Taariikhda Cali Khamenei iyo wixii uu soo maray laga bilaabo markii uu ilmaha ahaa ilaa iyo xubinimadda Golaha Kacaanka

Taariikhda Ali Khamenei
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Warbixintan waxay ku saabsan tahay noloshii uu soo maray Cali Khamenei oo ahaa hoggaamiyihii labaad Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran.

Ali Khamenei wuxuu ka dhashay qoys balaaran

Cali Khamenei wuxuu dhashay 19-kii Abriil sanadkii 1939-kii. Wuxuu ku dhashay Magaalada Mashhad. Aabihiis, saddex gabdhood ayey u soo dhashay xaas kale guurkiisa hore, isagana hooyadii, Khadija Mirdamadi, waxay u dhashay carruur kale. Qoyskiisu waxa uu ka koobnaa 9 qof.

Cali Khamenei waxa uu marka hore Quraanka iyo waxbarashada diinta ka bartay hooyadii oo sida uu sheegay lahayd "cod aad u wanaagsan". Hooyadii waxay kaalin fiican ka soo qaadatay barbaarintiisa, meelo badan ayuuna taas ka sheegay.

Cali Khamenei hooyadii, Khadija Mirdamadi, waxaa la sheegay in ay aheyd "hooyo hadal fiican", waxayna aaminsaneyd in aan carruurta la cadaadin si aysan u noqon kuwa dadka cadaadiya, waxay aheyd qof aad ugu naxariisata carruurta. Carruurta been uma sheegin jirin sababtoo ah waxay aaminsaneyd hadii aad carruurta been u sheegto in iyagana ay beenalayaal noqonayaan.

Afar jir markii uu ahaa ayaa iskuulka loo diray, walaalkii ka weynaa Maxamed ayaana raaci jiray. Mr. Khamenei wuxuu aad uga baqi jiray macalinka dugsiga kaas oo u sheegay in uu tumi jiray ilaa uu ka weynaado.

Wuxuu si weyn uga hadlay saboolnimada uu soo maray markii uu ilmaha ahaa. Wuxuu sheegay in mararka qaar ay gaajo ku seexan jireen. Riyadiisa ugu weyn waxay aheyd sidii uu ku heli lahaa kabaha xirkaha leh. Ardayda ay isku fasalka ahaayeen iyo kuwa xaafada ayaa ku aflagaadeyn jiray dharka uu xiran jiray oo ahaa kuwa duug ah.

Cali Khamenei wuxuu sheegay intii uu ka gaarayay ilaa fasalka saddexaad ee dugsiga hoose in lagu tilmaami jiray "arday aad doqon u ah oo caajis badan," sababtuna waxa ay ahayd araggiisa oo liitay, laakiin wakhtigaas, qofna ma uusan garanayn sababta saxda ah. Sannadihii dambe waxaa soo baxday kartidiisii iyo awoodiisii, wuxuuna noqday ardaygii ugu sareeyay iskuulka.

Ali Khamenei waa ninka bidixda taagan

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Qoraalka sawirka, Bidix, Cali Ali Khamenei

Aabihiis wuxuu ahaa wadaad dhaqameed deggan magaalada Mashhad, wuxuuna diidanaa in uu wax ku barto nidaamka cusub ee waxbarashada. Intii uu wax ku baranayay Machadka Diinta ee Mashhad, Cali Khamenei, waxa uu galay imtixaanada fasalka lixaad isagoon aabihii ogayn.

Waxa si fiican loo ogyahay in Cali Khamenei uu si gaar ah u jeclaa sheekooyinka iyo gabayada. Sanadkasta waxa uu la kulmi jiray dadka gabya, ilaa uu ka geeriyoodana wuxuu aqrin jiray gabayada.

Ali Khamenei wuxuu sheegay in markii uu joogay Mashhad uu aqriyay buugaag sheeko oo ka badan kumanyaal.

Ali Khamenei wuxuu wax ku bartay Qom

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Wuxuu ka tirsanaa xertii Ruhollah Khomeini

Sanadkii 1936-dii ayuu Cali Khamenei u raacay hooyadii, Khadijeh Mirdamadi magaalada Najaf ee Ciraaq. Wuxuu halkaas ku qaatay casharo ay dhigayeen culumo ay ka mid ahaayeen Mohsen Hakim, Abolghasem Khoei, Mahmoud Shahroudi, iyo Hassan Bojnourdi.

Isagoo Najaf joogo ayuu aabihii u qoray waraaq uu ku codsanayay in uu sii joogo balse aabihii wuu diiday taas, labo bilood iyo bar kaddib wuxuu ku soo laabtay Iran

Mr. Khamenei waxa uu aaday Machadka Diinta ee Qom sanadkii 1955-tii. Qom, waxa uu kula kulmay Ayatullah Ruhullah Khomeini, aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Waxa kale oo uu in muddo ah uu dhiganayay casharrada hanuuninta Islaamka ee Ayatullah Hossein Ali Montazeri.

Inta badan ardayda deyn ayaa loo haystaa

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Qoraalka sawirka, Dhexda, Cali Ali Khamenei

"Ardayda mar walba deyn ayey ku jiraan"

Cali Khamenei waxa uu isku dayay in uu galo fasalka Ayatullah Boroujerdi sababo dhaqaale awgood. Wakhtigaas, Mr. Boroujerdi wuxuu ardayda siin jiray lacagta ugu badan. Laakiin Cali Khamenei kuma qanacsanayn habka loo bixin jiray lacagta, wuu ku qasbanaa in uu qaato maadama uusan haysan wax kale.

Inkastoo uu ku noolaa nolol aad u yar hadana sida ku qoran xusuus qorkiisa, wuxuu cuni jiray ukun, rooti iyo caano. Inta badan deyn ayaa lagu lahaa.

Sannadahaas, kaddib markii uu billaabay barashada luuqada Carabiga, waxa uu turjumay buug uu qoray gabyaagii caanka ahaa ee Carbeed, Khalil Gibran, oo la yidhaahdo "Dam'ah iyo Ibtisamah" oo loo turjumay Faarisi. Buuggan weligiis lama daabicin, sababtoo ah qoraa kale ayaa hore u daabcay.

Sanadkii 1964-tii ayuu guursaday Mansoureh Khojasteh Bagherzadeh. Warbaahinta Iran wax badan kama qorin xaaska Cali Khamenei. Sanad kaddib waxaa u dhashay wiilkooda ugu horeeyay Mustafa.

Bilowga dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barashada Ruhollah Khomeini ee Qom iyo in uu ka mid noqdo xertiisa ayaa horudhac u aheyd hamigiisa siyaasadeed.

Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee siyaasadeed ee Cali Khamenei, wuxuu ahaa in uu dib u soo saaro bayaannada Ayatullah Khomeini.

Waxaa muddo kaddib kordhay dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed balse in yar ayaa la socotay howlahiisa ka hor inta uusan dhalan kacaanka Islaamiga. Sannadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, waxaa la xiray dhowr jeer.

Kaddib markii la soo daayay uu ku soo laabtay Mashad, waxaa uu sheegay, "Hadii ay moodaan in qof looga joojin karo ujeedooyinkiisa iyo fakarkiisa in la garaaco ama la xiro, way qaldan yihiin, taas waxay xoojisaa hadafka qofka". Wuxuu sheegay in habka wax lagu badali karo ay tahay in iyagu isbaddelaan oo joojiyaan cadaadiska hadii kale waxay helayaan natiijo taas ka duwan.

Dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee Cali Khamenei waxa ay inta badan ka socdeen magaalada Mashhad. Wuxuu ku noolaa Mashhad laga bilaabo 1964-tii ilaa iyo 1977-kii, markaas kaddib ayuu u soo guuray Tehran.

Cali Khamenei wuxuu sheegay in sanooyin badan uu saaxiib dhow la ahaa Akbar Hashemi Rafsanjani. Wuxuu sheegay in ay hal dhismo wada daganaayeen kaddibna ay isku qol noqdeen.

Shaahii Iran ayaa Cali Khamenei dalka degdeg uga masaafuriyay kaddib markii la xiray sanadkii 1977-dii.

Intii uu masaafuriska ku maqnaa, waxa uu warqad u qoray Guddiga Xorriyada iyo Xuquuql Insaanka Iran, isagoo ka codsaday in ay wargeliyaan hay'adaha caalamiga ah, sida Laanqeyrta Cas, "in boolisku ay si xun ula dhaqmeen" isaga iyo culimo kale oo la masaafuriyay.

ka mid noqoshada kacaanka Iran

Xigashada Sawirka, khamenei.ir

Ka mid noqoshada Golaha Kacaanka

Morteza Motahari, oo ka mid ahaa xerta Ruhullah Khomeini ah ayaa ku adkeystay in Cali Khamenei uu ka mid noqdo dadka la socda Ruhullah Khomeini marka uu imaanaya Iran.

Iskuulka Refah wuxuu noqday saldhiggii ugu horreeyay kacaanka, Mr. Khamenei-na waxa la geeyay halkaas isagoo xubin ka ahaa Golaha Kacaanka. Xiligaas waxaa socday tartan u dhexeeyay wadaada Shiicada iyo siyaasiyiinta.

Dabayaaqadii 1979-kii ayey Cali Khamenei iyo culumo kale oo ay ku jiraan Mohammad Beheshti, Mohammad Javad Bahonar, iyo Akbar Hashemi Rafsanjani sameeyeen Xisbiga Jamhuuriyadda Islaamiga.

Wuxuu si xun ugu dhaawacmay qarax ay fuliyeen kooxda Furaqaan bishii July sanadkii 1988-dii.