Sheikh Xasina: Haweenaydii tobannanka sano xukunka dalkeeda haysay ee hadda magangalyo doonka ah

Ka dib toddobaadyo si darran ay dibad-baxyo rabshado watoo ay ka dhaceeyeen dalka Bangaladesh, dhalinyaro ka gadooday qoonda shaqada ee dowladdeedu soo bandhigtay ayaa aakhirkii ku qasbay inay iyadii xilka ka degto ka dibna ay u baxsato dalka ay dariska yihiin ee Hindiya.
Tani waxay soo gunaanaday shan iyo toban sano oo xukunka dalkaasi ay haysay.
Sida booliska dalkaasi sheegeen ilaa sagaashan ruux ayaa ku dhintay dibax-baxyada saddex boqol o kalana way ku dhaawacmeen.
Kumanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa xoog ku galay gurigeedii ka dib rasmiga ah ee ay ka degan tahay caasimadda Bangladesh ee Dhaka, taasoo keentay in si lama filaan ah loo soo afjaro xukunkii ugu dheeraa ee haweeney ra’iisul wasaare ka noqota taariikhda Bangladesh.
Sanadihii u danbeyey xukunkeeda waxaa lagu eedeyey kali talisnimo iyo in ay caburinayso cid kasta oo ka soo horjeeda maamulkeeda.
Bishii Janaayo, Sheikh Xasina ayaa ku guuleysatay mar afaraad inay sii hoggaamiso dalkaas ka dib doorasho loo jeediyey in lagu shubtay taas oo mucaaradku ay qaadaceen
Siday xukunka ku timi

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekh Xasina, waxay ka soo jeeda qoys siyaasi ah waxaana loo arkaa in siyaasaddu dhiig raac u ahayd. Waxay ka dhalatay qoys Muslim ah oo degganaa bariga Bengal.
Aabaheed waxa uu ahaa hogaamiye wadani waxaana la oran jiray Sheekh Mujibur Rahman, "Aabaha Qaranka" kaas oo dalkaasi Bangaladesh u horseeday inuu xornimadiisa ka qaato dalka Bangalesh sanadii 1971-kii. Ka dibna wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaasi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aabahed Mujibur Raxman iyo inta badan qoyskeeda ayaa la dilay ka dib markii afgambi milatari xukunka looga tuuray.
Qoyskeedii iyada iyo walaasheed ka yar ayaa ka badbaaday ka dibna waxay ka baxeen dalka.
Xasina, waxay dhowr sanadood ku qaadatay dalka Hinidya ka hor intaysan ku laaban Bangladesh 1981-kii oo ay hogaamisay xisbigii siyaasadeed ee aabaheed ka dhintay, oo la yiraahdo 'Awami League.'
Waxay ku caan noqotay in ay u doodo dimuqraadiya, waxayna hoggaamisay dibad-baxyo ka dhacay dalka Bangaladesh iyadoo isbahaysi la ah xisbiyada kale, xiligaas waxaa xukunka dalkaas hayey Xuseen Muxamamed Ershad.
Tallaabooyinkaas ay dimuqradiyadu u qaaday waxay ka dhigeen qof caana oo loogu yeeray Astaan Qaran,
Markii ugu horreysay ee loo doorto xukunka waxay ahayd sanadkii 1996-kii oo ay noqotay Ra’iisul wasaaraha tobnaad ee dalkaasi yeesho.
Muddadii ay xukunka haysan waxay horkacday heshiisyo dhexmaray dalka Hindiya iyo inay heshiis nabadeed oo ay la gashay jabhadii qabaa'ilka ee Koonfur-bari ee dalkaasi.
Muddo gaaban ka dib, dowladdeedu waxay la kulantay eedaymo musuqmaasuq oo badan iyo heshiisyo qarsoon, iyo inay sidoo kale u jan jeerjeerto dhanka Hindiya.
Sanadkii 2001-dii ayey lumisay xilkeedii raysal wasaaranimo ka dib tartan ay la gashay Khaleda Zia oo ka tirsan xisbiga waddaniga ah ee Bangladesh.
Sheikh Xasina iyo Khaleda Zia, waxay ka soo jeedaan qoysas siyaasadeed, waxayna labaduba ku talinayeen siyaasadda Bangladesh in ka badan soddon sano.
Mudadadii ay mucaaradka ahayd waxay la kulantay xarrig, waxayna sidoo kale ka badbaaday isku dayo dil oo mid ka mid aha uu dhacay sanadkii 2004-tii
Sanadkii 2009-kii ayey Sheekh Xasina, mar labaad ku soo noqotay xukunka dalka Bangaladesh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guulihii iyo caqabadihii Sheikh Xasina?
Dalka Muslimiinta u badan ee Bangladesh, oo mar ka mid ahaa kuwa ugu saboolsan adduunka, ayaa guulo la taaban karo ka gaaray muddadii ay hoggaanka Xasina haysay tan iyo sannadkii 2009-kii.
Maanta, dhaqaalaha Bangladesh waa mid ka mid ah kobaca ugu dhaqsaha badan gobolka, isagoo ka sarreeya xitaa deriskooda weyn, India.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, dakhliga qof kasta ee Bangladesh ayaa saddex jibaarmay marka loo eego sidii hore.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in in ka badan 25 milyan oo qof ay ka baxeen faqriga labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkaasi.
Iyada oo ka faa’iidaysanaysa hantida dalka, marka laga soo tago deeqaha horumarineed ee ay dibadda ka hesho, Sheekh Hasina waxa u suurtagashay in ay bilawdo mashaariic waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah oo ay ka mid tahay dhismaha buundada Padma oo ay ku baxayso lacag dhan $2.9 bilyan.
Ka sokow guulahaas waxaa barbar socday khilaafyo ku xeernaa siyaasaddeeda muddadaas.
Ka dib masiibada COVID-19, qiimaha nolosha ee Bangladesh ayaa kor u kacday, sicir-bararka ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay, kaydka sarifka lacagaha qalaad ee Bangladesh ayaa aad hoos ugu dhacay, deynta dibadda ee Bangladesh ayaa labanlaabmay marka la barbar dhigo 2016.
Si kastaba ha ahaatee, ururada xuquuqul insaanka ayaa diiwaan galiyay boqolaal kiis oo dadka la wayay iyo dilal sharci daro ah oo ay gaysteen ciidamada amaanka Bangladesh tan iyo 2009kii.
Waa tuma Sheekh Xasina?
Sheekh Xasina Sheikh Mujibur Rahman, waxay ku dhalatay deegaanka Tungipara bariga dalka Bangaladesh sanadkii 1947-dii, waa gabadha madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaasi.
Dugsiga hoose waxay ku qaadatay tuuladeeda Tungipara. Markii qoyskeedu u guureen Dhaka, waxay dhigatay Dugsiga Hablaha ee Azimpur.
Heerkeeda kowaad ee Jaamacada ayey shahaadada kowaad ka qaadatay jaamacada Eden College.
Waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka ururka ardayda ee kuliyada Eden intii u dhaxaysay 1966 iyo 1967-kii.
Waxaa kale oo ay shaadaha ka haysataa dhaqanka iyadoo ka baxday jaamacad Dhaka oo ay ka baxday sanadkii 1973-dii
Sheekh Xasinay eyey is guursadeen MA Wazed Miah, oo ahaa saynisyahan nukliyeer ah oo Bengali ah oo shahaado sare ku qaatay cilmiga fiisigiska
Waa haweenay ka sheegay siyaasadda Qaarada Aasiyada doorkeedu sarreeyo.
Waxay laba jeer Ra’iisul wasaare ka noqotay dalkeeda iyadoo sidoo kale ah haweenaydii xilkaas haysay muddadii ugu dheeray dalka Bangaladesh.













