Iiraan oo awood ciidan ugu faantay Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Iiraan Ibrahim Raisi ayaa cambaareeyay in caadi laga dhigo xiriirka dalalka Carabta iyo Israa'iil wuxuuna Israa'iil uga digay arrintaas.
Raisi ayaa xiriirka Carabta iyo Israa'iil ku soo hadal qaaday xilli uu ka hadlayay dhoollatus militari oo lagu qabtay caasimadda Tehran, oo lagu xusayay maalinta ciidamada dalkaas.
Isagoo Israa'iil digniin u jeedinaya ayaa wuxuu yiri, "Haddii Israaiil ay dooneyso inay caadi ka dhigto xiriirka dalalka qaar, markaas way ogtahay in ficilladeeda ugu yar aysan annaga naga qarsooneyn.
"Haddii ay khalad sameeyaan, waxaan si toos ah u weerari doonnaa maamulka Yahuudda quwadda ciidamadeennana uma oggolaaneyso inay nabad ku joogaan."
Sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan, dhoollatuska militari ayaa la qabtay labo sano kaddib sababo la xiriira xanuunka Covid, waxaana goobjoog ka ahaa hoggaamiyeyaal sare iyo saraakiil militari.
Hub cusub iyo weliba qalab militari ayaa lagu soo bandhigay. Ibrahim Raisi ayaa sidoo kale ammaanay Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Xigashada Sawirka, EPA
Cadowtooyada Iiraan iyo Israa'iil waa mid soo jireen ah
Iiraan ma aqoonsana Israa'iil. Sidoo kale Israa'iil ayaa dhowr mar sheegtay inaysan u dulqaadan doonin Iiraan oo heysata hubka nukliyeerka. Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo dalalka Galbeedka. Balse tan iyo intii uu madaxweyne noqday Joe Biden, waxaa socda dadaallada lagu soo cusbooneysiinayo heshiiska.
Bishii la soo dhaafay, wada hadallo arrintaas ku saabsan ayaa la hakiyay sababtoo ah Iiraan ayaa Mareykanka ka dooneysay in Ilaalada Kacaanka ay ka saarto liiska argagixisada, balse lama xallin codsigan wada hadalladana sidaas ayay ku istaageen.
Iiraan ayaa dhowr jeer ku eedeysay in Israa'iil ay weerartay xarumaheeda nukliyeerka ayna dishay saynisyahanno nukliyeerka ah oo Iiraan u dhashay. Israa'iil ma aysan beenin mana xaqiijin eedeymahaas.
Waxaa intaa dheer, inuu soo ifbaxay dagaal badda ah oo u dhaxeeya labadan dal, oo dhowr jeer maraakiib iska weeraray.
Israa'iil ayaa walaac ka muujineysay barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iiraan. Waxay Israa'iil ka shakisan tahay un Iiraan ay horumarineyso hubkeeda nukliyeerka, taas oo ay Iiraan beenisay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Indhaha Iiraan waxay ku jeedaan Israa'iil iyo dalalka Khaliijka
Sanadihii la soo dhaafay, dalal badan oo Khaliijka ah ayaa xiriir dhow la yeeshay Israa'iil. Bishii la soo dhaafay, shir weyn oo ay ka qeyb galeen afar dal oo Carab ah ayaa lagu qabtay Israa'iil, kaas oo uu xitaa ka qeyb galay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta, Baxreyn, Morocco iyo Masar ayaa ka qeyb galay shirkan. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Israa'iil ay soo qaban qaabiso shir ay ka qeyb galaan saraakiil sare oo dalalka Carabta ka socda.
Shirkaas iyo isu soo dhowaanshahaad ayaa sidoo kale loo arkaa isbahaysi goboleed oo cusub oo ka dhan ah Iiraan. Waxaa sidoo kale la sheegay in kulankaas lagu caddeeyay in dalalka Carabta ay diyaar u yihiin xoojinta xiriirka Israa'iil iyadoo aan la xallin arrinta Falastiin.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa'iil, Wasiirka Aarrimaha Dibadda ee Israa'iil Yair Lapid ayaa sheegay in dhammaan dalalka ka qeyb galay shirka ay ka wada xaajoon doonaan dhismaha "hannaan goboleed" oo looga hortagayo gantaallada iyo weerarrada badda. Lapid ayaa hadalkaas ula jeeday Iiraan amaba xulafadeeda.
Dhab ahaantii, dhammaan dalalkaas ayaa su'aalo iska weydiinayay dhaqdhaqaaqyada Iiraan.
Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraatka ayaa sidoo kale mar walba shaki ka qabay Iiraan iyo Ilaaladeeda Kacaanka ee Islaamiga ah (IRGC). Weriyaha BBC ee arrimaha ammaanka Frank Gardner ayaa sababta ku sheegay warbixintiisa, isagoo yiri, "Waxay ka walwalsan yihiin Iiraan sababtoo ah Iiraan waxay Bariga Dhexe ka sameysay kooxo maleeshiyo oo awood badan taas oo meel ka dhac ku ah cunaqabateynta caalamiga ah." ''
Iiraa ayaan ka gabban ka hadalka cadowtooyada ay u heyso Iisraa'iil, iyadoo digniinna u dirta dalalka Carabta.
Si kastaba, Ibrahim Raisi ayaa yiri, "Istaraatiijiyaddeennu maaha inaan weerarno balse waa inaan is difaacno," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray, "Militariga Iiraan wuxuu si fiican uga faa'iideystay cunaqabateynta isagoo sida ugu wanaagsan isu horumariyay."










