Sidee bangi Jarmal ah looga dhacay 100 milyan oo Yuuro ah afar saacadood gudahood?

Banki

Xigashada Sawirka, Gelsenkirchen Police

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacii bangi ee ugu "yaabka badnaa" ee ka dhaca Jarmalka sanadihii u dambeeyay.

Dhammaadka toddobaad xaaladdu degganayd, wax yar kadib Kirismaska, koox tuugo ah ayaa jabsaday bangi ku yaalla waddo ganacsi (High Street) oo ku yaalla magaalada Gelsenkirchen ee galbeedka dalkaas, iyaga oo dalool ku sameeyay gidaarkiisa, iyaga oo adeegsanaya qalab warshadeed oo ah kuwa wax dalooliye.

Waxay fureen in ka badan 3,000 sanduuq oo kayd ammaan ah (safe deposit boxes), iyagoo la baxsaday malaayiin yuuro.

In ka badan bil kadib, boolisku weli ci duma soo xidhin dhacdadaas

Macaamiisha bangiga, oo qaarkood sheegeen inay waayeen kaydkii noloshooda, dahab iyo agab qiimo leh oo qoysaskoodu lahaayeen, ayaa arrintan waxay u noqotay waqti cadho, jahawareer iyo naxdin leh.

Waxaa si weyn loo dareemayaa in kalsoonidii lagu qabay hay'adaha bangiyadadu ay wiiqantay.

Kiiskan ayaa dhaliyay su'aalo adag oo badan, qaar ka mid ahna waxaa si cad u soo bandhigay wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka galbeedka North Rhine-Westphalia, Herbert Reul.

Sidee ayay suuragal u noqotay in cidina aysan ogaan waxa socday? Ma waxa uu ahaa fal ay ku lug lahaayeen dad gudaha ka tirsan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidee ayaa loo maqli waayay qalabka qodista, sideese tuugadu u ogaadeen goobta saxda ah ee khasnaduhu yaalaan?

Nidaamyada hanti ilaalinta ee amniga bangigu, ma waxa ay ahaaayeen kuwo liita?

Booliska magaalada Gelsenkirchen ayaa ugu baaqay cid kasta oo xog haysa inay soo gudbiyaan.

Baadhayaashu waxay sheegeen in tuugadu laga yaabo inay bangiga ka soo galeen baarkin ku dhinac yaallay bangiga.

Waxa ay sida oo kale aaminsan yihiin inay ku guuleysteen inay dalooliyaan gidaar ka ag dhaw baarkinka, kaas oo dusha ka saaran dhismaha dabaqyada badan leh; isla markaana waxay rumeysan yihiin in tuugadu ay galeen iyaga oo adeegsanaya albaab ku ag yaallay baarkinka.

Albaabkan lagama furi karo bannaanka marka xaaladdu caadi tahay. Si kastaba ha ahaatee, tuugadu waxay ku guuleysteen inay gudaha u galaan.

Kadib markii ay ka gudbeen albaabkaas xagga hore ku yaallay, waxaa la sheegay inay qodeen gidaarka ugu dhawaa ee u dhexeeyey baarkinka iyo bangiga.

Bank

Xigashada Sawirka, Gelsenkirchen Police

Halkaas kadib, boolisku waxay aaminsan yihiin in tuugadu ay ka gudbeen dhowr nidaam oo amni, kadibna ay u gudbeen qol kayd (archive room) oo ku yaallay dabaqa hoose ee bangiga, kuna dhow qolka khasnadda (vault).

Waxay halkaas ku rakibeen qalabkii qodista, iyagoo ka sameeyay dalool ballaciisu yahay 40 sentimitir (15.7 inji) gidaar u horseedaya qolka khasnadda adag (strongroom), halkaas oo ay ku kaydsanaayeen sanduuqyadii kaydka ahaa.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, dhacdadu waxay u badan tahay inay dhacday inta u dhexeysa Sabtidii 27-kii illaa Isniintii 29 Diseembar. Waxay kaloo rumeysan yihiin in tuugadu ku dhowaadeen in la qabto wax yar ka hor intaysan gaadhin qolka khasnadda.

Wax yar kadib 06:00 subaxnimo 27 Diseembar, waaxda dab-damiska ee Gelsenkirchen iyo shirkad amni oo gaar loo leeyahay ayaa helay digniin dab oo ka timid bangiga, taas oo laga yaabo in ay si kama' ah u kiciyeen tuugadu.

Booliska iyo 20 dab-demiye ayaa gaaray bangiga 06:15, hase yeeshee "ma aysan helin wax muujinaya waxyeello," sida lagu sheegay bayaan boolisku soo saareen.

Herbert Reul ayaa shaaca ka qaaday in digniinta dabka ay ka timid gudaha qolka khasnadda.

Dab damiyayaashu ma awoodin in ay gudaha u galaan bankiga sababta oo ah albaabka waxaa xidhay bir hoos u rogmata. Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka, Herbert Reul, wuxuu sheegay in markii ay goobta yimaadeen aysan arkin qiiq, ur dab ama waxyeello muuqata, sidaas darteed ay u qaateen in ay ahayd digniin khaldan —inkasta oo ay ahayd arrin aan caadi ahayn.

Wuxuu intaas ku daray in booliska aysan markaas haysan waaran ay ku baadhaan bankiga, maadaama ay ahayd hawl u taal dab damiyayaasha, ayna u baahnaayeen amar maxkamadeed.

Markii dambena la galay qolkii kaydka, waxaa la ogaaday in tuugadu furteen ku dhowaad dhammaan 3,250 sanduuq oo ay qaateen lacag caddaan ah, dahab iyo waxyaalo kale oo qaali ah.

Diiwaannada kombiyuutarka ayaa muujiyay in sanduuqii ugu horreeyay la jabiyay 10:45 subaxnimo 27 ka Diseembar, kii ugu dambeeyayna 14:44. Lama hubo inay ku dhammeeyeen gudaha afartan saacadood ama in nidaamka xog qoristu istaagay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen rag sita boorsooyin waaweyn habeenkii 28 ka Diseembar. Warbaahinta Jarmalku waxay qiyaasaysaa in ilaa €100 milyan ku dhawaad ay qaateen. Markii digniin dab kale dhacday 29 ka Diseembar, dab damisayaashu waxay heleen burbur baahsan, in ka badan 500,000 shay oo lagu daadiyay dhulka. Qaar badan ayaa dhaawacmay, waxaana boolisku baadhaya milkiilayaasha hantida.

Qaar ka mid ah macaamiisha, oo ay ku jiraan dadka laga dhacay dahab iyo lacag badan, ayaa dacwad ka gudbiyay bankiga, iyagoo ku eedeeyay in uu dayacay ammaanadoodii. Sanduuq kasta waxaa caadi ahaan lagu caymiyaa ama magdhaw u ahaa €10,300.