Wax ka ogow saddexda siyaabood ee Israa’iil uga jawaabi karto weerkii Iiraan

jawaabta Isra'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Majaladda Foreign Policy ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa soo bandhigtay saddex fursadood oo ay Israa’iil kaga jawaabi karto weerarkii dhawaan ay Iiraan ku qaadday boqolaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha la hago, gaar ahaan ka dib markii golaha dawladda dagaalka Israa’iil ku dhawaaqday in aanay jirin wax kale oo ay kaga jawaabto weerarradaas.

Jack Deitch, oo ah weriyaha Pentagon-ka ee arrimaha amniga qaranka ee majaladda Foreign Policy, ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant uu u xaqiijiyey wasiirka gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin in Israa’iil ay ka jawaabi doonto weerarka inkasta oo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo saraakiishiisa sare ay ka dalbadeen Netanyahu inuu si taxaddar leh uga jawaabo.

Washington kama qayb qaadan doonto mana taageeri doonto weerar kasta oo Israa’iil l toos ah ku qaado Iran.

Deitch, wuxuu sheegay in Israa’iil ay tahay inay doorato inta u dhaxaysay weerar cirka oo toos ugu qaado dhulka Iiraan, laga yaabee inay bartilmaameedsato barnaamijka Nukliyeerka ama bartilmaameedyo kale oo muhima.

Sidaas oo kale inay qaado hab kale oo ku haboon dhimista halista dagaal oo gobolka ah.

Talaabada kale waa inay qaado Israa’iil weerar dhanka internetka oo ka dhana Tehran ama weerar lala eegto hogaamiyaasha Iiran meel ka baxsan Iiraan. Tan kale ee la filan karo inay Israa’iil qaado waa inay weerarto kooxaha ay Iiran taageerto ee gobolka.

JAWAABTA ISRAA'IIL

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraaga Maraykanku wuxuu si faahfaahsan u aqoonsaday saddex doorasho oo suurtagal ah oo noqon karta jawaabta Israa’iil.

Haddii Iran ay go'aansato inay sameysato hub nukliyeer ah, waxaa laga yaabaa inay awood u yeelato inay soo saarto hub sida ugu dhaqsaha badan dhowr bilood gudahood, saraakiisha sare ee Mareykanka ayaa tilmaamay sidan sanadkii hore.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waxay ka dhigeysaa xarumaha Nukliyeerka Iran inay yihiin bartilmaameed soo jiidasho leh oo reer Israel ah, laakiin kororka ayaa noqon doona mid muhiim ah.

Khubarada ayaa ka digaya in tani ay sidoo kale u jiidi karto " saaxiibada Iiraan" sida Xisbullah ee Lubnaan, inay si toos ah iskaga hor imaadaan Israa’iil.

Qoraaga Maraykanka ah ayaa sharxay in Israa'iil ay weerari karto bartilmaameedyo gudaha Iran ah oo aan si toos ah ula xiriirin barnaamijka Nukliyeerka. Tusaale ahaan, waxay bartilmaameedsan kartaa taliye ciidan oo muhiim ah sida Sarreeye Guuto Amir Ali Hajizadeh, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee IRGC, kaasoo soo maleegay weerarka gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Israa’iil waxay kaloo baacsan kartaa goobaha militariga ama bakhaarrada hubka ee gudaha dalka, ama xitaa xarunta dhexe ee Ilaalada Kacaanka Iran, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay bilowdo olole dil ah oo sii kordhaya oo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran ee ku sugan meel ka baxsan Iran, sida Ciraaq iyo Suuriya.

Ma rabno dagaallo kale

JAWAABTA ISRAA'IIL

Xigashada Sawirka, MODOONO/NORTHEASTERN UNIVERSITY

Falanqeeyaha siyaasadeed ee Israa’iil iyo qoraa Dalia Sheindlin ayaa ka digay in Netanyahu uu wajahayo su'aalo adag oo ku saabsan Iran, "sababtoo ah Israa'iil uma baahna dagaallo badan oo aan dhammaad lahayn."

Waxay ku sheegtay maqaal lagu daabacay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, inkasta oo Israa’iiliyiintu ay dareemayaan nafis kadib markii ay ku guulaysteen inay ka hortagaan weeraradii Iran, inkasta oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay si toos ah u weeraraan Tehraan, haddana xukuumadda Netanyahu waxay doonaysaa jawaab milateri.

Iyadoo taasi jirto, haddana gudaha cadhadu waxay ku badan tahay Daanta Galbeed, shaqo la'aan baahsan tan iyo markii Israa'iil ay joojisay oggolaanshaha shaqo ee dad badan, isgoysyada xaddidan, iyo rabshadaha dadka deggan oo sii kordhaya

Dhanka Qasa , Netanyahu iyo isbahaysigiisa waxay si adag u diideen qorshe kasta oo xabad joojin ah, iyagoo halis sii galin kara lahaystayaasha reer Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas sida ay qoraagu sheegtay

Hubka qarsoon ee Xamaas

Falanqaynta xaaladda ka dib weerarkii Iiraan ee Israa'iil, Times of Israel ayaa daabacday warbixin ciwaankeedu yahay "hubka sirta ah ee Xamaas oo aan cidina ka hadlin iyo nacasnimada reer galbeedka."

Qoraaga Jassy Papp, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Amniga Qaranka ee Tel Aviv, ayaa ka hadlay saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin maskaxda iyo faafitaanka waxa uu ku tilmaamay nacasnimada, taas oo ay ka faa'iideysteen kooxo kala duwan, oo ay ku jiraan "Xamas, kooxda a Falastiiniyiinta ee go'aansaday inay burburiyaan. Israa'iil."