Maxaad ka taqaan haweeneydii ugu horreysay ee ra'iisul wasaare ka noqotay Bangladesh oo geeriyootay

Khaleda Zia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, An earlier picture of Khaleda Zia from 2016
    • Author, Kelly Ng
    • Author, Mir Sabbir
    • Role, Tifaftiraha BBC Bangla

Khaleda Zia raysalwsaarahii ugu horreeyay ee haween ah ee dalka Bangladesh iyo mucaaradkii ugu weynaa ee hoggaamiyihii xilka laga tuuray Sheikh Hasina, ayaa geeriyootay ka dib xanuun mudo dheer hayay. Waxay jirtay 80 sano.

Zia waxay qorsheysay inay u tartanto baarlamaanka bishii Febraayo, markaas oo dalka uu dooran doono hoggaamiyihii ugu horreeyay tan iyo kacdoonkii caanka ahaa ee dhacay dhammaadkii 2024-kii oo xilka ka tuuray Hasina.

Waxaa siyaasadda si weyn loogu dhex arkay ka dib dilkii saygeedii, madaxweynihii xilligaas Ziaur Rahman, waxayna noqotay ra'iisul wasaarahii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalka Bangladesh sannadkii 1991.

Waayaheeda siyaasadda waxa qayb ka ahaa xabsi guri iyo xayiraado iyada oo uu loollan xooggan kala dhexeeyay madaxweynihii xilka laga caydhiyay.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xaaska madaxweynihii hore ee Bangladesh, Rahman, Zia waxay ahayd qof ka ag dhow ninkeeda caanka ah. Markii la dilay xilligii afgambiga milatari ee 1981, Zia waxay gashay siyaasadda waxayna hogaamisay BNP doorashadii ugu horreysay ee dalka.

Waxaa lagu yaqaanaa in ay ahayd "hogaamiye aan wax ka tanaasulin" ka dib markii ay diiday inay ka qayb gasho doorasho muran dhalisay xilliga hogaaminta milatari ee Janaraal Hussain Muhammad Ershad 1980-meeyadii, Zia waxay ka gudubtay siyaasadda uu raggu xukumo waxayna isu bedeshay mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee Bangladesh.

Xilkeedii ugu horreeyay waxaa si weyn loogu amaanay dadaalkeedii kor loogu qaadayo waxbarashada dumarka iyo horumarinta bulshada, iyadoo dowladdeedu dib u soo celisay dimuqraadiyadda baarlamaanka iyada oo wax ka beddeshay dastuurka iyadoo la helay taageero labada xisbi.

Taageerayaal u barooranaya dhimashadeeda

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taageerayaal u barooranaya dhimashadeeda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la sii daayay Janaayo 2025, isla markiiba ka dib markii bannaanbaxayaal waaweyn oo ka dhan ah dowladda Bangladesh ay xilka ka tuureen Hasina, taasi oo ku qasabtay in ay ku baxsato India.

BNP waxay bishii November sheegtay in Zia ay olole doorasho ku jirto oo ay ka qaybgalayso doorashooyinka guud ee soo socda. Xisbiga ayaa hiigsanaya inuu dib ugu soo laabto awoodda, haddii taas dhacdo, waxaa la filayaa in wiilkeeda Tarique Rahman uu noqdo hogaamiyaha cusub ee dalka.

Rahman oo 60 jir ah, waxay Bangladesh ku soo laabtay toddobaadkii hore kaddib 17 sano oo uu iskeed isugu tarxiishay London.

Zia waxay isbitaalka ku jirtay bilihii la soo dhaafay, iyadoo daaweyn u socotay, qabtayna dhaawacyo kelyaha, cudurka wadnaha, iyo hargabka sambabada, iyo xaalado kale oo caafimaad.

In kasta oo ay ka fogayd dadweynaha sababo la xiriira caafimaadkeeda, Zia waxay weli ahayd astaan u taagan xoogagga mucaaradka.

Intii lagu guda jiray maalmaheeda ugu dambeeyay, hogaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa Muhammad Yunus wuxuu u baaqay dadweynaha in loo duceeyo Zia, isagoo ugu tilmaamay "qof dhiirrigeliye sare u ah qaranimada".

Bayaan uu soo saaray Talaadadii, Yunus wuxuu tacsi ka diray geeridii Zia, isaga oo ku sifeeyay "astaanta dhaqdhaqaaqa dimuqraadiga ah".

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif wuxuu Zia ugu yeeray "saaxiib daacad ah oo ayPakistan ah", adeeggeeduna uu Bangladesh u reebi doono dhaxal waara.

Xubnaha qoyska Zia, oo ay ku jirto gabadhooda ayaa la joogay xilliyadii ugu dambeeyay ee nolosheeda, sida uu sheegay xisbbga BNP.

"Waan u ducaynaynaa oo aan cafinaynaa hoggaamiyahan, waxaana ka codsanaynaa qof kasta inuu u duceeyo shakhsigan innaga baxay ," ayuu xisbiga ku yiri bayaan Talaadadii.