Kumuu ahaa Ayatollah Cali Khamenei?

Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii sare ee Iran Cali Khamenei, qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Khamenei, mid ka mid ah dadka ugu xun taariikhda, waa dhintay. Tani ma aha oo kaliya mid Cadaalad u ah shacabka Iiraan, laakiin sidoo kale waa mid Cadaalad u ah dhammaan Mareykanka weyn, iyo dadka ka soo jeeda dalal badan oo adduunka ah, kuwaas oo uu Khamenei iyo kooxdiisu ku dilay ama ku dhaawacay.

Marykanka iyo Israa'iil ayaa weerarro cusub ku qaaday Iran, iyagoo mar kale meesha ka saaray wada xaajoodkii barnaamijka nukliyeerka ee Iran, waxayna sare u qaadeen su'aalo ku saabsan dadaallada lagu bartilmaameedsanayo amniga iyo hoggaanka dalkaas.

BBC-da qeybteeda Verify ayaa heshay sawirro dayax-gacmeed oo laga qaaday Tehraan subaxnimadii maanta, kuwaas oo muujinaya burbur weyn oo soo gaaray qayb ka mid ah guriga hoggaamiyaha, ahna xafiiska Hogaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Airbus

Kumuu ahaa Khamenei?

Shakhsiga ugu awooda badan Iran wuxuu ahaa Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.

Wuxuu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Waxa uu awood u lahaa amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa.

Ayatollah Khamenei waxa kale oo uu gacanta ku hayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta Basij.

Sidoo kale, wuxuu ahaa qofka ugu awoodda badan marka ay timaaddo amarrada wax looga qabanayo mudaaharaadyada.

Ninakn oo 86-jir caalim ahaa ayaa ahaa hogaamiyaha ugu sareeya Iran tan iyo 1989-kii, isagoo bedelay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee geeriyooday, Ayatollah Ruhollah Khomeini, oo ka soo laabtay masaafuristii, wuxuuna waday kacaankii Iran ee 1979-kii ee afgambiyey xulafadii Mareykanka iyo Shah, Mohammad Reza Pahlavi. Wuxuu awood u lahaa dhammaan laamaha dowladda, ciidamada iyo garsoorka, isagoo sidoo kale u dhaqmayay sidii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka.

Ayatollah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muddadii 36-ka sano ahayd ee uu xukunka ku hayay magaca Islaamka, waxa uu waday siyaasado ka dhan ah Maraykanka iyo reer galbeedka, isaga oo ku tiirsanaa badbaadada Ruushka iyo Shiinaha. Waxa uu ku dhaqaaqay siyaasad nukliyeer ah oo oo dalka u sababtaycunaqabataynta caalamiga ah ee labaad ee ugu cuslayd taariikhda kadib Ruushka, taas oo dalka ka dhigtay mid faqiir ah.

Isku daygii uu ku doonayay in uu awood ku yeesho Bariga Dhexe ayaa dab qabadsiiyay gobolka. Baaqiisa ku aaddan burburinta Israa'iil waxay horseedeen dagaallo lala galo Israa'iil.

Mudaaharaadyadii ugu dambeeyay, Ayatullah Khamenei ayaa u fasaxay ciidamada ammaanka si ay u xasuuqaan dibadbaxayaasha.

Xiritaanka Internetka ee dalka Iran ayaa adkeynaya in si cad loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhiigga daadanayaybalse kumannaan qof ayaa ciidamada ammaanku ku laayeen, ma ahan oo kaliya magaalooyinka iyo tuulooyinka, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay dibadbaxyada.

Cidda ama waxa beddeli lahaa ma cadda. Fowdo iyo sharci darro ayaa dhici karta. Laakiin waxay u badan tahay, Ilaalada Kacaanku inay isku dayi doonaan inay buuxiyaan booska bannaan oo ay abuuraan xukun milatari.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cli Khamenei ayaa ahaa madaxweynaha Iiraan laga bilaabo 1981 ilaa 1989

Cali Khamenei waxa uu ku dhashay magaalada Mashhad ee waqooyi bari sanadkii 1939-kii, waana wiil uu dhalay caalim dhanka diinta ah, Cali Khamenei waxa uu wax ku bartay machadyo ku yaalla magaaladii uu ka soo jeeday ka hor inta uusan u wareegin magaalada Qom ee ay Shiicada barakeystaan.

Sannadkii 1962-kii, waxa uu ku biiray dhaqdhaqaaqa mucaaradka diineed ee Ayatollah Khomeini ee ka soo horjeeday Shah Mohammad Reza Pahlavi.

Cali Khamenei oo da'da yar wuxuu noqday taageere daacad u ah Khumeyni. Sida laga soo xigtay xogtiisa, wax kasta oo uu sameeyay oo uu aaminsanaa waxay ka soo jeedaan aragtida Khumeyni ee Islaamka.