Heshiiska Israa'iil iyo Carabta: Muxuu dalka Tuniisiya u diiday inuu hagaajiyo xiriirka Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raiisel wasaaraha Tunisia Hichem Mechichi ayaa sheegay in dalkiisu uusan danaynayn in caadi laga dhigo xiriirka kala dhexeeya Israel.
Morocco ayaa toddobaadkii la soo dhaafay noqotay xubintii afraad ee ka tirsan Jaamacadda Carabta ee shaacisa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israel bilihii la soo dhaafay.
Intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay Faransiiska, Mr Mechichi, oo ka jawaabayay su'aal ay weydiiyeen suxufiyiinta oo ahayd in Tuunisiya ay damacsan tahay in ay raacayso waddada Morocco iyo in kale, waxa uu yidhi "dal walba xor buu u yahay inuu doorto dookhiisa. "
Mr Mechichi ayaa sidoo kale beeniyay in maamulka Trump uu cadaadis Tunisiya ku saaray iney hagaajiso xiriirka Israa'iil.
"Ma aanan maqlin wax ku saabsan maamulka Trump oo nagu cadaadinaya inaan raacno wadadii Morocco iyo Emirates" ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in Morocco ee ah in ay caadi ka dhigeyso xiriirka ay la leedahay Israel.
Taas bedelkeeda, maamulkiisu wuxuu u aqoonsaday madaxbanaanida Morocco dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.
Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.
Mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta ee heshiiska Imaaraatka iyo Israa'iil ayaa waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa'iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta gaar ahaan Khaliijka.
Cabsidaas ayaa waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan, halkaas oo ay dadku aaraa'doodu gaarka ah ku wadaagayaan ee waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa'iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Carabta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.










