Maraykanka oo xulafadiisa ku wargeliyay in Iiraan ay weerar qaadi doonto 48 saac gudahood

Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa u sheegay dalalka ay jaalka yihiin ee G7 in Washington ay rumaysan tahay in weerarka Iran ay doonayso inay ku qaaddo Israa’iil uu bilaaban karo 24 – 48 saacadood gudahood sida laga soo xigtay warbaahinta Axios.
Warbixintu waxay sheegeysaa in dhigiisa dalalkaas uu arrinta kala hadlay ayadoo uu Maraykanku wado dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda, loogana hortagayo dagaal buuxa.
Blinken wuxuu u sheegay saraakiishaas uu telefoonka kul hadlay in Iran oo cadaadis lagu saaro inay xuduud u yeesho gulufkeeda ay tahay waddada ugu fiican ee looga baaqsan karo dagaal gobolka ka dhaca.
Wuxuu intaa ku daray in Ameerikaanku uusan ogeyn xilliga rasmiga ah ee weerarka ay Iran qorshaysay uu dhacayo, laakinse uu rumaysan yahay in dhakhsiyo uu u billaaban doono.
Aqalka cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu kulan la yeelan doono kooxda amniga qaranka, isagoo kala hadli doona xaaladaha ka soo cisboonaaday bariga dhexe. Wuxuu kaloo la hadli doonaa boqor cabdallaha Urdun sida uu aqalka cad sheegay.
Maraykanku wuxuu kaloo bariga dhexe u diri doonaa cudud ciidan kuwaasoo difaac noqon doona “si hoos loogu dhigo xiisadda” sida uu aqalka cad sheegay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani wuxuu sheegay Axaddii in wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamadaas todobada ah ay ugu baaqeen dhinacyada qaybta ka ah xiisadda ka taagan bariga dhexeinay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in xiisaddu sii kororto.
Xafiiska xogyahayaha difaaca ee Marykanka Lloyd Austin ayaa hadal laga soo saaray lagu sheegay inuu la hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Gallant fiidnimadii Axaddii, ayagoo ka wada hadlay “xaqa ay Israa’iil u leedahay inay iska difaacdo” khatar kasta oo kaga timaada Iran iyo xulafadeeda, iyo talaabooyinka uu maraykanku qaadayo ee uun ku xoojinayo difaaca Israa’iil iyo ciidankeeda ee Gobolka, sida hadalkaas lagu xusay.
Qayb ahaan dadaalka lagu yareynayo dagaal gobolka oo dhan ku baaha, ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo boqor cabdallaha Urdun waxay ku baaqeen in laga fogaado xiisad milateri oo sii weynaata oo wax kasta oo ay ku kacayso.
Israel Yahom ayaa iyadana soo tebisay in Maraykanku uu ansixiyey shixnad bambooyinka culus ah, kuwaasoo la hakiyey ka hor intii uusan dagaalku qarxin 7 Oktoobar.
Iran waxay sheegtay in aysan doonayn in xiisad ay ku baahdo bariga dhexe, laakinse waxay rumaysan tahay in ay ciqaabto Israa’iil si looga fogaado degaansho la’aan gobolka soo foodsaarta.
Hadalka oo ah qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasir Kanaani ayaa yimid ayadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay ka sii darto.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kanaani wuxuu tilmaamay in dalkiisu leeyahay “xaq aan ku difaacno amnigeenna iyo madax banaanida dhulkeenna,mana jirto cid xaq u leh Iran inay ka hor istaagto inay jawaab siiso kuwa ku soo xad gudbay”.
Wuxuu intaa ku daray in Iran ay doonayso daganaanshaha gobolka, balse “taa waxaa lagu gaari karaa in la ciqaabo kuwii soo duulay, lana abuuro jawi lagu weecinayo qar iska tuurnimada kuwa weerarka soo qaaday, beesha caalamkuna waa inay taageertaa in la ciqaabo weerar soo qaadeyaasha ayadoo hadafku yahay deganaanshaha gobolka”.
Israa’iil ayaa dhankeeda ku warrantay inay ciidan xoojin ah u dirtay magaalooyinka ku yaalla bartamaha dalkeeda ee xuduudda la leh d aanta galbeed iyo gobolka Sharon, “ayadoo laga cabsi qabo weerar la mid ah kii 7 Oktoobar inuu dhaco” sida ay hay’adda warbaahinta Israa’iil sheegatay.
Sida alaga soo xigtay idaacadda milater iga, tanio waxay la xiriritaa xog sirdoon oo ah inla damacsan yahay weerarro Falastiiniyiintu kaga soo galaan dhinaca daanya galbeed mustaqbalka dhow, kuwaasoo ay maamulayaan Iran iyo Xamaas sida uu sheegay wargeyska the Times of Israel.
Ilo falastiiniyiinta maxalliga ah ku dhow waxay shegeen in ciidanka Israa’iil ay xoog ku galeen magaalada Nablus, ayna xireen laba nin oo dhallinyaro ah oo guryahooda ay ugu galeen.
Guutada Al Quds oo ah garabka hubaysan ee Islamic Jihad ayaa qaybtooda Nablus waxay shegeen in in dagaalyahannadoodu ay iska hor yimaadeen ciidanka Israa’iil oo ay is dhaafsadeen rasaas iyo qaraxyo.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidanaka Israa’iil ay galeen qaybta bari ee magaalada, meel aan ka fogeyn qabriga nabi Yuusuf si ay uga hor istaagaan dad doonayey inay halkaas galaan.













