Maraykanka oo Itoobiyaan iyo Afrikaan kale u tarxiilay dalka Cameroon

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qaxooti kasoo jeeda Afar dal oo Itoobiyaan ay kamid yihiin ayaa laga soo tarxiilay dalka Maraykanka iyaga oo laga dajiyay dalka Cameroon asbuucan gudihiisa, sida ay qareenadoodu u sheegeen wakaalada wararka ee AFP.

Sagaalkan qaxootiga ah ayaa loogu diray bartamaha Afrika heshiis ay wada gaareen Cameroon iyo Maraykanka.

Sida laga soo xigtay AFP, dadka laga soo tarxiilay Maraykanka ee la geeyay Cameroon ayaa u kala dhashay dalalka Itoobiya, Ghana, Angola iyo Congo, waxaana dalkaasi laga dajiyay dhammaadkii bishii April.

Maamulka Trump ayaa caddaadisyo adag oo ka dhan ah qaxootiga soo saaray, taasina waxa ay dhalisay in la tarxiilo kuwo badan oo aan dib ugu laaban karin dalkooda oo laga dajiyay dal saddexaad.

Maraykanka waxaa uu heshiisyo arrimaha tarxiilka la gaaray dhowr dal oo Afrikaan ah oo aqbali kara qaxootiga uu soo celinayo, kuwaasi oo sii haynaya shakhsiyaadka inta ay ku laabanayaan dalkoodii asalka ahaa.

Cameroon waxaa ay kamid tahay dalalka heshiiskaasi la saxiixday maamulka Donald Trump.

Qareen arrimaha socdaalka Alma David ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qaxootiga loo tarxiilay Cameroon muddo saddex jeer ah tan iyo bishii Janaayo oo ay ku jirto tarxiilkii u dambeeyay.

Qaxootiga laga dejiyay Cameroon asbuucan ayaa isugu jira lix haween ah iyo saddex rag ah, waxaana ay ku biirayaan 17 qof oo horay looga soo tarxiilay Maraykanka.

Qareenka reer Cameroon Joseph Awah Fru oo si dhow ula socday duulimaadyadii u horeeyay ayaa xaqiijiyay in diyaarad saddexaad oo sida tarxiil ka yimid dhanka Maraykanka ay timid Arbacadii.

Sida laga soo xigtay warbixin ay qortay New York Times, Cameroom waxa ay ka helaysaa Washington $300 milyan oo doolar, taasi oo ay ku heshay inay aqbashay dalkeeda la geeyo qaxooti dalal kale.

Dalalka kale ee Afrikaanka ah ee kala saxiixay heshiisyo lamid ah kuwan Washington ayaa kala ah Rwanda, Koonfurta Suudaan, Equatorial Guinea, Swazilan iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo.

Inta ugu badan qaxootiga ee loo diray dal saddexaad ayaa laga mamnuucay in la tarxiilo sida uu amray nidaamka caddaalada Mararykanka sababo la xiriira walaacyo ammaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Natiijadaas darteed, maamulka Trump waxa ay u diri karaan dal saddexaad, iyada oo dalka martigaliyaha ah ay usii diri karaan dalkii ay asal ahaan ka yimaadeen ee horay loogu diidanaa in lagu celiyo.

Afar qaxooti ah oo qaxooti ah oo sidan oo kale loogu tarxiilay Cameroon ayaa dib loogu celiyay dalalkii hore ee ay ka yimaadeen, waxaana ay kala yihiin dalalka lagu celiyay Morocco, Angola iyo Senegal.

Maxkamadda Maraykanku waxa ay xukuntay in laba haween ah oo u dhashay Morocco ay tahay cabashadooda mid jirta, ayna tilmaameen khatar ammaan haddii dalkooda dib loogu celiyo.

Qareenka Maraykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qaxootiga la celiyay ay ku jiraan dhuumasho, kadib markii dib loogu celiyay Morocco.

Inta hartay ee 13-ka qof ah ayaa ku jira xarun ay maamusho dowladda Cameroon oo iskaashi ay ka wada leeyihiin hay'adda caalamiga ah IOM, waxaana ay magangalyo siyaasadeed ay weydiisan karaan Cameroon haddii ay doonayaan, sida ay warbixinta lagu sheegay.

Bayaan ku taariikhaysnaa September, hay'adda xuquuqda aadanaha caalamiga ah ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in caddaadiska tarxiilka ee uu samaynayo maamulka Trump ''aysan lahayn heshiisyo caddaaladeed'' ayna carqalad ku tahay sharciga caalamiga ah ayna tahay in la iska diido.

Horraantii bishii aynu soo dhaafnay ee April, Marayanku waxaa uu ka dejiyay Uganda ilaa 8 qof oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo Afrika ah, waxaana loogu tarxiilay dalkaasi heshiis ay wada gaareen Washington.

Sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2025 ayaa Rwanda sidan oo kale ay iyaduna u qaabishay muhaajiriin laga soo tarxiilay Maraykanka, waxaana dalalka Afrikaanka ah ee iyagu oggolaaday heshiiskan ay yihiin kuwo badan, iyada oo Maraykanku u arko dal saddexaad oo ammaan ah.