Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay taariikhda la bilaabi doono qodista shidaalka Soomaaliya iyo maraakiibta qodaysa

.

Xigashada Sawirka, X

Turkigu waxa uu leeyahay afarta markab ee adduunka ugu shidaal qodista dheer, kuwaas oo gaara gunta fog ee badaha, haddeerna waxaa lagu soo daray labo kale loogu yeeray 'mataanaha jiilka todobaad, lana yiraahdo Cagri Bey iyo Yildirim. Arrintan waxaa shaaciyey Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan ayaa u bixiyey magaca maraakiibta mataanaha, kuwaas oo tirada maraakiibta Turkiga ee shidaalka qoda ka dhigaysa lix, halkii ay hore u ahaayeen afar sida uu Bayraktar ku qoray bartiisa bulshada X. Isaga oo raaciyey "Iyada oo la helay labadan markab ee mataanaha ah waa mucjisooyin tiknoolajiyadeed oo waxa ay qodi karaan 12,000 mitir.

Markabka Yildirim wuxuu kordhin doonaa wax-soo-saarka Gaaska ee Sakarya, halka Cagri Bey uu u jiheysan doono Soomaaliya si uu u sameeyo soo saaris gaas iyo helitaanka aag cusub. Hadafkeenna waa Turkiga oo si buuxda isugu filnaada Tamar ahaan" ayuu yiri.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Cagri Bey: Markabka shidaalka ka qodaya badaha Soomaaliya

.

Xigashada Sawirka, X

Markabka Cagri Bey oo kamid maraakiibta casriga ah ee loogu yeero jiilka 7aad ayaa hawlgalkiisa ka fulin doona Soomaaliya waxa uuna ambabixi doonaa bisha Febraayo, taas oo ka dhigan in Turkiga uu markii ugu horreesay shidaal qodis ka sameeyo meel ka baxsan dalkiisa.

Isla Febraayo ayaa la filayaa inuu markabkaas bilaabo qodista shidaalka, laakinse weli lama shaacin halka uu qodista ka bilaabi doono.

Sanadka 2026 ayey sheegeen in uu noqon doono sanad cusub oo ay furi doonaan sahamin saliid iyo gaas ah.

Diyaargarowga hawlgal ee Cagri Bey ee Dekedda Tasucu ayaa la filayaa inuu dhammaado dhammaadka Janaayo 2026, kaddibna markabku uu u dhaqaaqo goobaha la calaamadiyey ee uu ka qodi doono gaaska.

Yildirim: Markabka ka qodaya Badda Madow

Markabka lixaad ee shidaalka qoda, Yildirim, wuxuu ku biiri doonaa hawlgallada ka socda Badda Madow, halkaas oo ay haatan ka shaqaynayaan maraakiibta kala ah Fatih, Yavuz, Kanuni iyo Abdulhamid Han, kuwaas oo ka hawlgala Ceelka Gaaska ee Sakarya.

Wasiir Bayraktar ayaa yiri: "Haddii Alle idmo, Yildirim wuxuu imaan doonaa Badda Madow dhowr bilood gudahood."

Yildirim waxaa la filayaa inuu bisha Janaayo u ambabaxo Dekedda Filyos, halkaas oo lagu rakibi doono taawarrada qalabka, laguna dhammaystiri doono diyaargarowga hawlgalka, ka hor inta uusan bilaabin hawlgalkiisii ugu horreeyay ee dhammeystirka.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo shir jiraa'id ku qabtay magaalada Istanbul ayaa sheegay ay ka go'an tahay soo saarista shidaalka Soomaaliya, lana dedejin doono bilaabisteeda, madaxweyne Erdogan ayaa tilmaamay in muddo 9 bilood ah ay socotay sahaminta shidaalkaas,, haatanna la joogo waqtigii la bilaabi lahaa.

Ammaanka Maraakiibta

Wasiirka kheryaadka iyo macdanta Turkiga, mar uu ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd 'weeraraddii ka dhacay badda madow, ayaa ku gaabsaday in ay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad oo dhanka aminga ah.

"Tani waa hormar aan caadi ahayn, waana noocyo aysan hore kooxdeenu ula kulmin, waxa ayna wadaan shaqo ku aadan arrimahaas. waxaa muddo ka shaqeeneynaa adkeynta amniga kaabayaasha Tamarta ee muhiimka ah, waxaana aadi doonnaa tallaabooyin dheeraad ah oo lagu ilaalinayo maraakiibteenna, dhuumaha shidaalka iyo xarumaheena korontada" ayuu yiri.

Oruc Reis: Markabka baarista shidaalka ka Sameeyey Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Oruç Reis wuxuu ahaa markii baartitaanka iyo sahaminta ku sameeyey shidaalka xeebaha Soomaaliya. Marakabkan oo sido kale Turkigu leeyahay ayaa dhererkiisu wuxuu yahay 87-mitir, taasoo u dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisan yahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.

Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.

Tan iyo markii la sameeyay waxa uu fuliyay howlgallo sahmin ah, waxa uuna uruuriyay xog guud oo bedkeedu yahay 23,000 kiiloomitir laba jibaaran ah.

Oruc Reis, waa Markabkii uu Madaxweyne Erdogan ka soo sagootiyey qasriga Dolmabahce, bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday, isaga oo soo gaaray xeebaha Soomaaliya, waxa uuna ururiyey xogta goobaha shidaalka uu ku jiro oo lagu sheegay saddex aag badeed, kuna fadhida dhul dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Xogtaas hadda qiimeentayda iyo falanqeentaydu ka socoto magaalada Ankara.