TOOS, Mareykanka oo ka saaray dhammaan diyaaradaha uu duqeymaha u adeegsado saldhigga Fairford ee Britain

Mareykanka ayaa dhammaan diyaaradaha uu u adeegsado duqeymaha ee uu geeyay saldhigga RAF Fairford ee Britain dib ugu celiyay gudaha Mareykanka, sida ay xaqiijisay Pentagon-ka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dhamaan dadkii saarnaa diyaarad badda ku burburtay oo laga cabsi qabo in ay dhinteen

    .

    Lix qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen shil diyaaradeed

    Lix qof oo saarnaa diyaarad caafimaad oo Sabtidii ka duushay Bermuda kuna sii jeeday Boston ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen, kadib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ku dhacday badda.

    Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa Axaddii hakiyay baadigoobkii loogu jiray dad ka badbaaday shilka, kaas oo ka dhacay meel u dhow jasiiradda Nantucket ee gobolka Massachusetts.

    Diyaaradda ayaa la waayay wax yar kadib 1:00 habeenimo, waxaana markii dambe la helay cadad la xaqiijiyay in ay yihiin burburka diyaaradda.

    Shirkadda Latitude Air Ambulance ayaa sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen afar muwaadin oo Canadian ah iyo laba muwaadin oo Bermuda ah.

  2. War deg deg ah, Shir ka dhacay Sacuudiga oo looga hadlayo xaaladda Yemen

    .

    Caasimadda Sacuudiga ee Riyad ayaa Isniinta maanta ah martigelin doonta kulan ay yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah “Heshiiska Maka ee Difaaca Wadajirka ah”, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

    Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda, kulanka waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yaşar Güler iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Selçuk Bayraktaroğlu, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Sacuudiga iyo Pakistan oo iyaguna saxiixayaasha heshiiska ka mid ah.

    Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo horumarka laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo isbahaysiga, iyo sidii loo siin lahaa qaab hawleed rasmi ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in Iran ay muujisay inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dadaallada dhexdhexaadinta siyaasadeed ee lala xiriirinayo fallaagada Xuutiyiinta, arrintaas oo la filayo in kulanka looga hadlo.

    Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Yemen, oo Sacuudigu taageero, ay ku dhawaaqday inay bilowday howlgallo militari oo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ee Xuutiyiinta, oo Iran taageerto, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu soo celiyo saameynta iyo gacan-ku-haynta deegaannada ay kooxdaasi maamusho.

  3. War deg deg ah, Iran oo haweenka u tababaraysa in ay dalkooda difaacaan

    .

    Xero gaar ah oo haweenka lagu barayo sida loo isticmaalo hubka iyo gargaarka degdegga ah ayaa laga sameeyay magaalada Tehran, xilli madaxda Iran ay muwaadiniinta ku boorrinayaan inay diyaar u noqdaan inay “naftooda u huraan difaaca dalka.”

    Axaddii, fagaaraha Imam Xuseen ee caasimadda Tehran waxaa lagu qabtay tababarkii ugu horreeyay ee noocan ah oo si gaar ah loogu talagalay haweenka.

    Tobannaan haween ah ayaa ka qayb galay tababarka, iyagoo xiran dharka dhaqanka ee haweenka Iran, kaas oo jirka oo dhan daboola marka laga reebo wejiga.

    Tababarka ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordhayso, isla markaana qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka uu sare u kacayo.

    Iran ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xiritaanka marinka Hormuz ilaa Mareykanku uu aqbalo shuruudaheeda.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in tababarku yahay mid lagu diyaarinayo muwaadiniinta xaaladaha degdegga ah, isla markaana lagu xoojinayo awoodda bulshada ee is-difaaca haddii ay timaaddo khatar ku wajahan amniga qaranka.

    Hase yeeshee, tallaabadan ayaa dad badan u fasireen inay astaan u tahay diyaar-garowga Iran ee wax looga qabanayo xiisadda ka taagan gobolka.

    .
  4. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay duuliyihii Flydubai ee dhawaan duuliyaha kale weeraray

    .

    Warbaahinta CBS, oo ah bahwadaagta BBC ee Mareykanka, ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal u ah baaritaanka dhacdadii diyaaradda Flydubai, kuwaas oo sheegay in duuliyihii labaad ee lagu eedeeyay inuu weeraray duuliyaha koowaad, isagoo isku dayay inuu diyaaradda ku soo rido dhulka Israel, ay u badan tahay inuu kaligiis falkaas waday.

    Si kastaba, baaritaanka dhacdada iyo sababihii ka dambeeyay ayaa weli socda, iyadoo aan wali la soo saarin warbixin rasmi ah ama caddeymo la xiriira arrinta.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu ilo ka maqlay in dhacdadu ay “la xiriirtay Iran”, balse ma uusan soo bandhigin faahfaahin ama caddeyn, isagoo sheegay in baaritaanku weli socdo.

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay inuusan aaminsanayn in duuliyihii labaad uu damacsanaa inuu afduubo diyaaradda.

    Israel ayaa horay u sheegtay in duuliyaha labaad uu saameyn ku yeeshay “fikirro Islaami ah oo xagjir ah”.

  5. Maxay dadka qaar ay si lama filaan ah uga soo kacaan hurdada 3 habeennimo?

    ,

    Weligaa ma soo kacday si lama filaan ah bartamaha habeenkii, ka dibna ma ku dhibtootay inaad dib u seexato?

    Sababo kala duwan ayaa internetka lagu sheegaa inay keenaan soo-kicidda saacadda 2-da ama 3-da subaxnimo – sida walwalka, hormoonnada, arrimaha ruuxiga ah ama dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

  6. War deg deg ah, TPLF oo si ku-meelgaar ah uga baxday Mekelle iyo wararkii ugu dambeyyay

    Mekelle

    Kooxda TPLF ee ka talisa gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegtay inay si ku-meelgaar ah uga baxday caasimadda gobolka, Mekelle, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka iyo TPLF ay ku sii dhowaanayaan magaalada.

    TPLF ayaa sheegtay inay go’aanka uga baxday Mekelle si ay uga fogaato khatarta soo wajahaysa dadka rayidka ah.

    Laba qof oo magaalada ku sugan ayaa BBC u sheegay in ciidamada dowladda ay hadda gacanta ku hayaan Mekelle, halka ciidamada TPLF ay ka baxeen magaalada. Mid ka mid ah dadkaas ayaa sidoo kale sheegay in adeegga taleefannada gacanta uu dib uga shaqeynayo qaybo ka mid ah magaalada.

    Dagaallo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday qaybo ka mid ah Tigray, Afar iyo Amhara, kuwaas oo u dhexeeya TPLF, ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyaad xulafo la ah.

    Xaaladda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dagaalladu sii xumeeyaan xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana ay ku lug yeeshaan dalalka deriska ah.

    Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay “is-xakameyn” iyo “wadahadal” ka hor kulan diblomaasiyadeed oo Axadda ka dhacaya Masar, kaas oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaal ka socda qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Itoobiya.

  7. Dowladda Yemen oo dagaal ku dhawaaqday iyo xaaladda oo ka sii dari karta

    .

    Madaxweynaha dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ku dhawaaqay dagaal buuxa, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in Xuutiyiinta laga qabsado dhammaan dhulalka ay gacanta ku hayaan.

    Go’aanka ayaa yimid kaddib maalmo ay is-weydaarsadeen weerarro Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

    Xuutiyiinta oo Iran taageerto ayaa sheegay inay weerareen goobo ay leedahay shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco, iyagoo sheegay inay jawaab u ahayd 50 duqeyn oo isbahaysiga Sacuudigu ku qaaday Yemen muddo 12 saacadood ah. Sacuudigu weli kama uusan hadlin eedeymahaas.

    Ku dhawaaqista dowladda Yemen ayaa timid kaddib weerarkii Xuutiyiinta ee bishii hore, markaas oo ay la wareegeen qaybo ka mid ah xeebaha dalka, oo u uku jiro marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.

  8. War deg deg ah, Mareykanka oo diyaaradihiisa dagaalka kala baxay saldhig muhiim ah iyo xog dheeri ah oo laga helayo

    .

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijisay in dhammaan diyaaradaha dagaalka ee nooca B-1 ee Mareykanka ay dib ugu laabteen dalkaas, kaddib markii ay ka baxeen saldhigga cirka ee RAF Fairford ee Britain.

    Wargeyska Wall Street Journal ayaa markii hore warkan baahiyay, waxaana saacad kaddib xaqiijiyay Pentagon-ka oo sheegay in sababo amni awgood aan hore loo shaacin dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo ciidamada.

    War-saxaafadeed ay Pentagon-ku soo saartay xalay ayay ku sheegtay in diyaaradaha duqeynta ee Mareykanka, oo ay ku jiraan B-1, B-2 iyo B-52, ay weli diyaar u yihiin inay weerarro sax ah ka fuliyaan meelo kala duwan oo caalamka ah, xitaa iyagoo ka duulaya gudaha Mareykanka kuna soo laabanaya saldhigyadooda.

    Wall Street Journal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid la xiriirta walaaca amni ee ka dhashay dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhigga Fairford toddobaadkii hore. Dhowr qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qorshe weerar ayaa la xiray, balse markii dambe damiin ayaa lagu sii daayay. Booliska Britain ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay saddex gaari aan laga helin waxyaabo qarxa, marka laga reebo shidaal.

    Intii uu socday baaritaanku, Israel, Mareykanka iyo Britain ayaa Iran ku eedeeyay inay ku lug lahayd dhacdada, balse Tehran ayaa si adag u beenisay eedeymahaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa ka jawaabay hadallo uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham, isagoo yiri “sii deynta dadka la tuhunsanaa ayaa wax badan muujinaysa”.

    Horey, intii uu socday dagaalkii Mareykanka ee Iran, Tehran ayaa Britain ku dhaliishay in Mareykanku saldhigga Fairford u adeegsaday weerarro ka dhan ah Iran. Waxay sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay beegsato saldhig kasta oo militari oo Mareykanku adeegsado.