TOOS, Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in dab weyn uu ka kacay dekedda shidaalka Fujairah

War-saxaafadeed lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka degdegga ay ku howlan yihiin xakamaynta dabka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo ka hadlay qorshahiisa cusub Iiraan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay Aqalka Cad isagoo la hadlayay masuuliyiin iyo marti kale.

    Khudbadda ayaa markii hore loogu talagalay inay diiradda saarto arrimaha gudaha, balse Trump wuxuu hadalkiisa ku bilaabay isagoo tixraacaya waxa uu ugu yeeray “isbeddel yar” oo ku saabsan Iran, waxaana uu sheegay in arrimuhu “si aad u wanaagsan u socdaan.”

    Trump ayaan xusin xiisadda sii korodhaysa ee dhacday Isniintii, mana uusan ka hadlin saameynta suurtagalka ah ee ay ku yeelan karto qiimaha saliiddu.

  2. Maraykanka oo ka hadlay weerar ay ku qaadeen doonyaha Iiraan

    Centcom

    Xigashada Sawirka, Centcom

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in uu adeegsaday diyaarado qumaatiga u kaca si uu u burburiyo doonyo yaryar oo ay Iran leedahay.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Mareykanku uu weeraray toddobo doonyood oo yaryar oo ay Iiraan leedahay, isaga oo isku dayaya inuu furo Marinka Hormuz.

    “Horaantii maanta, diyaaradaha Sea Hawk iyo kuwa ciidamada dhulka ee Mareykanka ee AH-64 Apache ayaa loo adeegsaday in lagu baabi'iyo doonyo yaryar oo Iiraan leedahay oo halis ku ahaa maraakiibta ganacsiga,” ayuu Centcom ku qoray war ay ku baahiyeen baraha bulshada.

  3. Dhammaad!

    Manchester City oo u baahnayd saddex dhibcood ayaa kulanka ka qaadatay hal dhibic, markii ay si dirqi barbardhac ula gashay Everton.

    Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa xiise gooni lahayd.

  4. GOOOOOOL - Everton 3-3 Manchester City

    Jeremy Doku

  5. GOOOOOOL - Everton 3-2 Manchester City

    Erling Haaland

    Erling Haaland

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  6. GOOOOOL - Everton 3-1 Manchester City

  7. GOOOOL - Everton 2-1 Manchester City

  8. Imaaradka oo war ka soo saaray weerarkii lagu qaaday maanta

    Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyadooda difaaca hawada ay maanta la tacaaleen weerarro ka yimid Iran, oo ay ku jiraan 12 gantaal balagtig ah, saddex gantaal kuruus ah, iyo afar diyaarado aan duuliye lahayn.

    Waxay intaa ku dartay in weerarradan ay sababeen saddex dhaawac oo dhexdhexaad ah.

  9. City oo hoggaanka u haysa ciyaarta

    City oo hoggaanka u haysa ciyaarta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Manchester City ayaa hal gool ku hoggaaminaysa ciyaar ka tirsan Horyaalka Heerka Kowaad ee Ingiriiska oo la dheelayso Everton.

    Jeremy Doku ayaa gool qurux badan ku hubsaday shabaqa kooxdan ka dhisan magaalada Liverpool.

  10. Ciyaar xiiso leh oo dhex maraysa Manchester City iyo Everton

    City iyo Everton

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxaha Manchester City iyo Everton ayaa wada ciyaaraya kulan ka tirsan Horyaalka Ingiriiska. City ayaa lix dhibcood ka dambaysay kooxda hoggaanka haysa inkasta oo ay laba ciyaarood u dhiman yihiin. Kooxda Everton ayaa dhankeeda dadaal gelinaysa in ay ku biirto lixda kooxood ee ugu sarreeya.

    Halkan kala soco xogta kulankaasi.

  11. Suurtagal ma tahay in mar kale dagaal dhex maro Israa'iil, Maraykan iyo Iiraan?

    Khariirad

    Kaddib markii Imaaraadka Carabta lala beegsaday weerarro gantaallo ah oo dhowr ah, waxa mar kale soo xoogaysanaysa suurtagalnimada in uu dib u qarxo iska horimaad millitari oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Fujairah oo ku taalla Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in dab uu ka kacay xarun weyn oo saliideed, islamarkaana waxa la soo wariyay in ay ku dhaawacmeen saddex qof, kaddib weerar drone ah oo Iiraan lagu eedeeyay.

    Imaaraadka Carabta ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo halis ah oo sii hurinaya xiisadda, islamarkaana jebinaya xasilloonidii jirtay ee daba socotay xabbad-joojin dhex martay Mareykanka iyo Iiraan.

  12. Trump ayaa sheegay in ay duqeeyeen 7 doon oo Iran leedahay

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay weerareen toddobo doony oo yaryar oo Iran leedahay kuwas oo ka shaqeynayay furitaanka marinka Hormuz.

    Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa bulsho ayuu Trump sidoo kale sheegay in Iran ay “rasaas ku furtay dalal aan khuseyn”, oo ay ku jirto markab laga leeyahay Kuuriyada koonfureed.

    Wuxuu mar kale ku boorriyay dalalka kale in ay kordhiyaan taageeradooda dadaallada Mareykanka ee lagu sugayo ganacsiga gobolka.

    “Waxaa laga yaabaa in ay tahay waqtigii Kuuriyada Koonfureed ay ku biiri lahayd howlgalka,” ayuu yiri.

    Trump wuxuu intaas ku daray in Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, iyo Janaraal Dan Caine, ay qaban doonaan shir jaraa’id berri subax si ay u bixiyaan warar dheeraad ah.

  13. Qiimaha saliidda ceyriin ayaa ka sara maray $115 kaddib weerarkii Fujairah

    Marinka Hormuz

    Waxay ahayd maalin kale oo isbeddel xooggan ku yimid suuqa saliidda, iyadoo qiimaha saliidda cayriin uu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in la weeraray Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Fuustadii ayaa dhaatay $115 wax yar kaddib shanti galabnimo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dekedda muhiimka ah ee shidaalka ee Fujairah la weeraray, taasoo ka dhigan koror ka badan 5%.

    Fujairah waxay ku taallaa xeebta bari ee Imaaraadka, dhinaca ka baxsan marinka Hormuz.

    Tuubo shidaal oo ka timaadda goobaha saliidda ee Abu Dhabi ayaa gaarta Fujairah, taasoo u oggolaanaysa in xaddi xaddidan oo saliid ah lagu raro maraakiib loona dhoofiyo suuqyada caalamka inkastoo marin-biyoodka uu u xiran yahay.

    Saliidda cayrin ayaa horey u gaartay $114 kaddib warar sheegayay in ciidanka Iran ay weerareen markab dagaal oo Mareykanku leeyahay. Qiimuhu wuxuu hoos u dhacay markii Mareykanka uu sheegay in maraakiibtiisa aan la weerarin.

  14. Qatar ayaa ku tilmaantay weerar lagu qaaday Marabka Imaaraatku leeyahay ‘Xadgudub lagu sameeyay qeynuunka caalamiga’

    Wararkii ugu dambeeya ee ka soo baxay dekadda Fujairah, Imaaraadka ayaa soo baxay kaddib markii markab shidaal oo ay leedahay, shirkadda shidaalka ee dowladda Adnoc, la sheegay in lagu duqeeyay Hormuz.

    Qatar oo deris la ah Imaaraadka ayaa cambaareysay weerarka markabka. Hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in weerarku yahay “xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo mabda’a xorriyadda maraakiibta ee badaha”.

    Qatar waxay mar kale ku baaqday in marin-biyoodka Hormuz si “shuruud la’aan ah dib loogu furo”.

    Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegaya weerarro gantaallo ah, iyadoo digniintii ugu dambeysay la soo saaray 19:49 waqtiga maxalliga ah ee dalka.

    Weli lama maqal wax mas’uuliyiin Iran ah oo xaqiijinaya weerarradan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyen.

  15. Imaaraatka ayaa sheegay dab ka dhashay weerar drone oo Iran ku soo qaaday dakad shidaal

    Dakadda Fujeera

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in dab weyn uu ka kacay dekedda shidaalka ee Fujairah kaddib weerar diyaarado drone ah oo laga soo qaaday Iiraan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hoose oo dowladda ka tirsan.

    Fujairah waa dekedda ugu weyn ee Imaaraadka iyo xarunta ugu weyn ee kaydinta shidaalka. Kahor xabbad-joojinta, sidoo kale waxaa lagu bartilmaameedsaday weerarro drone ah.

    War-saxaafadeed lagu baahiyay baraha bulshada, xafiiska warbaahinta ee dowladda Fujairah ayaa lagu sheegay in kooxaha difaaca madaniga ah ay ku howlan yihiin xakamaynta dabka.

    Warbixinta weerarkan ayaa timid xilli wasaaradda difaaca ee Imaaraadka ay sheegtay in ay qabatay saddex gantaal oo laga soo tuuray Iiraan. Dowladda Iran weli wax faahfaahin ah kama bixin weerarkan.

  16. War deg deg ah, Wasaaradda difaaca Imaaraatka ayaa sheegtay in saddex ganaal oo Iran soo riday laga hortagay

    Wasaaradda difaaca ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka hortagtay saddex gantaal oo laga soo tuuray Iran, halka gantaal afraad uu ku dhacay badda.

    Qoraal ay ku daabacday barteeda bulsho, ayay ku sheegtay in qaraxyada laga maqlay qaybo ka mid ah dalka ay ka dhasheen qabashada gantaalladaas.

    Arrintan waxay imanaysaa wax yar kadib markii hay’adda maareynta xaaladaha degdegga ah ee dalka ay sheegtay in ay ka jawaabayso hanjabaado gantaal.

    Iran weli wax faallo ah kama bixin weerarkan.

    Sidoo kale akhri:

  17. Imaaraatka ayaa sheegay in qalabkooda difaaca ay bixiyaan jawaab ah in ay jiraan khatar gantaal

    Bariga Dhexe

    Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay ka jawaabayaan khataro gantaal.

    Hay’adda Qaranka ee Maareynta Xaaladaha Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee dalka ayaa dadka ku boorrisay in ay joogaan meello ammaan ah.

    Tani waxay ku soo aadeysaa kaddib digniin gantaal oo hore loogu diray dadka ku nool Imaaraadka.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Kuuriya ayaa sidoo kale sheegay in markab xamuul ah oo ku xirtay biyaha u dhow Imaaraadka laga yaabo in lagu dhuftay gantaal, taas oo keentay qarax

  18. Iran ayaa beenisay sheegashada Mareykanka ee ah in Maraakiib mareen Hormuz

    Markab dagaal oo maray Hormuz

    Xigashada Sawirka, ISNA/WANA/Reuters

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa ku tilmaamay sheegashada Mareykanka ee ku saabsan maraakiib maray marin-biyoodka Gacanka Hormuz “been cad”.

    Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa hore u sheegay in laba markab oo ganacsi oo wata calanka Mareykanka ay “si guul leh uga gudbeen Gacanka Hormuz”.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa hada baahisay bayaan ka soo baxay IRGC oo sheegaya in “aanay jirin maraakiib ganacsi ama kuwa shidaal qaada” oo maray gacanka Hormuz “saacadihii u dambeeyay”.

    IRGC waxay sheegen in hadallada Mareykanka ay yihiin “kuwa aan sal lahayn oo gebi ahaanba been ah”, waxayna ka digtay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka baxsan amarrada ciidanka badda ee IRGC uu “wajihi doonon khatar daran”.

  19. Waa khatar in maraakiib laga gudbiyo Hormuz, ayuu yiri kabtan ciidamada badda Mareykanka oo hore

    Kevin Eyer

    Xigashada Sawirka, BBC News

    Qorshe kasta oo maraakiib lagu galbinayo marin biyoodka Hormuz waxa la socda "khatar weyn", ayuu yiri kabtan hore uga tirsanaa ciidamada badda Maraykanka oo hadda shaqada ka fariistay.

    Kevin Eyer, oo hore ugu ahaa taliyey saddex markab oo dagaal, ayaa u sheegay BBC-da in aanay caddayn in Maraykanku uu doonayo in uu "haga oo isku dubbarido, ama in uu raaco oo uu sameeyo xaalad kolonyo ah oo caadi ah".

    "Farqiga u dhexeeya labadan waa faraqa u dhexeeya habeenka iyo maalinta. Kaxaynta firfircooni waa xalka ugu khatarsan uguna qallafsan," ayuu yidhi.

    Eyer waxa uu sheegay in Iran ay weli haysato tiro gantaallada meelaha fog gaara, daroonada lagula dagaalo maraakiiba, iyo "boqolaal doonyo oo roondo oo ku hubysan ganaallo ".

    Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga oo sita calanka Mareykanka ay ka shiraacdeen marin biyoodka Hormuz. Ciidamada Iran ayaa horay u sheegay in ay weerari doonaan ciidamada Mareykanka hadii ay galaan marinka badda.

    Sidoo kale akhri:

  20. War deg deg ah, Dadka degan Imaaraadka ayaa helay digniin gantaal

    Dadka degan Imaaraadka ayaa helay digniin gantaal

    Shacabka Imaaraatka Carabta ayaa goordhaweyd helay digniin ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    Wax yar kaddib, dhambaal toos ah ayaa la diray, oo loogu sheegay dadka deggan wadanka "xaaladda hadda waa ammaan" iyo in hawlihii caadiga ahaa dib u bilaaban karaan.

    Ilaa hadda ma cadda waxa digniinta dhaliyay.

    Sidoo kale akhri: