Israa'iil iyo Falastiin: Dagaalkii lixda maalin qaatay ee Israa'iil iyo Carabta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah dagaalladii ugu ba'naa ee muddo sanado ah dhexmara Isaar'iil iyo Falastiiniyiinta ayaa galay Isbuucii labaad, iyada oo lagu guuldaraystay in la dhaqangeliyo dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay.
Colaadda ka dhexaysa labada dhinac ayaa ah mid soo socotay muddo tobannan sano ah. Waxaa jiro su'aallo badan oo la iska weydiinayo sababta aysan wadamo badan oo Carabta ah ugu dhiiran karin in ay difaacan Falastiin.
Qaar ka mid ah wadamada Muslimiinta, sida Turkiga, ayaa safka hore uga jira wadamada cambaaraynaya ficilada ay ku tilmameen kuwa "guracan" ee Israa'iil iyo sida ay u wajahday xiisadda hadda taagan. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay cabsida ah inuu dagaal buuxa ka dhex qarxo labada dhinac.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wax ka ogow dagaalkii lixda maalin qaatay ee Israa'iil iyo Carabta
Dagaalkii Lixda Maalmood, oo sidoo kale loo yaqaanay Dagaalkii Juun, 1967, ee u dhexeeyey waddamada Carabta iyo Israa'iil; ama Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Israa'iil; waxaa la qaaday intii u dhaxeysay 5 iyo 10 Juun 1967, wuxuuna u dhexeeyey Israa'iil oo dhinac ahayd iyo Urdun, Suuriya, iyo Masar.
Xiriirka u dhaxeeya Israa'iil iyo deriskeeda ayaa xumaaday ka dib dagaalkii 1948-tii. Sannadkii 1967, Israa'iil waxay guul ka soo hoyisay dagaalkii ay la gashay Masar, Suuriya iyo Urdun.
Maalinkaas, Israa'iil waxay qabsatay dhul ballaaran oo ay ka mid yihiin gacanka Siinay ee Masar, buuraha Golan Heights iyo Daanta Galbeed oo ay ka qabsatay Urdun, wixii wakhtigaas ka dambeeyay Masar iyo Suuriya waxaa ka go'neyd in ay dib u qabsadaan dhulkii lagala wareegay.
Horraantii sanadihii 70-meeyadii, waxaa dunida ka taagnaa dagaalkii qaboobaa, Mareykanka wuxuu taageero siinayay Israa'iil halka midowgii Soviet uu taageerayay Masar iyo Suuriya. Dagaalkii u dhexeeyay dalalka carabta iyo Israa'iil wuxuu galay waji kale oo ah in ay ku soo biiraan labadii quwadood ee dunida xilliggaas ka talinayay.
Mareykanka wuxuu heystay hub casri ah oo uu siin jiray Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv waxaa uu suurogashay in ay ka hortaggaan ciidamadii Masar iyo Suuriya, waxayna qabsadeen dhul badan, waxaana la bilaabay dadaallo caalami ah oo lagu joojinayay dagaalka.

Xigashada Sawirka, EPA
Maamulka Daanta Galbeed iyo Qaza
Israa'iil ayaa dagaalkaas ku qabsatay dhul ka tirsan saddex dal oo Carbeed, sida marinka Qaza, Daanta Galbeed iyo Bariga magaalada Qudus.
Hase yeeshe, Falastiiniyiinta sheekadooda waa mid ka duwanayd midda Israa'iil ee xilligaas. Sababtoo ah, in ka badan milyan falastiniyiinta Carab ah waxay gacanta u galeen maamulka miltariga Israa'iil, iyadoo boqollaal kun oo ka mid ah ay ka qaxeen guryahooda amaba la musaafuriyay.
Waxay badankooda u noqotay mid la mid ah musiibadii labaad oo 19 sannadod ka hor xilligaas, oo ku beegnayd marki ay Israa'iil ay noqotay dal.
Boqolaal kun oo falastiiniyiin ah ayaa ka cararay guryahooda ama waa lagu khasbay in ay guryahooda ka baxaan, waxana dhacdadaas loo garanayaa Al Nakba, ama "Musiibada".

Xigashada Sawirka, AFP
Deegaamaynta Yuhuudda
Tiro yar oo reer israa'iil ah, tani waxay u ahayd fursad aan la lumin karin. Sannadkii 1968, koox Yuhuud ah oo dalxiis u tagtay hoteel ku yaala Daanta Galbeed, waxay diideen in ay baxaan illaa ay dowladda ka ogolaatay in ay siiso guri ku meel gaar ah oo ku yaal aag u dhow.
Waxay ahayd bilowgii horseeday, in la gumaysto qaybo badan oo ka tirsan dadkii Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Sannadkii 2015, ku dhowaad 386,000 oo qoys oo Yuhuud ah ayaa la wareegtay 131 deegaan oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Balse Beesha Caalamka ayaa deegaamayntaas ku tilmaamtay sharci darro. Qodobka 49-aad ee Heshiiskii Afaraad ee Jeneva, wuxuu mamnuucayaa xukun ka ah in shacab laga wareeyo guryahooda oo kuwa kale la siiyo.
Israa'iil ayaa diiday go'aankaas, iyada oo dowlad kasta oo soo martay, tan iyo 1967, ay kordhinaysay tirada dadka ay deegaamaynta loo sameynayay.
Arrinta deegaamaynta ayaa muddo dheer dhibaato ku ahayd helitaanka nabad u dhexeysa Israa'iil iyo Falastiin. Qaarkood ayaa qaba in barnaamijkan uu yahay waxa hortaagan in xal waara la helo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aayaha Qudus
Israa'iil ayaa sheeganaysa in magaalada Qudus oo dhan ay tahay Caasimadooda, halka Falastiiniyiinta ay sheeganayaan in Bariga Qudus ay tahay caasimadda mustaqbalka ee Falastiiniyiinta.
Qudus ayaa u qaybsantay labo dhinac. Ciidamada Israa'iil oo qabsaday Galbeedka, iyo ciidamada Urdun oo qabsaday Bariga.
Maadaama aysan labada dhinac waligood heshiin - dhinac kasta kan kale ayuu eedda dusha uga tuuray. Mana jirin wax dagaallo ah oo dhacay sanadihii xigay.
Dagaal kale ayaa bilowday sannadkii 1967, Israa'iil ayaana qabsatay Bariga Qudus, Daanta Galbeed, buuraha Golan Heights ee Suuriya, Gaza iyo gacanka Siinaay ee Masar.
In kastoo dagaallo badan ay ka dheceen Qudus, haddana goobaha cibaadada ee diimahan kala duwan, way isku xushmeynayeen, wayna ka mideysnaayeen taa.
Waxaa xuddun u ah qeybta qadiimiga ah. Jidadkeeda ciriiriga ah iyo dhismeyaasha taariikhiga ah ee afarta u qeybsan - Muslimiinta, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Armenian-ka. Waxaa qeybtaas ku wareegsan gidaar, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah goobaha ugu barakeysan caalamka.
Yuhuuddu waxay rumaysan tahay in dhulkaasi uu yahay dhulkii awooweyaashood, balse Falastiiniyiintuna waxay sidoo kale sheegteen in ayagu ay dhulka leeyihiin, isla markaasna waxay ka soo horjeesteen tallaabadaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Geedi socodka Nabadda
Tani weli waa arrin weyn oo aan la xalinin tan iyo 1967. Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaa kulmay dhowr jeer, laakiin waligood ma gaarin heshiis kama dambeys ah.
Deegaamaynta Israa'iil ayaa hoos u dhigtay geedi socodka nabadda. Falalka gacan qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala beegsado maqaayadaha iyo basaska Israa'iil ayaa sidoo kale qayb ah.
Kaba sii darane, labada dhinacba waxaa soo maray kala qeybsanaan siyaasadeed oo qoto dheer.
Kaalinta Mareykanka
Dokumentiyo qarsoodi ah oo laga soo xigtay dowladda Britain, sannadkii 2004, ayaa lagu sheegay in dowladda UK aan si buuxda loogala tashanin heeganka Mareykanka uu geliyay hubkiisa nukliyerka, xilliggii uu socday dagaalkii 1973 Oktoobar, ee dhexmaray Carabta iyo Israa'iil.
Weriyihii BBC-da ee uga warrami jiray arrimaha caalamka, Paul Reynolds, ayaa sheegay in 30 sano kaddib la daabacay warbixintaas qarsoodiga ah.
Ra'iisul wasaarihii xilligaas ee Britain, Edward Heath, wuxuu ku eedeeyay madaxweynihii Mareykanka, Richard Nixon, in uu wado isku dayo ku aadan in uu indhaha dadka uu ka jeediyo fadeexaddii Watergate.
"Waa in aan wajahnaa xaqiiqda ah in tallaabada Mareykanka ay horseeday waxyeeleyn weyn," ayuu yiri Heath, sida ku xusan dokomentiyada.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxaa hadda Dhacaya?
Xiisadaha u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus, Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa aad u sarreeya. Qaza waxaa xukuma ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaas oo marar badan ay Israa'iil dagaallameen.
Israa'iil iyo Masar ayaa kala maamula xuduudaha Qaza, si ay u xakameeyaan hubka soo gelaya halkaas, si ururka Xamaas uusan gacanta ugu dhigin.
Falastiiniyiinta ku sugan Qaza iyo Daanta Galbeed ayey badanaa waxyeello ka soo gaartaa ficillada Israa'iil iyo Xayiraadaha halkaa saaran. Israa'iil ayaa dhankeeda sheegaysa in arrintaas ay u samaynayso si ay nafteeda uga difaacdo rabshadaha Falastiiniyiinta.
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakaysan ee Ramadan, bartamihii bishii la soo dhaafay ee April, ayadoo iskudhacyo habeenkii ah ay dhexmarayeen Falastiiniyiinta iyo booliiska Israa'iil.
Falastiiniyiinta deggan Bariga Qudus oo si xoog ah guryahooda looga rarayo ayaa ayadu caro weyn dhalisay.













