Xiriirka Israa'iil iyo Carabta: Mala filayaa heshiisyo iyo isbedello cusub?

Mr Netanyahu ayaa dhankiisa qaadacay isbahaysiga cusub ee ay xisbiyada mucaaradku dhisteen.

Xigashada Sawirka, Reuters

Benjamin Netanyahu ayaa xilkiisii waayay ka dib 12 sano oo uu hayay xilka ugu sarreeya ee Israa'iil. Baarlamaanka ayaa cod ay ku taageerayaan siiyay dowlad isbahaysi cusub ah.

Naftali Bennett oo ah nin ka tirsan garabka midig, islamarkaana ah nin ay waddaniyadda Israa'iil ku adag, ayaa loo dhaariyay raii'sul wasaaraha cusub ee Israa'iil.

Netanyahu ayaa dhankiisa qaadacay isbahaysiga cusub ee ay xisbiyada mucaaradku dhisteen.

Sida ku cad heshiiska awood qeybsiga, Naftali Bennet - oo ah nin diinta iyo waddaniyadda ay ku wayn tahay, ayaa muddo labo sano ah xilka rai'sul wasaaraha hayn doona, waxaana ka dib kala wareegi doono hoggaamiyaha xisbiga dhexe, Yair Lapid.

Carabta ma filayaan isbedel dhanka Israa'iil ah

Haddii dhammaadka xukunka 12-ka sano qaatay ee Benjamin Netanyahu uu gudaha Israa'iil ka dhaliyay dhulgariir siyaasadeed, saameyntiisa waxay ku egtahay xudduudaha Israa'iil.

Elham Fakhro, oo ah falanqeeye sare oo ku sugan Wadamada Khaliijka, kana tirsan Kooxda Caalamiga ee Xasaradaha ayaa yiri: "Runtii tan lagama hadlayo ama laga fikiri maayo."

"Kuwa daneeya arrimaha Falastiin, waxay u arkeen dowlad kasta oo Israa'iil ah in ay isku mid yihiin, waxay dareemayaan in qabsashada sii socon doonto iyadoo aan loo eegin cidda wejiga u ah."

Netanyahu, muddadii dheerayd ee uu ahaa siyaasi isbadalo waaweyn la yimid, waxaa ka mid ah xiriirka Israa'iil iyo Carabta.

Geedi socodkii nabadeed ee Falastiiniyiinta ayaa fashilmay. Israa'iil ayaa kordhisay dagaalka ay kula jirto Iran, iyadoo si joogto ah u duqeynaysay bartilmaameedyo kala duwan, sida dalka xulafada la ah Iran ee Suuriya.

Isaga oo la kaashanaya madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald J. Trump, Israa'iil waxay gaartay heshiisyo cusub oo ay ku dhisayso xiriir diblomaasiyadeed oo afar dal oo Carab ah ay la yeelatay.

Taas waxay gacan ka gaysatay baabi'inta arrin muddo dheer soo taagnayd ee ahayd is afgaradkii Carabta ee ka dhanka ahaa la macaamilka dawladda Yuhuudda.

Balse qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa filayo in arrintaas ah xiriirka xun ee Israa'iil iyo carabta uusan waxba hadda iska badeli doonin. Balse kaliye Netanyahu laga beddelay hoggaanka Israa'iil.

Dibadbaxayaal ka soo horjeeda Netanyahu oo isugu soo ururay bannaanka baarlamaanka Qudus xilli ay codbixintu socotay

Xigashada Sawirka, Reuters

Ra'iisul wasaaraha cusub, Naftali Bennett, waxaa la sheegay inuu "neceb yahay fikirka ah dowladda Falastiin sida Netanyahu."

Sidoo kale ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in arrintaas ay ka wada hadleen dhinacyada heshiiska la galay Israa'iil ee afarta dowladood ee Carbeed.

Waa heshiiskii loogu yeeray Abraham ee Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn, ayna daba socdeen heshiisyo la mid ah kuwaas ay la galeen Suudaan iyo Marocco. Lama hub hadda in heshiisyadaas ay meesha ka bixi doonaan iyo in kale.

Naftali Bennett oo hadal u jeediyay golihiisa wasiirrada ayaa sheegay in shaqo culus ay hortaallo, ayna tahay in Israa'iil ay horey u socoto.

"Maalmo cusub ayaan bilaabaynaa, waana kuwo adag, haddii aan niraahno kama aanan badbadin. Dowlad midnimo ayaa inaga dambeysa, hadda dhammaan shacabka Israa'iil way na eegayaan, waana in aan fulinaa wixii aan ballan qaadnay," ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: "Annaga oo wada jirna ayaan tallaabo qaadaynaa, annaga oo is kaashanayna, islamarkaana qaadanayno mas'uuliyada ah in aan bogsiinno wixii na kala gaaray, dalkana aan isu keenno oo aan dib u howlgalinno, kaddib muddo dheer oo curyaamin iyo is qabqabsi uu jiray. Hore ayaan u soconaynaa."

"Heshiisyada Abraham ma ahan heshiis u gaar ah Netanyahu," ayuu yiri Cabdulkhaliq Cabdulla, oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraatka Carabta.

"Waa heshiis uu hor kacayo Imaaradka Carabta, waxayna ka dheereyn doonaan Netanyahu ama ra'iisul wasaare kasta oo Israa'iil ah."

Calamada Israa'iil iyo Imaaraatka carabta, ka dib markii heshiiska ay wada saxiixdeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Calamada Israa'iil iyo Imaaraatka carabta, ka dib markii heshiiska ay wada saxiixdeen.

"Bennett waa khabiir ku takhasusay diimaha oo taageera qorshaha ballaarinta iyo deeegaamaynta, wuxuuna ka soo horjeedaa dowlad Falastiin ah. Balse wuxuu halis ugu jiraa inuu waayo shaqadiisa haddii uu kala fogeeyo asxaabtiisa ka midka ah isbahaysiga dowalada cusub", ayuu hadalka ku sii daray Khabiirkan, Cabdulkhaliq Cabdulla.

Taasi wuxuu micnaheeda yahay in uu sii socon doono habka Netanyahu ee maareynta khilaafaadka tobannaanka sano soo jiray, iyada oo aan la isku deyi doonin in la soo afjaro.

Ku lifaaqida Daanta Galbeed ee la haysto iyo duullaanka Qaza, ayaa laga yaabaa in ay miiska ka baxaan, Balse sidoo kale tanaasul kasta oo weyn oo Falastiiniyiinta ah.

Dowlad kasta oo Israa'iil ah waxay ballaarisay deegaamaynta Daanta Galbeed iyo bariga Qudus, oo ay Israa'iil ku qabsatay dagaalkii 1967. Falastiiniyiinta na waxay doonayaan in dowladnimadooda mustaqbalka ay fariisin u noqoto Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed.

Dowladda cusub ee Israa'iil ayaa la filayaa in ay ilaaliso mowqifka adag ee Netanyahu uu ka qaatay Iran, kana soo horjeedo dadaalka madaxweyne Joe Biden ee dib u soo nooleynta heshiiskeeda caalamiga ee nukliyeerka.

Balse saraakiisha sarsare ee Israa'iil ayaa mar hore wacad ku maray inay diidi doonaan heshiiska iyagoo albaabada uu u xiran yahay, halkii ay banaanka ka keeni lahaayeen khilaafka, sidii Netanyahu u sameeyay sanadihii Obama.

Dowladda Bennett, waxay sidoo kale u badan tahay in ay Biden kala shaqeyn doonto xoojinta xiriirka ay la leedahay dowladaha Carabta.

Bennett, Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Israa'iil, ayaa xilka hayn doona illaa iyo bisha September 2023, sida uu dhigayo heshiiska isbahaysiga.

Netanyahu oo ah siyaasi ruug caddaa ah, ayaa hoggaamin doona xisbigiisa garabka midig ee Likud, wuxuuna noqonayaa hoggaamiyaha mucaaradka.

Benjamin Netanyahu ayaa xilka Ra'iisul wasaaraha soo hayay shan muddo-xileed, waxaana markii ugu horreysay uu xilka qabtay 1996 ilaa 1999, iyo 2009 ilaa 2021.

Bishii April 2019, ayuu doorasho ku baaqay, balse waxaa uu ku guul dareystay in uu helo taageero ku filan oo uu ku soo dhiso dowlad cusub, waxaana taasi xigay labo doorasho oo ka dambeeyay oo uu ku wada guuldareystay.

Benjamin Netanyahu Ra'iisul wasaarihii xilka soo hayay muddada 12-ka sano ahayd, ayaa sheegay in maaddaama isaga iyo taageerayaashiisa ay ku sii jeedaan in ay mucaarad noqdaan, aysan is dhiibi doonin ilaa ay ridaan dowlad uu ku tilmaamay in ay halis tahay.

Waxaa uu sidoo kale ammaanay taageerayaasha xisbigiisa, wuxuuna qaadacay dowladda isbahaysiga cusub ee ay codka siiyeen baarlamaanka.

"Waxaan halkan taaganahay aniga oo ah wakiil ay shacabka doorteen. In ka badan hal milyan oo Israa'iliyiin ah oo u codeeyay xisbiga Likud oo aan aniga hoggaamiyo iyo waliba hal milyan oo kale oo u codeeyay xisbiyada midigta, iyaga oo og in ay qeyb ka noqon doonaan dowladda aan imika hoggaamiyo."

"Aad ayaan dhammaantood ugu mahad celinayaa, waxaan sii wadi doonaa in aan fuliyo hadafka ugu wayn nolosheyda, si loo xaqiijiyo jiritaanka Israa'iil ammaan iyo barwaaqo ah," ayuu yiri.