Maxaan ka ognahay weerarka ay Israa'iil ku qaadday Iiraan?

Tehran

Xigashada Sawirka, Vahid Online

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Seeriyaasha digniinta ayaa laga maqlay guud ahaan Israa'iil abbaare 08:15 xilliga maxalliga ah (06:15 GMT), iyadoo dadka looga digayo khatarta weerar gantaal oo suurtagal ah. Weerarrada Israa'iil ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya mas'uuliyiinta Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo lagu doonayo heshiis lagu xakameynayo barnaamijka nukliyeerka Iran laguna baajinayo dagaal, iyadoo wada-hadallada la filayay inay sii socdaan toddobaadka soo socda.

Iran ayaa tanaasulaad ka sameysay wada-hadallada, inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump—oo horay ugu hanjabay inuu weerari doono Iran si uu cadaadis ugu saaro hoggaamiyeyaasheeda inay aqbalaan heshiiska—uu shalay sheegay inuusan "ku faraxsanayn" hannaanka ay wada-hadalladu u socdaan.

Trump ayaa amray dhismihii ugu weynaa ee ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe tan iyo duullaankii Mareykanku horkacayay ee Ciraaq sanadkii 2003, balse wuxuu wax yar ka sheegay sababta keeni karta in hadda loo baahdo tallaabo ciidan. Iran, dhankeeda, waxay ballan-qaaday inay xoog kaga jawaabi doonto weerar kasta.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Vahid Online

Wasiirka gaashaandhigga Israa'iil, Israel Katz, ayaa sheegay in "weerarka ka-hortagga ah" uu ahaa mid "looga saarayo khataraha ka dhanka ah dowladda Israa'iil". Bishii Juun ee la soo dhaafay, Israa'iil ayaa weerar ku qaadday Iran, taas oo horseedday Dagaalkii 12-ka Maalmood. Mareykanka ayaa ugu dambeyntii ku biiray Israa'iil intii uu socday khilaafku, iyagoo beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iran.

Dhowaan, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ka digay waxa ay ku tilmaameen khatarta ay dalkiisa ku hayaan gantaallada ballistic-ga ah ee Iran, wuxuuna muujiyay sida uu uga soo horjeedo heshiis diiradda saaraya oo keliya barnaamijka nukliyeerka Iran.

Iran ayaa diidday inay ka wada hadasho xaddididda barnaamijkeeda gantaallada ballistic-ga ah iyo sidoo kale joojinta taageerada ay siiso kooxaha ay u adeegsato gobolka, oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Qasa, Xisbullaahi ee Lubnaan, maleeshiyaadka Ciraaq, iyo Xuutiyiinta Yemen, iyadoo sheegtay in dalabaadkaasi ay yihiin xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Iiran

Xigashada Sawirka, Vahid Online

Telefishinka dowladda Iiraan ee IRINN, ayaa isagana qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in 28-kii bishii Febraayo la duqeeyay magaalada Tehraan, ka dib wax ay Israa'iil ku tilmaantay weerar ka hortag ah oo ka dhan ah Iran.

Warfidiyeenka ayaa muddo kooban uu hakad ku yimid cod abbaare 06:30 GMT, ka hor inta aanu dib u bilaabin barnaamijkii, isagoo soo bandhigay calaamad muujinaysa qiiq iyo dhawaqa qaraxyo ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda.

IRINN ayaa intaa ka dib hawada ka sii daysay muuqaallo hore loo duubay oo ah isu soo baxyo taageero ah oo ay wehelinayeen muusik iyo hadalladii kaydka ahaa ee hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei oo ku baaqaya in loo midoobo "cadowga", iyada oo ay barbar socoto waraysiyo lala yeeshay taageerayaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka soo horjeeda faragelinta shisheeye.

Tehran

Xigashada Sawirka, Vahid Online

Mareykanka ayaa Israa'iil kala shaqeeyay weerarkii Iran, sida ay sheegeen warbaahinta Israa'iil iyo Mareykanka.

CNN ayaa sheegtay in weerarka Israa'iil lagala shaqeeyay Mareykanka, sidoo kale Ynet News ee Israa'iil ayaa sidaas sheegtay.

BBC-da ayaa la xiriirtay saraakiil ku sugan Mareykanka si ay u xaqiijiyaan.

Mareykanka muxuu ka yiri?

Tehran

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku daabacay muuqaal siddeed daqiiqo ah bartiisa bulshada ee Truth Social, isaga oo xaqiijiyay in Mareykanku ku lug lahaa weerarka lagu qaaday Iiraan.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku "uu howlgallo ballaaran oo iska caabbin" ku qaaday Iiraan kadib muuqaal uu soo dhigay barta Truth Social.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Maraykanku aanu "go'aan kama dambays ah ka gaarin" in uu duqeeyo Iran iyo in kale - laakiin waxa uu intaa ku daray in aanu "ku faraxsanayn" mawqifkooda gorgortanka inta lagu jiro wadahadalada nukliyeerka.

Trump ayaa sheegay in Iran "aysan doonayn inay na siiso waxa aan haysanno", isagoo ku adkaystay in Iran "aysan haysan karin hubka nukliyeerka".

Wadahadallo aan toos ahayn oo labada dal ku dhexmaray magaalada Geneva ayaa horraantiisii ​​toddobaadkan dhacay, iyadoo labada dhinac ay sheegeen in horumar laga gaaray heshiis laga gaaray.

Washington ayaa sare u qaadaysay cadaadiska Tehran si ay u oggolaato heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka, iyadoo Trump uu si isdaba joog ah u sheegay in Maraykanku "diyaar u yahay, oo uu awoodo" inuu u dhaqmo "si degdeg ah iyo rabshad, haddii loo baahdo".

Mar la weydiiyay in xiisadaha ay horseedi karaan isku dhacyo ka dhaca Bariga Dhexe, Trump ayaa u sheegay saxafiyiinta ku sugnaa Aqalka Cad in "mar walba ay jirto khatar".

"Marka uu dagaal dhaco, waxaa jira khatar wax kasta - labadaba wanaag iyo xumaan," ayuu raaciyay.

Magaalooyin kale ayaa qaraxyo laga maqlay

Iiran

Xigashada Sawirka, Vahid Online

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalooyin ku yaala dalka Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Wakaalada wararka ee Fars ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Isfahan, Qom, Karaj, iyo Kermanshah.

Wakaaladda wararka ayaa sidoo kale sheegtay in dhowr gantaal ay ku dhaceen waddada Jaamacadda iyo nawaaxiga jamhuuriyadda ee caasimadda Iran ee Tehran.

Qaraxyo ayaa laga maqlay labo goobood oo ku yaalla magaalada Tehran, sida ay sidoo kale sheegtay wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Waxaa lagu sheegay in bartamaha magaalada qiiq lagu arkayo.