Colaadda Gaza: Muxuu yahay ururka Xamaas ee iska caabiya Israa'iil?

Izzedine al-Qassam Brigades

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Garabka Izzedine al-Qassam Brigades ee Xamaas

Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go'an in ay burburiso Israa'iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa'iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa'iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go'doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.

Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa'iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.

Qaraxyadii Ismiidaaminta

Xamaas ayaa soo caanbaxday kadib Intifaadadii koobaad, xilligaa oo uu ururka diiddanaa heshiisyo nabadeed oo horraantii 1990-meeyadii ay kala saxiixdeen Israa'iil iyo Palestine Liberation Organisation (PLO).

Bilihii February iyo March 1996, ururka ayaa fuliyay dhowr qaraxyo ismiidaamin ah oo uu la beegsaday basas, ayna ku dhinteen ku dhawaad 60 Israa'iiliyiin ah. Weerarrada ayaa aargoosi u ahaa khaarijintii December 1995 ee Yaxya Cayaash, oo bambooyinka u sameyn jiray Xamaas.

Qaraxyadaas ayaa loo aaneeyaa in ay Israa'iil ay ka weecato hannaanka nabadda, uuna isla sanadkaa xilka la wareego Benjamin Netanyahu oo aad u diidanaa heshiiskii Oslo.

Falastiiniyiin badan ayaa taageero u muujiyay weerarrada qaraxyada loo adeegsaday ee Xamaas, waxaana ay u arkayeen kuwo loogu aargudayo, kana dhan ah deegaameynta ay Israa'iil ka waday Daanta Galbeed.

Bilihii March iyo April 2004, hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin iyo ninkii xukunka kala wareegay ee Cabdulcasiis al-Rantisi ayaa waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ka fulisay Gaza.

Sheekh Axmed Yaasiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sheekh Axmed Yaasiin

Isla November sanadkaas, waxaa geeriyooday Yaasir Carafaat oo madax u ahaa maamulka Falastiiniyiinta, waxaana xukunka la wareegay Maxamuud Cabbaas oo rumaysan in gantaallada Xamaas aysan waxba soo kordhin.

Markii uu ururka Xamaas ku guulaystay doorashadii baarlamaanka 2006, waxaa halkaa ka bilowday loolan awoodeed oo dhexmaray ururkaas iyo Fatax.

Ururka Xamaas ayaa diiday dhammaan dedaallada looga doonayay inuu saxiixo heshiisyadii hore ee dhexmaray Falastiiniyiinta iyo Israa'iil, inuu aqoonsado sharcinimada Israa'iil iyo in uu ka waantoobo colaadda.

Cunaqabateyn

Guushii doorashada kadib, Israa'iil iyo saaxiibadeed Galbeedka ayaa xukuumaddii Xamaas la beegsaday cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.

Kadib markii Fatax laga saaray Gaza sanadkii 2007, Israa'iil ayaa waxa ay xoojisay go'doominta dhulkaas, waxaana sii socday gantaallada Falastiiniyiinta iyo duqeymaha Israa'iil.

Israa'iil ayaa mas'uuliyadda dhammaan weerarrada uga yimaada Gaza dusha ka saarta Xamaas, waxaana halkaa ku dhexmaray saddex duulaan oo waaweyn.

Gantaallada Xamaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaal Xamaas ay ku weerartay Israa'iil

Bishii December 2008, milateriga Israa'iil ayaa billaabay hawgal uu ugu magacdaray Operation Cast Lead, si uu u joojiyo gantaallada looga soo gano Gaza, In ka badan 1,300 Falastiiniyiin ah iyo 13 Israa'iiliyiin ah ayaa ku dhintay dagaal socday 22 maalmood.

Israa'iil ayaa mar kale bishii November 2012 waxa ay duulaan la magac baxay Operation Pillar of Defence waxa ay ku qaaday Gaza. Dagaalka ayaa ka bilowday duqeyn ay Israa'iil ku dishay Axmed Jabari oo ahaa abaanduulaha Qassam Brigades. Ku dhawaad 170 Falastiiniyiin u badan rayid iyo lix Israa'iiliyiin ah ayaa ku naf waayay colaadda oo socotay 8 maalmood.

Xamaas ayaa awood ahaan lagu wiiqay labada dagaal, balse waxaa sii xoogeystay taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta oo u arkayay in ururka uu dagaal la galay Israa'iil, isla markaana badbaaday.

Bishii July 2014, labada dhinac ayaa dagaal kale oo xooggan isaga hor yimid. Dagaalka oo socday 50 maalmood ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,251 Falastiiniyiin ah oo 1,462 ay rayid yihiin. Israa'iil waxaa laga dilay 67 askari iyo 6 qof oo rayid ah.

Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay.

Inkastoo ay weli go'doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, waxaana uu tayeeyay hubkiisa gantaallada ah. Isku-day uu kula heshiis lahaa Fatax ayaa guuldaraystay.

Xaaladda bani'aadannimo ee shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza ayaa ka sii daraysa. Waxa ay dadkaas wajahaan gabaabsi dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah.