Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga la bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya

.

Xigashada Sawirka, TRT

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga Xsan Sheekh Maxamuud iyo Racep Tayyip Erdogan ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Istanbul, ka dib kulan yeesheen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Turkiga u tegey si uu ugala hadlo xaaladda ka soo korortay gobolka ee ah aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland.

Laakin waxay labada madaxweyne sidoo kale shirka jaraa'id kaga hadleen goorta la bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya oo madaxweyne Erdogan uu sheegay in muddo 9 bilood ah ay socotay sahaminta shidaalkaas.

"In ka badan 4,400 oo nautical mile ayaa sahanka ka samaynay, in aan hawl noocaas oo kale ah qabannana waa mid ku cusub dalkeena" ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu shirka jaraa'id kaga dhawaaqay Erdogan in qodista shidaalka ay bilaabayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2026. Madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu shirka jaraa'id ka sheegay in "dhawaan" la bilaabi doono qodista shidaalka, laakinse labadooda midna ma uusan sheegin tariikhda hawshaas la bilaabayo.

"Maraakiibteenna waxaan ku soo daraynaa laba markab oo shidaalka qoda" ayuu yiri Erdogan oo shirka ka sheegay magacyada maraakiibtaas, wuxuuna intaa ku daray in midkood uu ka hawlgali doono xeebaha Soomaaliya, halka kan kalena loo diri doono badda madow (Black Sea).

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

.

Xigashada Sawirka, TRT

.

Xigashada Sawirka, TRT

Qorshayaasha kale ee Erdogan uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa mashruuca saldhigga hawada sare laga tuuro dayax gacmeedka ee Soomaaliya laga hirgalinayo, kaas oo uu sheegay in hadda qayb ka mid ah la soo gabagabeeyey, ayadoo laba qayb ay harsan yihiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu ku dheeraaday xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya iyo iskaashigooda ka soo billowda markii uu dalka soo booqday xilligii uu ra'iisul wasaaraha ahaa. Wuxuu kaloo aad uga hadlay gacanta ay Soomaaliya ka siiyeen dhanka amniga.

Waxay labada madaxweyne ku dheeraadeen aqoonsiga Israa'iil ay siisay Somaliland oo soo baxay Jimcihii, ayadoo Turkiguna uu ka mid yahay dalalka sida aadka ah uga soo horjeestay. "Ma aha in la kala qaybiyo Soomaaliya, talaabo kasta oo la qaadayana waa inay ka turjuntaa rabitaanka Soomaalida" ayuu sii raaciyey

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka kaga dambeeyey Madaxweynaha Turkiga wuxuu in badan ka hadlay gacanta Turkigu siiyo Soomaaliya, iyo dhinacyada ay iska kashadeen.

Wuxuu fursadda uga faa'iidaystay, isagoo af Ingiriis ku hadlayey, inuu cambareeyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, isagoo ku eedeeyey „duullaan uu ku soo qaaday madax banaanida Soomaaliya".

Isla shirka jaraa'id intii uu socday ayuu qaybihii dambe u beddelay af Soomaali uu ugu tala galay in farriin uu ku gaarsiiyo dadka Soomaalida ah.

Kulankan ka hor wuxuu shalay madaxweynaha Soomaaliya soo maray Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle. Waxay labada mas'uul ka wada hadleen aqoonsiga ay Israa'iil siisay Somaliland oo Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibada yihiin ay meel adag iska taageen.