaberiga ka hor, waa inaad tamar badan ka hesho karbohaydraytyada aan la sifayn. Sidoo kale marka aad afurayso, waxaa muhiim ah inaad badsato cuntooyinka ku dharjinaya ee nafaqada leh – adigoo iska ilaalinaya milixda badan.

Inta Ramadaanka lagu jiro, waxaan ognahay in habka aan wax u cunno uu isbeddel ku yimaado. Halkii maalintii saddex jeer wax la cuni jiray oo ay dheeri u tahay cunnooyin fudud oo u dhaxeeya, hadda waxay isu beddeshay labo jeer oo keliya waana afurka iyo saxuurta. Tani waxay ka dhigan tahay in ka boodidda qadada ay horseedayso hoos u dhac weyn oo ku yimaada xaddiga cuntada iyo tamarta guud ee jirka soo gasha.

Haddaba, sidee lagu heli karaa nafaqo iyo cunno isku dheellitiran inta la soomman yahay? Waxaanu la hadalnay Idil Tahliil oo ah khabiir dhanka nafaqada iyo cunnada ah oo deggan magaalada Muqdisho, waxayna soo jeedineysaa talooyin muhiim ah.

Idil Tahliil

Xigashada Sawirka, IDIL TAHLIIL

Qoraalka sawirka, Idil Tahliil, khabiir dhanka nafaqada ah

"Qofka waxaa la gudboon in habeenkii marka uu afuran yahay uu qaato cunno dheellitiran oo qofka siin karta nafaqo iyo tamar, jirkiina tamartiisa kor u qaadeysa. Marka sidaa awgeed, qofka waxaa la gudboon in cunnada dheellitiran uu aad u fahansan yahay uuna iska ilaaliyo cunnada dhibka u keeni karta," ayay tiri.

Idil ayaa sheegtay in cunnada sida fudud looga heli karo Soomaaliya ee ku wanaagsan Ramadaanka ay ka mid yihiin timirta oo ay tahay qofku inuu ku af-billowdo, shurbadda noocyadeeda kala duwan oo dalagga laga sameeyay, iyo manaafacaadka xoolaha oo laga helo borotiin.

"Qofku waa inuu ku biilowdaa timir iyo biyo, uuna ku xijiyo mishaari laga sameeyay dalagga diirka leh. Kadibna waa inuu waqti yar qaato si dheefshiidkiisa uu isugu diyaariyo cashada. Kadib waa inuu qofku casho ka sameystaa cunno uu borotiin iyo karbohaydarayt ka heli karo sida hilibka iyo bariiska, iyo khudradda oo qofku ka helayo fitamiinno,"

Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilliga saxuurta ayaa isagana ah xilli muhiim ah oo qofku ugu diyaar-garoobayo maalintiisa, waxaana mararka qaar dhacda in dadku ay halkan khaladaad ka sameeyaan.

"Waxaa dhacda in dadka qaar ay ku saxuurtaan soor iyo caano, waa dhaqan soo jireen ah dabcan balse waa cunno degdeg baahi qofka ugu rideyso. Sidaa darteed, wuxuu qofku raacsan karaa borotiin sida ukunta ama hilib aan dufan badan lahayn, iyo karbohaydarayt wax uu ka heli karto sida canjeero laga sameeyay qamadi iyo khudrad oo saladhku ka mid yahay, sidoo kale looska ayaa muhiim ah oo laga helo saliido caafimaad leh,"

Idil ayaa sidoo kale ku talisay inay muhiim tahay in qofku cabo biyo badan inta u dhaxeysa cashada ilaa saxuurta.

Xaaladaha caafimaad ee ay tahay in la tixgeliyo marka la soomman yahay

Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soonka bisha Ramadaan wax khatar ah uma keeno dadka caafimaadka qaba, hase yeeshee waxa uu dhib u geysan karaa dadka qaba xaalado caafimaad oo horay u jiray. Maaddaama soonku uu saameeyo heerka sonkorta dhiigga, waxay si gaar ah khatar ugu tahay dadka qaba cudurka macaanka. Taas ayaa ah sababta ay muhiimka u tahay in Muslimiinta laga helay nooc kasta oo xaalad caafimaad ah ay la hadlaan dhaqtarkooda ka hor inta aysan bilaaban bisha Ramadaan.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan daal, madax-xanuun, iyo wareer inta lagu jiro maalintii. Tani waxay inta badan ku dhacdaa dadka aan u kicin suxuurta. Qaadashada cunto caafimaad leh iyo hab-nololeed wanaagsan waa muhiim sanadka oo dhan, laakiin xitaa si ka sii daran ayay muhiim u tahay inta lagu jiro bisha Ramadaan si loo xaqiijiyo waayo-aragnimo soon oo wanaagsan.

"Qofka sokorta qaba way adag tahay inuu ku afuro timir, isagoo aan iska badineynin hal xabbo oo kale wuu ka cuni karaa. Wuxuu ku af bilaaban karaa shurbad yar oo khudaar ka sameysan, loos ama cabitaannada aan sokorta lahayn ee khudradda la sameysan, sisinta oo kalena aad ayay ugu fiican tahay inuu cabitaan ka sameysto, cunnadiisana uu dheellitirto," ayay tiri Idil.

Waxaa sidoo kale badan dadka qaba gaaska ee iyaguna dhibta ugu badan la kulma Ramadaanka.

"Waxa ugu badan ee gaaska dadka u keena waa cunnada ay karinteeda halleysan tahay ama dufantoodu badan tahay sida sambuuska oo ka mid ah waxyaabaha ay dadka badsadaan, kuwaasoo saliido badan in lagu shiilo u baahan, ay ku jiraan xawaashyo, basasha iyo toonta taasoo keeneysa in dheefshiidkiisa uusan aad u shaqeynin.

"Taas beddelkeed waxaan kula talinayaa inay cunaan kuwo dheecaankooda lagu karinayo, ay saliiddu ku yar tahay, iska yareeyaan kuwa shiilan, cabitaannada sokorta badan iyo macmacaanka, qofku sidoo kale waa inuu iska ilaaliyo inuu cashada dib dhigto oo xilliga uu seexanayo wax cuno." Ayay tiri Idil.

Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidoo kale waa in maanka lagu hayaa in soonka saacadaha badan ee aan wax dareere ah la cabeyn ay qofka u keeni karto fuuq-bax. Si tan looga fogaado, waa muhiim in la badsado biyaha xilliga habeenkii.

Khalad guud oo dadka qaar ay sameeyaan ayaa ah inay ka boodaan saxuurta, iyagoo doonaya inay hurdo fiican helaan. Cunno nafaqo leh oo isku dheelli-tiran oo aad saxuurta cunto ayaa kaa caawin karta inaysan tamartu kugu yaraan, madaxu ku xanuunin oo aadan dareemin daal iyo tabar-darro.

Cunnada saxuurta waa inay ka koobnaataa borotiin, dufan caafimaad leh iyo karbohaydarayt khafiif ah. Isku jirkan ayaa heerka sokorta dhiigga halkiisa ku heyn kara qofkana ka caawin kara inuu muddo dheer dheregsanaado, sida ay sheegtay Idil.

Siyaabo kale oo aad u ilaalin karto caafimaadkaaga inta aad soomman tahay

Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daryeelka naftaada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxay dhaafsiisantay oo kaliya nafaqada iyo fuuq-celinta. Hurdaduna waxay door muhiim ah ka ciyaartaa caafimaadka wanaagsan, waxayna si gaar ah muhiim u tahay xilliga Ramadaanka, maaddaama habka hurdadaadu uu carqaladoobayo markaad u kacayso suxurta iyo adigoo soo jeeda ilaa saacado dambe si aad u tukato taraawiixda.

Isku day inaad raacdo jadwal hurdo oo joogto ah bisha oo dhan, kana fogow isticmaalka aaladaha elektaroonigga ah saacad ka hor xilliga hurdada si aad u hesho hurdo nasasho leh.

Dhaqdhaqaaq jireed oo fudud inta lagu jiro maalinta waa hab kale oo aad u wanaagsan oo lagu ilaaliyo tamarta, laguna wanaajiyo wareegga dhiigga iyo socodka dheecaannada jirka, taas oo kaa caawin doonta inaad hesho faa'iidooyinka soonka. Waxaa laga yaabaa inaad socod gaaban samayso ama jimicsiyo kale oo fudud si aad jirkaaga u dhaqdhaqaajiso.

Dadka sida joogtada ah u caba shaaha ama qaxwada waxaa laga yaabaa inay isku arkaan madax-xanuun iyo daal maalintii sababtoo ah kafeynta ay waayeen darteed, laakiin tani badanaa waxay yaraataa toddobaad ka dib marka uu jirkaagu la qabsado.

Ugu dambeyn, waa muhiim inaad fiiro gaar ah u yeelato calaamadaha jirkaaga, aadna u habayso dhaqdhaqaaqyadaada iyo nidaamkaaga sida ay xaaladdu tahay. Naso markaad dareento daal, hana ku qasbin naftaada wax ka baxsan awooddaada, gaar ahaan saacadaha aad soomman tahay.