Maxay tahay hawsha markabka shidaal qodidda ee Muqdisho soo gaaray

.

Xigashada Sawirka, X

Qoraalka sawirka, Cagri Bey
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga ayaa khamiistii shaaca ka qaaday in markab shidaalka qoda oo laga leeyahay dalka Turkiga uu Soomaaliya u yimid "howl taariikhi ah", taasoo ah bilowga howlgalkii ugu horreeyay ee ay Ankara ka sameyso qodista shidaalka ee badda hoosteeda.

"Markabka Cagri Bey wuxuu u yimid Soomaaliya hawshiisa taariikhiga ah" ayuu saxaafadda u sheegay Alparslan, isagoo intaas ku daray in howlgalkan uu furi doono " bog cusub oo taariikhda tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya labadaba ah".

Waxa uu sheegay in Turkigu uu bilaabayo ololihii ugu horeeyay ee qodista badaha dibadda, waxaanu intaa ku daray: "Waxa aanu Alle ka baryaynaa in uu inoogu deeqo hawlgalkii ugu horreeyey ee qodista badda gunteeda ee aanu ka wadno xuduudaheenna shishadooda".

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Tamarta ee Turkiga, Cagri Bey ayaa lagu wadaa in uu qodo ceelka Curad-1 ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu ka shaqeeyo qoto dhererkeedu gaarayo 7,500 mitir (in ka badan 24,600 cagood) muddo 288 maalmood ah, maalmahaasoo ah qodidda halka ceelka laga calaamadiyey.

Wasaaraddu waxay ku tilmaantay ololahan inuu yahay kii ugu horreeyay ee Turkigu ka sameeyo sahaminta badda hoose ee dalka dibadiisa.

Bayraktar ayaa sheegay horraantii bishan in markabkan uu Soomaaliya imaan doono maalinta Jimcaha ah, wuxuuna sheegay in markabka uu la socdo Turkiga uu billaabi doono shaqadiisii ugu horreysay ee qodista xeebaha Soomaaliya.

.

Xigashada Sawirka, X

Dawladda Soomaaliya

Imaatinka markabkan ayaa salka ku haya heshiis ay Soomaaliya iyo Turkigu wada galeen, kaasoo lagu soo saarayo shidaalka iyo gaaska xeebaha Soomaaliya.

Hore ayuuTurkigu sahmin iyo baaris ugu sameeyey meelaha laga helayo shidaalka iyo xaddiga loo malaynayo in laga heli karo, waxaana hadda la filayaa in ceelka ugu horreeya ee Curad-1 lagu bilaabo qodista.

"Maanta waa maalin weyn, waxaana rumowday rajo ay dadka Soomaaliyeed sugayeen 60 sano si loo soo saaro shidaalkii ugu horeeyey ee dalka laga soo saaro" ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka ee Soomaaliya Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey ) oo BBC la hadlay.

Farqiga u dhaxeeya qodista iyo soo saarista shidaalka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa durba billowday xiisaha ku saabsan qodista shidaalka oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shidaalka durba uu dibadda u soo bixi doono.

Arrintan waxaa sii xoojiyey ka dib markii Khamiistii uu soo gaaray xeebaha Muqdisho markabka Cagri Bey ee qodaalka samaynaya, ka hor xafladda loogu dabaal degi doono billowda qodista ceelkii ugu horreeyey ee xeebaha Soomaaliya.

Laakinse khubaradu waxay qabaan in ay jiraan dhowr marxaladood oo qodista iyo soo saarista shidaalku ay ka yihiin laba qayb oo muhiim ah.

Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka ayaa BBC u kala qeexay labadaas marxaladood.

Wuxuu ku bilaabay in wejiga hadda la galayo uu yahay 'wajigii labaad ee sahaminta'.

Xogtii hore waxay ahayd mid badda gunteeda laga baaray oo sawir u badan. Maadaama markabku qodayo meelihii hore loo baaray ayaa wejina ka mid tahay sahanka, welina waxay ka mid tahay horumarinta. Wajiga hadda lagu jiro dhowr marxaladood ayuu marayaa, kuwaasoo ah in la qodo, in naamuunado laga qaado nooca shidaalka, in qiyaas lagu sameeyo, kaydka ku jira int auu le'eg yahay" ayuu yiri.

Marka arrimahaas laga soo gudbo ayuu Naafic sheegay in qorshihii qoditaanka shidaalka la soo saarayo la gali doono, qiyaasta kharashka galaya, iyo marinka dibadda loogu dhoofinayo. "Wejigan waa mid go'aan qaadasho oo lagu go'aamiyo in shidaalku ganacsi geli karo oo hore loo sii socon karo" ayuu sii raaciyey.

Wuxu intaa ku daray in wajiga horumarinta oo hadda bilaabanaya uu socon karo 5 - 8 sano. "Markaa ka dib ayaa loo gudbayaa wajiga wax soo saarka oo la diyaarinayo riigaggii iyo goobihii badda gudaheeda laga dhisi lahaa, dhuumihii qaadi lahaa, kaydadkii iyo qalabkii iyo warshadihii ka shaqayn lahaa" ayuu qiyaas ku bixiyey.